Skip to main content

Posts

Ka bad-badintii Puntland lagu aasaasay!

  Haddii aan soo koobo, Puntland laba lagu aasaasay. Dadkaa in ay salka dhigtaan iyo in dowladnimo Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Marka aad sii eegtid xaal sida uu ahaa, qodobka 2aad ka badbadin baa lagu tilmaami karaa. Dad iyaguba soo qaxay oo wax badanna ku dhex labanyihiin in ay sidaa u fekeraan, waa waalli cas. Yeelkeede, la gaar dowladnimadii, maantana dalku waa isku aaddanyahay, waxa khaldanna waa nin howshiisii dayacay. Aasaaseyaashii  Puntland waxaa qeyb ka ahaa dhaqankii oo badankood ah rag dhaxal ku yimid baa inoo jooga. Sideedana dhaqan waxaa kaalintiisu tahay arrin qabiil la xiriirta. Mana rumeysni qodobkaa ka badbadinta aan kusoo tilmaamay in ay iyaga ka timid. Haatan, Puntland mar walba oo wax dowladnimada la xiriira adkaato, ma saxbaa in dhaqanka lasoo geliyo? Haddiiba lasoo geliyeyse, dhaqanku awood ma u leeyihiin in ay arrin siyaasi ah furdaamiyaan?  Anigu waxa aan qabaa malaha dhaqankeennu awooddaas. Eeg, waxa aan ka hadlayo waa awood, kama hadlayo odeyeyn iyo xaal mastu
Recent posts

Hardanka Puntland: Ballaarinta saamileyda siyaasadda iyo arki jire doon

  Inkastoo aanan ogeyn waxa u qarsoon saaxiibbadii shalay/cadowga maanta, misana waxa aan isku dayeynaa in aan akhrinno doodaha miiska saaran, si aan u fahanno waxa kicinka keenay. Tan iyo dhaqaajintii nidaamka axsaabta Puntland, waxaa soo noolaanayey himiladii Reer Puntland ay ka qabeen in dadku codkooda ku doortaan cidda ku meteleysa goleyaasha siyaasadda. Waxa aynnu wada xusuusannaa sida dadku usoo ajiibeen saddexdii degmo ee lagu billaabay nidaamka. Inkastoo haka uu galay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka degmooyinkii kale ee Puntland, misana dadku waxa ay muujiyeen rabitaan aanan la dhayalsan karin, taas oo aynu wada arkeynay sida dadku u codeyneyeen oo kormeerayaalkii Caalamiga ahaa ay qireen in dadkaanu yihiin kuwo aad mooddo in ay weligood wax dooran jireen. Casharraddii quruxda badnaa ee aynu ka barannay waxaa kamid ahaa murashixiinta ururrada oo wareegaya xaafadaha, qaarkoodna ayba wateen warbaahin soo tebinaysa codsiyada ay bulshada ku weydiisanayeen in ay codkooda si

Barashada xifadda hal'abuurka

 "Hal'abuurku waa caqliga oo laga shaqeysiiyo iyada oo lagu foogganyahay arrin, si loo gaaro aragti cusub" ~ Dr. Daariq Suweydaan Haddii aad tahay shaqaale ama hantiile, mar walba shaqada aad qabanaysid kama maaranto hal'abuur. Haddii aad tahay xirfadle, iyaduna xisaabta kuma jirto oo waxaa waajib ah in marwalba aad ha'abuur la timaaddo. Haddii aad tahay abwaan ama fannaan, iyana hal'abuurku waa sheyga keliya ee ay dadku kaaga aqoonsan karaan qeyrkaa, inta aad wax curin kartidna ay tahay masaafada idiin dhaxaysa tiigsiga figda sare. Haddii aad tahay qof caadi ah, iyana hal'abuurku waa lagama maarmaan, si noloshaadu u fududaatana, waxa aad u baahantahay in aad carisid maskaxdaada oo aad  hal'abuur la timaadid. Si aynu ugu dhawaanno u jeedka, hala'abuurku muxuu ugu dambeyn tarayaa? Hal'abuurku waxa uu kaa caawinayaa in aad fududeysid wax adkaa, ama aad soo dhaweysid wax fogaa, in aad saxdid wax khaldanaa, ama aad qurxisid, wax foolxumaa, in aad n

KIBIRKA WAA LAGU KUFAA

  20 sano ka hor, Mareykan Ciraaq buu iska weeraray. Wuxuu ahaa dagaal kibir iyo awood sheegasho ah oo Reer Ciraaq dal iyo dadba ay ku waayeen. Anigu waagaas si dhow baan dagaalkaa ula socday haba iska yaraado fahankayga iyo qiimeynteyda, balse waxa aan ogaa in Gaalo ay dal iyo dad Islaam ah ay kusoo qaadday, aad iyo aadna waa ay iila xumayd.  Hadda Mareykan wuxuu maalayaa beladii iyo baaskii uu ka shaqeynayey, Bariga dhexe oo uu baarqabnimadiisa kusoo bandhigay, isagoo mid jaban iyo mid jiis ah buu ka huleelay, isagoo aanan la mahdin, la tebeyn, lib iyo abaalna aanay cidna u hayn.  Shiinaha oo iska ahaa warshad lagu sameeyo hal'abuurka Mareykanka oo sida wiil booy ah (adeege) ayaa xarig jaraya mashaariicdii ugu waaweyneyd, heshiisiinaya dad aanan la isu keeni kari jirin, jeexayana dhuuntii dhaqaale ee dalkaasu ku hodmi lahaa (Silk Road), una sharraxan in uu noqdo kabiirka dunida u taliya dhaqaale ahaan,  xiriir ahaan, wax soosaar ahaan iyo jiritaan iyo mustaqbal ahaan.  In Mareyka

Qabyo

  Marka aad buug qoreysid, waxa ay ku macaantahay in uu qabyo kuusii yahay oo aad dhismihiisa iyo sii wadidiisa ka fekertid. Ciwaannadii kuu asteysnaa in ay ku sugayaan oo maadaama uu yahay sida bukaan meel kuu jiifa aad hadba fikraddii kugusoo dhacda aad ku daaweysid. Dhanka kalena ay foojignaantaadu marwalba dhegta u taageyso wixii la halmaala buuggaa, jeer uu noqdo adduunkaaga oo dhan sheyga ugu weyn oo ku sugaya. Bal kawarran haddii aad tahay qof de'yar ah oo Soomaaliya jooga, aanna haysan qabyooyin aad himilo ka dhigato horumarintooda, kuwaas oo isugu jira kuwo dowladnimo, kuwo bulsho, kuwo ganacsi, kuwo aqooneed oo adiga iyo awoowgaagii geeljiraha ahaa farqiga idiin dhexeeyaa uu yahay in aad waxna akhrin kadhid, halkii uu bannaan ka seexan jirayna aad qol habeenkii u hoyatid, balse caqli ahaan aadan u diyaarsanayn waajihidda casrigan aad joogtid. Saaxiibkay Sakariye oo aan ayaan dhexdaas ah wada shaqeynaynay baa subax annagoo quraac sugeyna halmar ay kasoo boodday "War a

Maangaab ha dhisin!

  Maangaabku ma aha wax khuraafi ah. Waa wax jira. Dadka ayey ku dhex jiraan. Ma aha dad wada jooga dabaqadaha hoose ee bulshada. Qaar baa jooga meelaha ugu muhiimsan. Joogiddoodaa ayaa mararka qaar sahasha in ay helaan fursad ay awood dhaqaale iyo mid xukun gacanta ku dhigaan. Taasi waxa ay keentaa in dhibaato aad iyo aad u weyn ay u geystaan inta gacanta ay ku hayaan. Sababta ma aha in ay xumaan ka tahay. Balse maba laha miisaan garasho iyo garaad ay ku maamulaan mas'uuliyaddaha ay gacanta ku dhigeen. Ma koobi karaan go'aannada ay qaadanayaan saameynta ballaaran ee ka dhalan karta. Maangaabnimadooda ayaana xaddideysa fogaal arag in ay noqdaan. Ammaanada waxaa kamid ah in qofka maangaabka ah aanan lagu dhiirrigelin in ay talo culus gacanta ku dhigaan, in aanan loo dhisin in ay mas'uuliyad qaadaan, in aanan la hor boodin sidii ay wax ku noqon lahaayeen. Dad badan oo aanan fursado haysan, balse la qaraabo ama saaxiib ah dad maangaab ah ayaa sameeya in ay soo dhisaan qof misk

Maaddi

  Maaddigu waa wax la taaban karo. Tusaale, haddii la dhoho hebel waa maaddi, waxaa la oran karaa waa qof maaddi ah oo lacag wax aanan ahayn ma yaqaan, mana xeeriyo. Maaddigu waa qofka oo itus ama itaabsii un wax ku qiimeeya. Sifada noocaa ahi ma aha mid mudan marka la joogo qofka bulshada ku dhex leh maqaam sare oo ku aaddan mas'uuliyad, sida in uu siyaasi yahay, ganacsade, wadaad, saxafi, bare, qoraa, abwaan, iwm. Maqaamkaa sare qofka gaara, waxaa u kordhaya saameyn uu si un ugu yeelanayo bulshada guud ahaan, waxaana muhiim ah in uu leeyahay fikir bulshonimo oo xeerinaya duruufaha markaa dadka ku xeeran, fahan xeel dheerna u dheeryahay mawaaqiftiisa iyo go'aanada uu qaadanayo labadaba. Marka qofku uu maaddi yahay, misana uu maqaam sare bulshada ka joogo, waxa uu khatar ku yahay bulshadaa. Haddii aad akhridey qoraalkaygii "Sixirka lacagta shorturl.at/mptxP " waxa aad arkeysaa in maaddinimada aanan laylisnayn ee mas'uuliyadda guud ka arradan uu marka dambe kallif