Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2018

See dareemeysaa?

Xanaaq, gaajo, welwel, cidlo, rajo-xumo ama farxad, kalsooni, han sarreyn, guul. Intuba waa dareen isbed-bedela oo hadba xaalad baan ku sugannahay. Sidaa awgeed oraahdii ahayd "Adigoo faraxsan ballan ha qaadin, adigoo xanaaqsanna go'aan ha goosan" waxay na baraysaa inaan noloshayada iyo go'aammada aan qaadanayno ku dhisin dareen. Waxaa isweydiin leh, maxaan hadaba noloshayada ku dhisnaa? Waxaa jirta oraah kale oo leh "Rag waxaa ugu liita Matoshe, Ma tashade iyo Ma tashiishe". Sadexdaan nin waxaa lagu ceebeeyey in aysan lahayn aragti fogaan oo midwalba uu ku sifoobay maangaabnimo ah in uusan aragti fog lahayn ee uu iska noolyahay bilaa ujeed. Halkaa waxaan kalasoo baxnay muhiimmada jiritaanka qofka in ay ku xirantahay hadba qofku inta uu aragti leeyahay, waxaana lagusii kala tagay hadba inta qofba qofka kale ka aragti fogyahay. Ninbaa aragtidiisu tahay "Guri cad, gaari cad iyo gabar cad". Ninna aragtidiisu waa "Boqortooyada aysan qorrax

ISU-DHIIB, HAKUU DHIIBEENE… (Faallo)

"Waxaad heshey barwaaqadii Maraykanka, nolol wanaagsan, booliska ku ilaaliya iyo maxkamado xuquuqdaada difaacaya, umaadan baahan saaxiib anigoo kale ah. Maantay waad ii timid adigoo leh Don Corleone cadaalad baan kaaga baahanahay, balse si ixtiraam leh iima aadan weydiisan, saaxiibtinimo iima aadan muujin, xitaa magacaygii iyo maamuuskeygii iiguma aadan yeerin. Kaliya waxaad iigu timid inaad lacag igu siiso si aan kuugu aar-gudo. Maxaan kuu dhimay oo aad sidaa iigu bah-dilaysaa? Maxaa kuu diiday inaad si saaxiibtinimo ah ii weydiisato codsigaaga, anna aan cadowgaaga kaa dhiciyo oo ay kaa baqaan". Isagoo hoos eegaya, is dhul-dhigaya ayuu wuxuu ku yiri "Waayahay ma ila saaxiibaysaa Abaaga Weynaayow? oo inta gacanta midigt ah ka dhunkaday weyneyn iyo ixtiraam awgii, sida sawirka ka muuqata". "Hagaag! Maalin baan kuu baahan doonaa, maalintaas waa inaan ku helaa, inta ka horreysa, codsigaagii waan aqbalay, howshaadana waan kuu dhammaynayaa". Waa wa

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo