Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2018

Maxay u damqan la'yihiin? (Sheeko dhab ah iyo farriin)

Aniga oo gaarigayga wata baa waxaan soo maray iskuul agtii, ardaydii oo xilligaa biririf qaadanaya ayaa waddada aan marayey yaaceysey, gabdho iyo wiilal ayaan sii dhex maray, waxaan dareensanaa in ay waddada aad ugu dhawaayeen oo gaariga aysan iska jirayn, anna dan kama gelin, hoonna u ma yeerine aayar baan iska dhex maray. Alleylehe markii aan kasii dhammaanayey baa waxaan maqlay gaarigii oo wax lagu dhuftay. Maskaxdayda waxaa ku jirtay faduul iyo ciyaar bay dhalinyaradu kula soo aadeen, aniga oo aad u caraysan baan gaarigii inta istaajiyey ka degey, canaan iyo qeylo baan dhalinyaradii kula dul dhacay. Mid kamid ah dhalinyaradii ayaa si adag iila hadlay oo yiri "maxaad noo jiirtay?". Asxaabtiisii qaar kamid ah ayaa aniga ii dejiyey oo raalli-gelin isiiyey, anna waan aqbalay raalli gelintii, yarkii qeylinayeyna uma jawaabin, gaarigeygii baan kusoo laabtay. Waxaan dareemayey in ay wax khaldanyihiin, waayo wiilkii ila murmayey, waxaa lugtiisa ka muuqday boor iyo taayarka

Tobanka xeer ee gundhigga u ah iibinta (Layaabka xeerarkaan lagu allifay, dhammaadka qormada ka eeg!)

(Layaabka xeerarkaan lagu allifay, dhammaadka qormada ka eeg!) 1. Marka 1aad, isu aqoonso in aad tahay qof leh qiime isla leh, aragtiyihiisuna ay dunida waxweyn ka bedeli karaan. 2. Ixtiraam maankaaga adigoo hal'abuurka kaasoo maaxda meel ku kaydinaya - Qor dee -. 3. Ilaasho, magacaaga ku qor. Iska ilaali burcad-fikradeedka yeysan kaaga habsan eh. 4. Dabbaal-deg marka aad aragti la yaableh kaasoo go'do. Ha'is quursan oo sidii CR7 u boodbood. Aayar dee si aanan laguula yaabin, hoosta ka dhaantee. 5. Ha seexan! Maskaxdaada tuuji, waxyaabo badan baa kugu duugan. 6. Soofee, qor-qor, laxami.... Wax macquul ah oo gadmi kara ka dhig 7. Faafi! Adiga oo fikirkaaga la wadaagaya un cidda fulin karta ee awooddeeda leh, ha'isku daalin maan-jiiska. 8. Wax la har! Waxaaga oo dhan ha fatihin, xoogaa meel ku qabbee. 9. Furo meherad aad ku iibisid xigmaddaada, soo saar macaamiil sii tafaariikheysa boqortooyadaada. 10. Lacagtu waa lagama maarmaan eh, Aragtiyahaagu haku biileen

Fadlan ha xanuunsan, dhaawacna yuusan ku gaarin! (Sheekooyin naxdin leh oo run ah)

Wiil yar oo aan dhalay baa aad caloosha looga qabtay, kadibna waxaan geeyey dhakhtar. Baaritaan kadib waxaa uu u qoray daawo, kadibna iisoo celi ayuu yiri dakhtarkii. Dawaadii sidaan ugu waday ayeyna dhammaatay, waxbana kama aysan bedelin xanuunkii. Dhaktarkii baan ku celiyey, waxaana uu ii sheegay in daawada dalka taal tahay mid tayo hooseysa. Sidaa waxaa yiri saaxiibkay Xuseen oo aan galabtay wada casariyeynay. Oday kale oo isna nala fadhiyey ayaa wuxuu noo sheegay in dhakhtarkaasi qiray daawada tayada leh ganacsatadu aysan iibin sababo la xiriira qiimeheeda oo badan iyo ganacsatada oo aanan iyana xil iska saarin tayada. Habeen dhexdaas ah oo aan booqday Isbitaalka weyn, waxaa bukaankii aan u tagay agtiisa laga qaaday wiil ay dhaleen dad dan-yar ah kaas oo gaari ka dhacay, kadibna madaxa dhulka si xun ugu dhufsaday, xaaladdiisuna ay aad u xuntahay, sababta meesha looga qaaday ayaa ahayd in aysan joogin dhakhaatiir waxka qaban karta xaaladdiisa, sariirta uu jiifana lacag badan

Filinka "V for Vendetta" mawada ujili karnaa? (Faallo)

Ninka maaskaraatiga xiran ee sawirka ka muuqdaa waxaa uu ka mid ahaa maxaabiis lagu tijaabiyey daawo cusub, badankood maxaabiistii waxaa ay u dhinteen suntii daawada, marka laga reebo isaga oo aanan sunta u dhiman, balse jirkiisii oo dhan wuu is bedelay, waana tan keentay in uu jirkiisa oo idil uu qariyo, xitaa wajigga. Inta uu ku jiray xabsiga ayuu isu dhisay maskax ahaan iyo jir ahaan, waxaana uu go'aansaday in uu sameeyo kacdoon ka dhan ah dowladdii sidaa u gashay oo ahayd kaligii talis, taas oo aanan wax xorriyad ah u ogoleyn dadkeeda. Waxaa uu samaystay shakhsiyad la magac baxday xarafka "V", waxaana uu diyaariyey qorshe uu ku sameeyo kacdoon weyn. Maalin qaranku xuso oo ku aaddan 5ta November ayuu si xoog ah ku qabsaday TV-ga dalka dhan laga daawado si uu farriintiisa ugu gudbiyo shacabka, waxaana ay ahayd sidan: "Galab wanaagsan, Marka 1aad ka raalli ahaada arbushka aan idinlasoo galay, sidiinna oo kale laftigaygu waxaan jeclahay nolosha maalinlaha ah

Sanadka fuustadee dilin-dillaynaysaa? (Bal waxa dhacaya eega!)

Fiidnimadii xalay anigoo meel meherad ah oo asxaabtayda aan ku ballansanayn ku sugaya baa waxaa xoogaa yar kadib soo fariistay meheradii nin saaxiibbo aan nahay. Waan is waraysannay, waxaana ku ogaa inuu murashixiinta nin kamid ah la shaqaynayey. Waxaa uu ila wadaagay halka ay wax u marayaan, sidoo kale waxaa uu ii sheegay rag saaxiibbadii ah inay hadba murashax u guurayaan oo qaarkood ayba isu mareen afar murashax. Igusoo qalloociyoo, wuu ii sarbeebay isagoo leh! "Sanadka fuustadee dilin-dillaynaysaa?" Isagoo ula jeeday murashaxee sanadkan taageersantahay? Kamaba waaline waxaan iri sanadka fuursatada weeyn baan dilin-dillaynayaa, anigoo u jeeda inaan Puntland lafteeda u ololeynayo, halkii aan u ololeyn lahaa shakhsi. Aysanna soconayn wax la yiraahdo "Hebeloow halagusoo yaaco". Intaa kaftan haddii aanku daayo. Bal aan isweydiinno: Maxay Puntland ku sugantahay? Maxaa sababay? Maxaa xalku yahay? Sideese lagu gaari karaa? 1. Maxay Puntland ku sug

Ama Buurta tiigso, ama Booraanta deg! (Isdhiirrigelin)

Waxka macaan ma jiraan subaxdii inaad soo toosto adigoo himilo weyn ka shaqaynaya. Waxaa ay ku siinaysaa xamaasad iyo firfircooni, waxaadna ogaanaysaa in noloshaadu micne weyn ku fadhido, aadna tahay iftiin kamid ah kuwa dunida u nuurinaya aadanaha. Haddaad is leedahay alleylehe waxweyn oo i riixaya ma jiraan ama waa ay ila yartahay waxa aan  u jarmaadayo, samayso imikaba himilo weyn. Himilada weyn waxaa ay ka timaadda garaad mug weyn, waatii horey loo yiri "Qofka garaadka sarreeya waxaa uu maankiisu rog-rogaa aragtiyo waaweyn". Tusaale, Aqoonta aad baratay ama waayo-aragnimada aad leedahay adigoo wax ku dhisaaya ka feker dhibaatooyinka dunida ama dalkaaga haysta, kadibna raadi xalka dhibtaas taagaan. Kuwa dunida kusoo kordhiyey hal'abuurrada waaweyn waa ay qabeen baqdinta aad qabtid ee ah "amaa lagugu qoslaa, amaa lagaa maadaystaa, amaad aad fashilantaa, amaa... amaa...". Oraah carbeed baa micneheedu ahaa "Ninka aanan jecleysan tafidda buuraha, waligii