Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2018

Xujo fur (Kamaaludin Abshir)

Boowe xujo waad isaga magacawdaye, waxay tahay dareenkaaga cabbir. Ninyahow dareenka ugu foosha xun ee qof aadane ah dareemo waa rejo-beel, qofku haddii uu heerkaa gaaro, xitaa waxaa dhacda in uu nolosha aasaasiyaadkeeda dayaco, sida in uu cadayan waayo, qubaysan waayo, lebis iyo xarrago warkeedaba daa, waxaa uu noqdaa sida qof toogasho ku xukuman, waxaa uu sugaa maalinka tiirka la geyn doono. Boowe, Puntland tobankii sano ee u dambeeyey hoos u socod mooyee, horumar ma jirin, waxaana u aaneeyaa maqnaanshiyaha aragti la hiigsado, taas oo lagula xisaabtamo madaxda, shacabkuna ay bidhaansadaan gaariddeeda. Waad aragtayoo ardaygu marka uu waxbarashada ku jiro, waa isaga maalin walba  kusoo xisaabtama xiisadaha uu gelayo, isagoo soo eega jadwalka sanad-dugsiyeedka, markaa buugta iskuma soo raree, buugta maadooyinka maalintaas un buu soo qaataa. Shacabku ma garan karaan shanta sano ee soo socota maadooyinka ay kula xisaabtami lahaayeen madaxda u timid, sidaa awgeed mid walbaa

Howsha ka adag doorashada Puntland 2019 ee hortaal Xildhibaannada cusub ... (Faallo)

Sanadkaan xildhibaannimadii Puntland waxay gaartay heerkii ugu adkaa ee ay abid gaarto, beelaha qaar meel xun bay ka maraysaa, qaar waa ku kala dhinteen oo waxaa ay samaysteen duubab cusub, kuwana hadda ayey u xusul duubanayaan in ay dhaqan cusub u cimaamadaan. Arrintaan waxaa ay khatar weyn ku tahay masiirka beelaha uu ka dhashay dhexdooda khilaafkaa xooggan, haddii aysan Puntland u guurin nidaamka axsaabtana waxaa ay u badantahay in la'isku laayo kuraasta golaha shacabka mustaqbalka dhow. Xildhibaannada kasoo baxaya beelaha isku khilaafay cidda la siinayo xubinimada sanadkaan, waa in aysan illaawin beelaha ay kasoo bexeen xaalkooda hoose, inta aanan la gaarin doorashada, waxaa ku qurxoon in ay fidiyaan gogol ay ku heshiisiinayaan beelohooda, "Jinni ninkii keenaa saaree", waa in ay garawsadaan darajada ay heleen in ay beelohoodu ku kala dhinteen, waajibna ku tahay in wixii sababtooda ku yimid ay xalliyaan, arrintaa oo ay dhagaha ka furaystaan, waxaa ay ififaale u t

Armay tahriibeyaashu talada heleen? (Faallo)

Saaxiibkay Abdi ayaa igasoo wacay messenger-ka Facebook, salaan iyo xog-waraysi kadib, waxaana uu ii sheegay in uu ereyada qaar ee Soomaaliga ah illaawayo, markii aan weydiiyey sababta ayuu ii sheegay in lagu sameeyey qalliin dhanka maskaxda ah oo lagasoo saaray buro ku taallay maskaxda. Xaaladda illowshaha ah ayaa caadi iska ah marka qofku maskaxda laga qalo, waxaana uu iigu bishaareeyey in uu maalmo kadib marka uu bogsado, caadigiisii ku noqon doono. Abdi ayaa kamid ah dhalinyarada ka tahriibtay Puntland sanadkii 2014, isagoo safar dheer oo silic iyo saxariir leh u maray in uu ku galo Yurub. Saaxiibkay Cabdullaahi ayaa isna ii sheegay in uu walaalkiis oo dhaawac ah ku geeriyooday isagoo dhabtiisa ku haya, waxaa uu iisheegay xitaa inuu waayey kalkaalin sifiican u gacan qabata dhaawaca, iska daa in uu helo dhakhtar badbaadiya Cabdullaahi Walaalkiis. Dhawaan ayey ahayd markii nin dhalinyaro ah Gaalkacayo ugu geeriyooday naqas (Oxgyen) la'aan, oo ah waxa ugu hooseeya ee la rabo