Skip to main content

See dareemeysaa?

Xanaaq, gaajo, welwel, cidlo, rajo-xumo ama farxad, kalsooni, han sarreyn, guul.

Intuba waa dareen isbed-bedela oo hadba xaalad baan ku sugannahay. Sidaa awgeed oraahdii ahayd "Adigoo faraxsan ballan ha qaadin, adigoo xanaaqsanna go'aan ha goosan" waxay na baraysaa inaan noloshayada iyo go'aammada aan qaadanayno ku dhisin dareen.

Waxaa isweydiin leh, maxaan hadaba noloshayada ku dhisnaa?

Waxaa jirta oraah kale oo leh "Rag waxaa ugu liita Matoshe, Ma tashade iyo Ma tashiishe". Sadexdaan nin waxaa lagu ceebeeyey in aysan lahayn aragti fogaan oo midwalba uu ku sifoobay maangaabnimo ah in uusan aragti fog lahayn ee uu iska noolyahay bilaa ujeed.

Halkaa waxaan kalasoo baxnay muhiimmada jiritaanka qofka in ay ku xirantahay hadba qofku inta uu aragti leeyahay, waxaana lagusii kala tagay hadba inta qofba qofka kale ka aragti fogyahay. Ninbaa aragtidiisu tahay "Guri cad, gaari cad iyo gabar cad". Ninna aragtidiisu waa "Boqortooyada aysan qorraxdeedu dhicin" yacnii dunida oo dhan buu rabaa inuu ka taliyo.

Marka aan usoo laabanno dalkeenna bal aan miisaankaa saarno siyaasadaha dalka lagu hago, maxay kula tahay in go'aammada masiiriga ah ee malaayiinta joogta iyo kuwa iman doona aayohooda lagu dhiso?

Halku dhigyada baryahaan caanka baxay ee baraha bulshada lagu kaftamo waxaa kamid ah "Siyaasiga xanaaqsan iyo Siyaasiga faraxsan". Oo micneheedu tahay in dalka lagu hago siyaasad ku dhisan hadba dareenka qofka taladu ka go'do.

Xilalka waxaan ku qaybsannaa qabiil si aysan reer hebel u xanaaqin, xiriirrada waxaan isugu jarnaa ama ku heshiinnaa xanaaqa ama farxada madaxda, siyaasiga aan taageerada u haynno waxay ku dhisantahay nin jecleysi ama qolo kale inaad necebnahay oo aad ku ximinayno.

Gunaanad

Dowladaha saboolnimada la diriray ee dunida horumartay ka tirsan sida Singapore, Malaysia, Turkey, Japan, Germany kulli waxaa ay heerka ay joogaan ku gaareen dadaal ku dhisan aragti fogaan iyagoo ka duulaya taa ayey dadkooda u diyaariyeen in qofwalba uu aragtida qaranka hirgelinteeda wax ku darsado. Aqoonyahanka waxaan leeyahay adiga iyo jaahilka isku miisaan wax haku cabbirinina, la imoow aragti ku dhisan aqoon. Yuusan ku hoggaamin dareenka beeshiinna ee adigu ku hoggaami beeshaada iyo dalka oo dhan aragti ay kuwada barwaaqoobaan.

Ogaada Dadku dareenka iskuma raacaan ee waxay isku raacaan aragtida.

W/Q Cabdullaahi Bootaan

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Hardanka Puntland: Ballaarinta saamileyda siyaasadda iyo arki jire doon

  Inkastoo aanan ogeyn waxa u qarsoon saaxiibbadii shalay/cadowga maanta, misana waxa aan isku dayeynaa in aan akhrinno doodaha miiska saaran, si aan u fahanno waxa kicinka keenay. Tan iyo dhaqaajintii nidaamka axsaabta Puntland, waxaa soo noolaanayey himiladii Reer Puntland ay ka qabeen in dadku codkooda ku doortaan cidda ku meteleysa goleyaasha siyaasadda. Waxa aynnu wada xusuusannaa sida dadku usoo ajiibeen saddexdii degmo ee lagu billaabay nidaamka. Inkastoo haka uu galay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka degmooyinkii kale ee Puntland, misana dadku waxa ay muujiyeen rabitaan aanan la dhayalsan karin, taas oo aynu wada arkeynay sida dadku u codeyneyeen oo kormeerayaalkii Caalamiga ahaa ay qireen in dadkaanu yihiin kuwo aad mooddo in ay weligood wax dooran jireen. Casharraddii quruxda badnaa ee aynu ka barannay waxaa kamid ahaa murashixiinta ururrada oo wareegaya xaafadaha, qaarkoodna ayba wateen warbaahin soo tebinaysa codsiyada ay bulshada ku weydiisanayeen in ay codkooda si

Ka bad-badintii Puntland lagu aasaasay!

  Haddii aan soo koobo, Puntland laba lagu aasaasay. Dadkaa in ay salka dhigtaan iyo in dowladnimo Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Marka aad sii eegtid xaal sida uu ahaa, qodobka 2aad ka badbadin baa lagu tilmaami karaa. Dad iyaguba soo qaxay oo wax badanna ku dhex labanyihiin in ay sidaa u fekeraan, waa waalli cas. Yeelkeede, la gaar dowladnimadii, maantana dalku waa isku aaddanyahay, waxa khaldanna waa nin howshiisii dayacay. Aasaaseyaashii  Puntland waxaa qeyb ka ahaa dhaqankii oo badankood ah rag dhaxal ku yimid baa inoo jooga. Sideedana dhaqan waxaa kaalintiisu tahay arrin qabiil la xiriirta. Mana rumeysni qodobkaa ka badbadinta aan kusoo tilmaamay in ay iyaga ka timid. Haatan, Puntland mar walba oo wax dowladnimada la xiriira adkaato, ma saxbaa in dhaqanka lasoo geliyo? Haddiiba lasoo geliyeyse, dhaqanku awood ma u leeyihiin in ay arrin siyaasi ah furdaamiyaan?  Anigu waxa aan qabaa malaha dhaqankeennu awooddaas. Eeg, waxa aan ka hadlayo waa awood, kama hadlayo odeyeyn iyo xaal mastu

Xaggee la'aadayaan? (Sheeko gaaban oo mugweyn)

Maalin dhawayd ayaa waxaan aaday suuqa si aan ugasoo adeegto, waxaana u tagay hooyo qudaar iibinaysa, waxaana ka iibsaday wixii aan uga baahnaa markaa, kadibna waxaan weydiiyey meeshii aan lacagta ugu xawili lahaa, safiito yar oo korkeeda ku mus-maarnayd bay ii tilmaantay, "Hooyo halkaa ku dir", bay itiri. Markii aan diray baan weydiiyey in ay iga hubiso in lacagtu soo gaartay. Nin dhallinyaro ah oo isna meesha ka adeeganayey bay tiri "Hooyo ii eeg in uu lacagta ii diray". Waan tusay yarkii, waana uu u xaqiijiyey in lacagtii u dhacday. Maamadii baan weydiiyey "Hooyo teleefoonkii lacagtu kugusoo dhici lahayd meeh?!" Waxay tiri "Waa iga maqanyahay, ookiyaalihii aan wax ku fiirin lahaana ma wato hooyo". Anoo la kaftamaya ayaan hadalkii ku celiyey "Oo hooyo haddii aan aniga iyo ninkaan aad tiri ii eeg  horey isula soconnay oo aan kuusoo tashan lahayn, si fudud baan kuu dhici lahayne!!" Waxay itiri "Oo cidda aniga iisoo tashata oo i