Skip to main content

Oday masaajidka joogaa salaadda i nacsiiyey (Male-awaal)



Markii aan yaraa aad baan u jeclaa masaajidka in aan aado. Culimada, odayaasha, dhalinyarada masaajidka waxka  barata baan jeclaa in aan dhex fariisto, waxaan jeclaa in aan mar un addimo ama imaam aan noqdo. Marka la aqimo waxaan isku dayi jiray in aan safka hore marwalba ku jiro, waliba in aan Shiikha masaajidka kutubta ka akhriya dhiniciisa ku tukado, waxaan jeclaa in maalin un sidiisa noqdo oo dadka oo dhami ay dhagaystaan casharrada aan bixiyo.
Nasiib darro! Waxaa jiray oday masaajidka ku tukada. Markasta waxaa uu aad ula diriri jiray carruurta sidayda oo kale masaajidka jooga. Marka uu na arko wajiga ayuu noo kuduudi jiray, wiil yar oo masaajidka dhaq-dhaqaaqa haddii uu arko inta soo boodo ayuu dhihi jiray "Waryaa! Waryaa! Bax soco, ka bax masaajidka:( ". Markasta oo aan odaygaa arko, waxaan illaawi jiray in aan noqdo mu'addin, imaam, shiikh ama arday kamida ardayda kutubta ka raacda masaajidka.
Habeenkii iigu dambeysay ee aan masaajidka aado, waan xusuustaa, salaadda markii la aqimi rabay, ayaan waxaan arkay boos safka hore ka bannaan. Inta orday ayaan jag isku siiyey, aad baan u faraxsanaa in aan caaway booskaa ku tukan doono. Xooga kadib waxaan maqlaa suul-dhabaale, gadaal baan eegay mise waa odaygii oo aad wajigiisa moodid in aan aabihiis dilay, cadaawadda iyo nacaybka ka muuqday wali waan xusuustaa, "Waryaa Bax! Bax!...". Waxaan dareemay bah-dil, waxaan dareemay ceeb, waxaa iigu darnayd in cidina aysan iga celin oo yax-yax iyo calool xumo anoo la qarxi raba aan masaajidkii kasoo baxay. Tan iyo habeenkaas masaajidka iyo aniga waxaa na dhex-taagan odaygii naxariista darnaa ee carruurta necbaa.
Ujeeddo!
Sheekadaan waxaa igu dhaliyey in aan allifo, kadib markii aan arkay dhaqanka cadaawadda ah ee carruurta masaajidda timaadda lagula dhaqmo. Suubbeneheennu wuxuu yiri NNKH "Nagama mid aha kan aanan u dhimrin carruurteenna, waayeelkeenana aanan xaq dhowrin". Ilmo yar oo aad cibaadada ku dhiirrigelisaa, masaajidkana  jecleysiisaa, waxaad ku mutaysan kartaa in ALLE kaaga abaaliyo cibaadada uu noloshiisa oo dhan cibaadaysan doono, halka qof awgaa cibaadada u naca aad qeyb ku yeelan doonto xumaanta uu falo.
📸 From Google

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...