Maantay waxaa mooshin aanan la fileyn kalsoonidii lagala noqday xukuumaddii RW Kheyrre.
Muddadii saddexda sano iyo barka ee uu xilka hayey dedaal muuqda ayuu qabtay, yeelkeede uma shafeeco qaadin, eedeeymo la boobsiiyey oo guddoomiyaha baarlamaanka Mursal uu jeediyey baa inta lagu hurgufay, xilkana laga murxiyey. Odeygii Kheyrre ahaa Mogadishu markii uu kusoo laabtay, ayuu wakhti dambe muuqaal 6 Daqiiqo ah ku aqbalay xil ka qaadistii.
Waxa aad ogtahay oo aan kuu sheegayaa waxa ay tahay, dalkaan siyaasaddiisa burburkii kadib waxaa dadka lagu laxawsadaa qabyaalad, miisaska siyaasadda se doollar baa ka arrimiya. Intaa waxaa dheer in siyaasiga Soomaaliyeed uu miyir uu dal iyo qaran aayihii ka taliyo aanu lahayn. Madaxweyne Farmaajo astaan buu u ahaa hufnaanta siyaasadeed illaa xad, balse odeygu "waa isla dhamaysanaynaa" -dii uu Kheyrre u ballan qaaday waa hayn waayey.
Ugu dambeyn, dadka Soomaaliyeed waxaa ku aaddan in ay xoogga saaraan sida looga gudbi lahaa qof imanaya oo tegeya — sida Kheyrre ba u huleelay, in aanay masallaha daba dhigan eh, ay xoogga saaraan in nidaamka dowliga ah ee dastuurka leh, hay'aduhu xigaan ay si adag u dhisaan, waxaana shaqadaa leh qofwalba oo Soomaali ah, kaas oo si toos ah iyo si dadbanba u riixi kara in ay dad tayo leh, oo yaqaan waxa ay i taaganyihiin, kana weyn dhal-dhalaalka maalmaha kooban ee kursiga lagu fadhiyo, kuna hanweyn in ay ka tagaan taariikh iyo dowladnimo gadaashood sii shaqaysa.
War ma garatay?
Comments
Post a Comment