De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?!
Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob
Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee cawaanta la joogta oo la ogaaday sheekadaasi in ay been tahay, maamulkaasina ahaa 78 sano dulin Galbeedku halkaa ku abuuray oo misana dhulkii ku noqday aboor cunaya qalleyl iyo qoyaanba.
Laba: De’yartii markii ay yaqiinsatay dulmigaa, ka falcelintoodii ay la kulmeen wax si weyn liddi ugu ahaa madax bannaanidooda, waxa ayna baraarugeen iyagoo dalkoodii baarqabka dunida ka ahaa ay lahaysteyaal ku dhex ahaayeen.
Saddex: Iyadoo ardeyga Galbeedka u dhashay uu ahaa lahayste u shaqeeya bixinta deymaha dulsaarka waallida ah leh, misana ay u muuqatay in dalalkoodii ay kasii darayso kala tagga dhaqaale ee bulshada, waxa aad mooddaa in ay baqdin gooyeen, xaalkooduna yahay “Nothing to lose” diyaarna ay u yihiin in ay hoggaaamiyaan kacdoonno dalalkooda ka dhaliya dib isugu noqosho iyo xisaabtan dhab ah.
Afar: Soo ifbixidda awoodda Shiinaha iyo Ruushka amaba BRICS oo dharka ka dhigtay maamullada dalalka Galbeedka, caddeysayna in ay ku howllanyihiin dano aanan ahayn kuwii loo igmaday, mudnaantana ay leeyihiin awoodo xooggan oo aanan la aqoon haybtooda, ayaa iyana qeyb weyn ka ah mawjadda socota.
Intaas oo la’isku daran waxa ay de’yartaasi ku dhiirrigelisay in ay sii laba jibbaarmaan bannaan baxyada ka dhacaya fagaagyada Jaamacada ugu waaweyn Galbeedka.
Comments
Post a Comment