Skip to main content

Afgambiga Trump!


(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig)


Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaqaaqeen Musk iyo Trump.
Haddaba doorashadii u dambeysay waxaa saaxadda ka baxay Xisbigii Dimuquraadiga oo gaaray heerkii u hooseeyey, kadib markii uu noqday xisbi madhalays ah oo haysan waaya kursiga, ayna u daayeen in haweeney aanan miisaan weyn ku lahayn siyaasadda in ay ku barbarato. Trump ayaa waxa uu ciyaarey badbaadiyaha Mareykanka, waxa uuna cidlo ka heley kursigii oo xisbiga Jumhuuriga laftiisu aanan u haysan xiddiga muuqda sida Trump.
Haddaba Trump ayaa labadii goor ee uu awoodda kursiga heley waxaa lafdhabar u ahaa kooxdii caanka ahayd ee Paypal Mafia oo uu xiddig u yahay Peter Thiel doorkii hore iyo hadda oo Musk uu ahaa gorgorkii kasoo dejiyey aqalka cad.
Kooxdan ayaa waxa ay diyaarsatay siyaasiyiin de'yar oo aamisan mabaadi' xagjir ah, kuwaas oo qaba in lagaba maarmo in doorasho dadku galaan, taa beddelkeedana ku howllan sidii ay dalka u hoggaankiisa u afgambin lahaayeen, iyaga oo isticmaalaya Tiknoloojiyadda casriga ah. Shirkadaha Musk iyo Thiel, ayaa waxaa ujeedka loo sameeyey ay tahay in ay helaan xog aad u farabadan, taas oo sahleysa in ay si weyn ula socdaan dhaqdhaqaaqa guud ee dalka, waxa ayna horey u caddeysteen in ay tahay in aanan la isku wareerin raadinta kalsoonida cid aanan weligeedba kula heshiinayn, balse ay tahay in dadka lagu xukumo hab tiknoloojiyad ku dhisan.
Arrintan ayaa waxaa si dadban loogu qaadaa dhigay documentary-gii The Great Hack, oo iftiiminayey qaabkii ay u dhacday doorashadii hore ee Trump, iyadoo shirkaddii Cambridge Analytica ay kaalin weyn ka qaadatay jiheynta ra'yul caamka dadka Mareykanka.
Xukuumadda hadda Trump waxaa kamid ah rag ay soo carbiyeen kooxda aan kor ku xusay, waxa ayna ka duulayaan mabadi'dan muquunada ku dhisan, waxaana qiyaasayaa in aysan ahayn rag ku qancaya kuraas ay ku fadhiyaan, balse ay yihiin canaasir nidaamka ku dhexjireysa oo fududeyn doonta in shaqadii socotay lasii ambaqaado, waxaana filayaa in ay dhici doonto laba arrimood mid:
1. In Trump haddaba la afgambiyo oo ragga uu kamidka yahay JD Vance ay kusoo boodaan kursiga aqalka cad, halkaasna odeyga waallidiisa lagusoo afjaro, halkaasna birin-birqeyntiisii ay ku dhamaato.
2. In lala sugo xilli doorashada soo socota, halkaasna ay uga xiranto dib in uu isugu soo sharrroxo madaxtinimada Mareykanka.
Waxa aan sugnaaba waa bahda Paypal Mafia oo algorithm-keeda furaha ku rogta.

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Waligaa ma isla fariisatay?

  Imta meel gaar ah tagtay, shubatay shaah ama cabitaan aad jeceshahay, mala sheekeysatay naftaada? Waa caadada nafta marka ay cidlooto in ceebeheeda iyo gaabiskeeda ay kusoo deg-degaane, inta dhagaha ka laabatay maskaxda maku jiheysatay wixii laandheerenimo ahayd oo aad qeyb kasoo noqotay amaba aad hoggaaminaysay? Wax weynba adigoo aanan raadin ma isasoo xusuusisay iyadoo dadku ay geesaha ka marayaan qof caawimaad u baahan aad keligaa isu xilqaantay gobanimada kaa buuxda awgeed. Ama maalin aad u hiillisay mid walaalkaa ah ama saaxiibkaa ah oo la caddibayo, sida malag lasoo diray inta cirka kasoo degtay, u fidisay gurmad uusan fileyn. Dagaalka nafeed ee qof waajahayo waa kan ka socda labadiisa dhegood dhexdooda (maskaxda), taas oo uu ku rabbeeyo in ay taageeraha u weyn noqoto, ayaa u sahleysa dhammaan dagaallada nololeed ee uu geli doono ka jabo keenideeda. Dadka aadanaha ka xusan ee wax un loogu hirto, waxa ay leeyihiin barbar dhan oo noloshooda kamid ah oo mugdi ah amaba uu g...