Skip to main content

ISU-DHIIB, HAKUU DHIIBEENE… (Faallo)


"Waxaad heshey barwaaqadii Maraykanka, nolol wanaagsan, booliska ku ilaaliya iyo maxkamado xuquuqdaada difaacaya, umaadan baahan saaxiib anigoo kale ah.
Maantay waad ii timid adigoo leh Don Corleone cadaalad baan kaaga baahanahay, balse si ixtiraam leh iima aadan weydiisan, saaxiibtinimo iima aadan muujin, xitaa magacaygii iyo maamuuskeygii iiguma aadan yeerin. Kaliya waxaad iigu timid inaad lacag igu siiso si aan kuugu aar-gudo.
Maxaan kuu dhimay oo aad sidaa iigu bah-dilaysaa? Maxaa kuu diiday inaad si saaxiibtinimo ah ii weydiisato codsigaaga, anna aan cadowgaaga kaa dhiciyo oo ay kaa baqaan".
Isagoo hoos eegaya, is dhul-dhigaya ayuu wuxuu ku yiri "Waayahay ma ila saaxiibaysaa Abaaga Weynaayow? oo inta gacanta midigt ah ka dhunkaday weyneyn iyo ixtiraam awgii, sida sawirka ka muuqata".
"Hagaag! Maalin baan kuu baahan doonaa, maalintaas waa inaan ku helaa, inta ka horreysa, codsigaagii waan aqbalay, howshaadana waan kuu dhammaynayaa".
Waa wada shekeysi dhexmaray Don Corleone oo ah hoggaamiyaha maafiyada Talyaaaniga Maraykanka iyo ganacsade Bonasera ah oo horay ay saaxiibbo dhow u ahaayeen Don mar uu ubaahday in looga aargudo koox ku xadgudubtay gabar uu dhalay. Wada hadalkan aya waxaa uu qeyb ka yahay film-ka 2aad ee haysta qiimeynta ugu sarreysa aflaamta caalamka ah ee uu bixiyo bogga IMDB.com.
Marka aad dugsiga sare dhammaysid waxaan dhacda inaad isweydiisid “Kulliyaddee bilaaba marka aan jaamacadda galo, si marka aan soo boxo oo aan soo dhammaysto jaamacadda shaqo aanan u waayin, nolol wanaagsan aan samaysto, ehelkeyga iyo dalkeygana aan wax u taro”. Waxaad billaabaysaa jaamacaddii adigoo galaya jawi waxbadan ka duwan kii dugsiga sare.
Safar dheer oo leh caqabado fahan, kuwo dhaqaale, kuwo qurbe-joognimo, iyo safaro dhaadheer kadib wa adiga dhammeeyey jaamacaddii, xaflad weyn, rayn-rayn iyo shahaadadii jaamacadda adoo soo hantiyey.
Marka aad suuqa shaqada soo gashid, fursaduhu waa ciriiri, waxaa jira intaasoo caqabadood oo ugu horreyso in aysan jirin shaqo abuur xooggan, cid maalgelin ku samaysa fikradaha ganacsiga ah, saas oo ay tahay waxaa soo kordhaya aqoonyahan aad u fara-badan oo kasoo baxaya goobaha waxbarashada iyagoo sidaas oo kale ku hubaysan cilmi dalka iyo dadkuba ubaahanyahay.
Waxaa jirta dabaqad dalku u xiranyahay, kuwaas oo ku jira dhaqanka, ganacsiga, siyaasadda, arrimaha bulshad, jameecooyinka fikirka ama diiniga ah oo haysta dhammaan furayaasha albaabada kuu sahli kara inaad heshid fursado shaqo, dallacsiin, maalgelin iyo dhiirrigelin.
Haddii aad sida markii horeba Mr. Bonasera uu isugu qanciyey in dowladda Maraykanku difaaci doonto, xaqiisana usoo dhicin doonto, ogow xaqiiqadu sidaa maaha. Awoodda dabaqadda dalka haysata waa sida Mr. Don Corleone, cidda ay rabaan albaabadoo dhan bay u furaan, cidda aysan rabinna dhulkay ku jiidaan, awooddooda waxay gaarsiisantahay heer ay qof aqoon iyo fikir xambaarsan ay gaarsiin karaan inuu noqdo mid aanan waxba u suuroobin, halka qof aanan dadka waxbadan dheereyn ay ka dhigi karaan xiddig hoggaamiya siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha bulshada.
Si aad barwaaqadaa u gaartid waxaa kaa xiga inaad isu dhiibtid oo sida Mr. Bonasera tahay mudeec dhunkada gacantooda, ah waxa loogu yeero “YES MAN”, shakhsi dhaga fudud, firfircoon aanan aqoon maya, ama sidaan ilama qumana, iska daa inaad la timaadid fikir ka hor imaan kara ama duri kara hab shaqadooda.
Su’aasha aqoonyahanka maankiisa ka guuxaysa ee uusan aqoon jawaabteeda ayaa ah “Maxaan intaasoo sano wax usoo baranayey hadayba shahaadaydu waxba goyn? Maxaa intaas oo kharash ah waalidkey iyo ehelkeyguba iigu bixinayeen? Inta aan baranayey cilmiga noocyadiisa kala duwan, maxaan u baran waayey sida aan u la saaxiibi lahaa Mr. Don Corleone?”.
Waxaa laga yaabaa inaad ku dooddid in dabaqadaasi yihiin dad indheer-garad ah, dad xigmad iyo waayo-aragnimo xambaarsan. Maxuma! Hadday sidaa yihiin, maxay u tixgelin waayeen aqoonta? Maxay jaamiciga uga hormariyeen jeeska, jilibka, iyo jamaacada?
Gunaanad
Aqoontu waa awood, waa sarreyn, waa furaha nolosha, ALLE sarreeyee wuxuu quraankiisa ku yiri Markii uu ka hadlayey Reer Bani Israa’iil inuu Nabigoodii ku yiri waxaa uu ALLE boqor idiinkaga dhigay Daaluud, oo ay dheheen sidee buu boqor noogu nodaa Daaluud, annagoo ka mudan boqortooyada, isagoo cayr ah oo hanti aanan haysan. Waxaa Nabigu ku yiri “ALLE ayaa idinku dul doortay waxaana uu dheeraad u siiyey aqoon iyo awood jireed”. ~Baqra -247
Dabaqadda bulshada taladeeda gacanta ku haya ha ogaadeen in cadaaladdu asaas u tahay hoggaaminta ummada, waxaadna ogaataan in aysan sii jiri doonin awooddiinu inta aad ka fogtihiin xaq-soorka, burburkuna uu sii jirayo inta sidaa wax kusii socdaan.
Afeef!
Qoraalkaan kuma socdo qolo gaar ah, balse waa farriin ku aaddan cidkasta oo aanan cadaalad u qaybin waxa ummada ALLE ugu dhiibay.
- Haddii aadan akhrin qisadii hore, Mike iyo halka ay dhallinyarada aqoonyahanka ah isaga egyihiin, waan xoojinayaa inaad akhridid-.
http://abdallahbotan.blogspot.com/…/film-ka-mine-dhalinyara…

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...