Skip to main content

Fadlan ha xanuunsan, dhaawacna yuusan ku gaarin! (Sheekooyin naxdin leh oo run ah)


Wiil yar oo aan dhalay baa aad caloosha looga qabtay, kadibna waxaan geeyey dhakhtar. Baaritaan kadib waxaa uu u qoray daawo, kadibna iisoo celi ayuu yiri dakhtarkii. Dawaadii sidaan ugu waday ayeyna dhammaatay, waxbana kama aysan bedelin xanuunkii. Dhaktarkii baan ku celiyey, waxaana uu ii sheegay in daawada dalka taal tahay mid tayo hooseysa. Sidaa waxaa yiri saaxiibkay Xuseen oo aan galabtay wada casariyeynay. Oday kale oo isna nala fadhiyey ayaa wuxuu noo sheegay in dhakhtarkaasi qiray daawada tayada leh ganacsatadu aysan iibin sababo la xiriira qiimeheeda oo badan iyo ganacsatada oo aanan iyana xil iska saarin tayada.
Habeen dhexdaas ah oo aan booqday Isbitaalka weyn, waxaa bukaankii aan u tagay agtiisa laga qaaday wiil ay dhaleen dad dan-yar ah kaas oo gaari ka dhacay, kadibna madaxa dhulka si xun ugu dhufsaday, xaaladdiisuna ay aad u xuntahay, sababta meesha looga qaaday ayaa ahayd in aysan joogin dhakhaatiir waxka qaban karta xaaladdiisa, sariirta uu jiifana lacag badan looga qaadayo habeen kasta. Sidaa awgeed reerkiisii ay go'aansadeen intii uu meesha ku dhiman lahaa daaweyn la'aan iyo kharash badni, ay door bidayaan inuu guriga u yaallo oo halkaa uu melegga ku sugo. Waxaa caadi iska noqotay iyana in dadkeennu u dhimanayaan dhiig-bax, oxygen la'aan, ummul-raac iyo waxyaabo aasaasi ah oo caafimaadka la xiriira.
Wareerku caafimaadka keliya kama jiro, suuqyada haddii aad tagto, kasoo heli maysid hal wax shay oo tayo leh oo dalka la keeno. Dharka, cunnada, daawada, kabaha, dhammaan waa qashin loosoo raro dalka, ayna noo keenaan ganacsato damiir beelay, aanan haysanna dowlad Yac! tiraahda, iskaba daa in la helo cid ALLE ka cabsada ku tiraada, ganacsatadu waa ehlu salaad, safka hore aanan laga waayin, sadaqadana kumannaan bixiya. Waaba dadka ugu fiican bulshada!!
Gabar aannu macaariif nahay oo joogta dalka Hindiya ayaa maalin dhexdaas ah si adag iiga digtay cunidda raashinka sijillaateysan ee dibedda laga keeno, waxaana ay ii sheegtay in dadka ugu badan ee cudurka Kansarka laga helo ay ka yimaadaan Puntland. Sidoo kale isla saaxiibkay oo reer Muqdisho ah ayaa iweydiiyey sababta dadka reer Puntland cudurka Kansarku ugu badanyahay.
Koobkii adduunka ee lagu qabtay dalka Baraaziil 2014 ayaa dhammaan gegi kasta oo diyaaradeed lagu qoray halku dhig ahaa "Fadlan haku xanuunsanin Baraaziil, sababtoo ah ma hayno caafimaad tayo leh". Dadkaas waa loo digay, innagu cid inoo digta ma haysanno.
Xaalka Puntland marka aan sawirray waxaa uu la midyahay qof baaskiil buur dhaladeed inta la fuulay, kadibna indhaha iska xiray, gacmahana sii daystay raba inuu buurta korkeeda bed-qab ku maro. Qofka ku nool Puntland waxaa uu ku xukumanyahay dil, waxaana dilaya waxkasta oo noloshiisa ku geedaaman, biyaha, cunnada, daawada, jidadka, adeegyada caafimaadka, iwm.
War maleh bur-burka dhaqaalaha, siyaasadda, xasillooni-darrada kusii baahaysa dalka. Waxaannu noqonnay sida qof sakaraad ah oo inta sifiican u lebistay isagoo dikaamaya qaadaya heestii ahayd "Ku dayoo Puntland ku dayoo!".
Intaas waxaa ka daran, ka xanuun badan, ka rajo-beel weyn iyadoo ay soo dhawdahay doorashadii madaxtinimo ee Puntland in dadkii la rabay inay u damqadaan ummadaan baaba'aysa ayba kala hororsanayaan xildoonka siyaasadda u hanqal taagaya, aysanna jirin cid leh! War see wax naga noqdeen? War xaggee u soconnaa? War maxaa xal noo ah? War dadkeenna maxaa ay ku suganyihiin?
"War toloow, maxaa idin baraarujin kara oo ka weyn inta balaayo aan soo sheegnay?".
Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...