Skip to main content

Filinka "V for Vendetta" mawada ujili karnaa? (Faallo)

Image may contain: 1 person, night, hat and sky

Ninka maaskaraatiga xiran ee sawirka ka muuqdaa waxaa uu ka mid ahaa maxaabiis lagu tijaabiyey daawo cusub, badankood maxaabiistii waxaa ay u dhinteen suntii daawada, marka laga reebo isaga oo aanan sunta u dhiman, balse jirkiisii oo dhan wuu is bedelay, waana tan keentay in uu jirkiisa oo idil uu qariyo, xitaa wajigga. Inta uu ku jiray xabsiga ayuu isu dhisay maskax ahaan iyo jir ahaan, waxaana uu go'aansaday in uu sameeyo kacdoon ka dhan ah dowladdii sidaa u gashay oo ahayd kaligii talis, taas oo aanan wax xorriyad ah u ogoleyn dadkeeda. Waxaa uu samaystay shakhsiyad la magac baxday xarafka "V", waxaana uu diyaariyey qorshe uu ku sameeyo kacdoon weyn.
Maalin qaranku xuso oo ku aaddan 5ta November ayuu si xoog ah ku qabsaday TV-ga dalka dhan laga daawado si uu farriintiisa ugu gudbiyo shacabka, waxaana ay ahayd sidan:
"Galab wanaagsan, Marka 1aad ka raalli ahaada arbushka aan idinlasoo galay, sidiinna oo kale laftigaygu waxaan jeclahay nolosha maalinlaha ah ee iska deggen misana soo noq-noqota. Balse dareenka xusuusta maalmaha qiimaha leh sida kuwa halgammada culus ama xuska qof qiima badnaa, maalin damaashaad iyo farxadeed baannu ku sunti karnaa maantay oo ay tahay 5ta November, maalin aynu nasiib darradeenna illownay qiimaha ay lahayd, innagoo wakhti kamida maalinkeenna siinayna si aannu uwada fariisanno, kadibna aan isu waraysanno. Dabcan waxaa jira kuwo raba inaynaan hadlin.
Xitaa imika oo aan idinla hadlayo, ammaro ayaa telefoonka laga bixinayaa, kadibna ciidan qoryo ku hubaysan baa nalasoo diraa. Sabab? Halkii nala waraysan lahaa, qaarta booliska ayaa ka horreysa, Ereyadu marwalba awooddoodu way jirtaa, waxayna sababaan macnaha, kuwa dhagaystaa ku dhawaaqidda runta. Runtuna waxay tahay in dalkani wax weyn ka khaldanyihiin, miyeysan ahayn sidaa? Xadgudubka, cadaalad-darrada, afjabiska, dulmiga.
Halkii aad horay xaq ugu lahayd inaad wax diiddid, inaad sida aad rabtid u fekertid ama u cabbirtid, imika waa lagula socdaa, kaamirooyin baa ku daawanaya hubinaya isdhiibiddaada iyo mudiicnimadaada. Sidee bay waxani u dheceen? Yaa eedda leh? Hagaag! Xaqiiqdii masuuliyadda weyn waxaa leh oo lagala xisaabtamayaa marka aannu runta isu sheegno, haddii aad doonayso dambiilaha dhabta ah, kaliya waxaad u baahantahay inaad muraayadda isku eegtid.
Waan ogahay sababta kugu dhalisay. Waan ogahay waad baqaysay. Dagaallada, argagaxa, xanuunnada. Waxaa jira dhibaatooyin tiro badan oo lagu jeediyey maskaxdaada. Baqdin baa ku bannaysatay, fulaynimadaadu waxay kuu addoomisay hoggaamiyaha dalka, waxaa uu ballan qaaday kala dambeyn, waxaa uu ballan qaaday nabadgelyo, wixii uu ballan qaaday oo dhanna waxay ahayd un in adiga lagu aamusiyo, mudiicna aad u noqotid ballan-qaadayadiisa. Xalay waxaa ii muuqatay in aamuskaasi dhammaaday. Xalay waxaan gubay Maxkamaddii dambiyada ee qadiimiga ahayd, si aan u xusuusiyo dalkan wax uu illaaway.
400 oo sano ka hor muwaadin qiime badan ayaa noo asteeyey taariikhda 5ta november inay ahaato xusuus maankeenna ku raagta. Waxaa uu rajaynayey in uu dunida xusuusiyo sinnaanta, cadaaladda, iyo xornimadu inay yihiin wax ereyo ka weyn, in ay yihiin aragti iyo mabaadi'. Hadaba haddii aysan waxba kuu muuqan, dambiyada dowladdani geleyso aad ka indho xirantahay, 5ta November hakuu ahaato maalin iska caadi ah oo aanan micno ku fadhin. Balse haddii aad aragtid waxa aan arko, haddii aad dareemeysid waxa aan dareemayo, haddii aad raadinaysid waxa aan raadinayo, Waxaan kaa codsanayaa inaad isoo garab istaagtid, hal sano kadib caawa oo kale, dibedda albaabka baarlamaanka, kadibna aannu dib wada calaamadinno november 5teeda habeen aanan la illaawin".
Farriintan ayaa waxaa ay ku jirta filinka V for Vendetta oo la sameeyey 2005, kaas oo kamid ah top 200 Bogga IMDB.com ee qiimeeya aflaamta, isagoo haysta 8.2/10 dhibcood, waxaana u codeeyey dadk gaaraya 924,153 oo qof.
Gunaanad
Ma waxaan sugaynaa in uu noosoo boxo shakhsi lamid ah Mr. V, kaas oo TV-yada iyo Facebook-yada farriimo noosoo dhiga si aan 8da January isugu tagno bannaanka xarunta baarlamaanka Puntland oo aannu baarlamaanka cusub ku cadaadinno inaysan Puntland iibsan? Maxaa naga hortaagan imikaba in qofwalba uu telefoon u diro nabadoonkiisa iyo isinkiisa kadibna uu ku dhaariyo in uu soo xulayo xildhibaan xalaal ah oo aanan lasoo xaalufin, si uusan xildhibaankaasu berri dalka isna u xaalufin.
Maanta doorashadii waxaa ka harsan 57 maalmood, badanaa xildhibaannadiina lamasoo xulin, haddii nabadoonka iyo isinka beeshiinna aad isku magaalo joogtaan soo booqo, haddii uu kaa fogyahana telefoon u dir, adigoo aanan hebel inoo doora dhihin, beeshu waa is taqaane nin beesha oo dhan ceeb iyo xaaraan cun usoo jiida inaka ilaaliya kula ballan. Ogoow xildhibaannada laaluushka qaata naftooda, beelohooda, iyo deegaannadooda in ay u soo jiidayaan inkaar iyo halaag.
Halaagga ugu daran waxaa uu ku dhacayaa waa adiga, waxaana kuu keenaya aamuska aad ka aamustay maalin aad ka hadli kartay shakhsiga meteli doona aayahaaga 5ta sano ee soo socota. Aannu dhammaantayo lasoo baxno telefoonnada, kadibna aannu dirno farriin adag oo isbedel wanaagsan horseedda.
Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...