Skip to main content

Sanadka fuustadee dilin-dillaynaysaa? (Bal waxa dhacaya eega!)






Image may contain: one or more people

Fiidnimadii xalay anigoo meel meherad ah oo asxaabtayda aan ku ballansanayn ku sugaya baa waxaa xoogaa yar kadib soo fariistay meheradii nin saaxiibbo aan nahay. Waan is waraysannay, waxaana ku ogaa inuu murashixiinta nin kamid ah la shaqaynayey. Waxaa uu ila wadaagay halka ay wax u marayaan, sidoo kale waxaa uu ii sheegay rag saaxiibbadii ah inay hadba murashax u guurayaan oo qaarkood ayba isu mareen afar murashax. Igusoo qalloociyoo, wuu ii sarbeebay isagoo leh! "Sanadka fuustadee dilin-dillaynaysaa?" Isagoo ula jeeday murashaxee sanadkan taageersantahay?
Kamaba waaline waxaan iri sanadka fuursatada weeyn baan dilin-dillaynayaa, anigoo u jeeda inaan Puntland lafteeda u ololeynayo, halkii aan u ololeyn lahaa shakhsi. Aysanna soconayn wax la yiraahdo "Hebeloow halagusoo yaaco".
Intaa kaftan haddii aanku daayo. Bal aan isweydiinno:
Maxay Puntland ku sugantahay?
Maxaa sababay?
Maxaa xalku yahay?
Sideese lagu gaari karaa?
1. Maxay Puntland ku sugantahay?
Puntland 10-kii sano ee ugu dambeeyey hoos u dhac weyn baa ku socday, iyadoo ay isu bahaysteen abaaro, colaado, dagaallo, suuqyo gubtay, doonyo waaweyn iyo maraakiib degtey, dekeddii kaliya ee ay lahayd oo lala wareegay, canshuurihii oo la labo-jibbaaray, gobolladdii kale ee ku tiirsanaa Puntland oo heley meelo kale oo wax ugasoo degaan iyo hal'abuurkii ganacsiga oo dhulka sii galaya. Intaas oo qodob haddii diraasado cilmiyeysan laga sameeyo waxaa kasoo baxaya khasaarooyin gaaraya boqollaal milyan oo doollar oo Puntland ka burburay.
2. Maxaa sababay xaalka Puntland in uu heerkaa gaaro?
Burburkii dowladdii dhexe Puntland waxaa ay ahayd meelihii ummadda Soomaaliyeed ay isugu yimaadeen, waxaana ay hooy u noqotay ganacsato, farsamo yaqaan, aqoonyahan, siyaasiyiin rug caddaa ah, iyo bulsho weyn Soomaali oo dhan ah taas oo keentay in si deg-deg Puntland udhismato, misana u noqoto ubucda dhaqaalaha dalka. Sida khabiir Mahad Jebiyesheegay Puntland waxaa laga guuray oo dib looga noqday dhowr jeer oo kala ahaa: xilligii DDSI la dhisay oo dad badan oo deegaanka kasoo jeeda ay dib u guureen, xilligii maxaakiimta oo dad badan oo farsamo yaqaan iyo ganacsato leh Xamar ku laabteen, xilligii la raafayey walaalaha kasoo jeeday gobollada dhexe oo iyaguna ganacsi xooggan Puntland kulahaa, xilligii la furay dekedda Berbera oo iyana noqotay in ganacsi badan oo Puntland ka iman jiray uu u weecday Berbera.
Dhammaan qodobbadaas dhacay waxaa ay ku yimaadeen maamulladii Puntland ugu dambeeyey ee soo mara oo si weyn ugu fashilmay in Puntland ay u yeelaan aragti fogaan ay kusii haysto fursadihii soo maray, bal eh inayba qeyb ka ahayd in dadkuna Puntland ka cararaan.
Intaas oo iyadana u baahan in si fiican oo cilmiyeysan loo qaadaa dhigo.
3. Xalku muxuu yahay?
Sida aannu wada ognahay Puntland waxaa lagu aasaasay labo qodob oo kala ahaa in dadka gobolladdii ku heshiiyey yagleelidda maamul dowladeed oo ku kala nabad galaan iyo in lagu gaaro dowladnimo Soomaaliyeed.
Sidaa awgeed waxaa la dhihi karaa Puntland qodobbadii lagu aasaasay ee himilada u ahaa waala xaqiijiyey. Imika Puntland wax yool ah oo la xaqiijiyo maleh. Waxaa tusaale ugu filan in taasi dhab tahay, marka aad murashixiinta ololeyaashooda dhagaysatid waxaa hadalkoodu ku meereystaa halku dhigyo aanan xadidnayn, ujeed fogna aanan tiigsanayn, iskaba daa hadda waxaaba ay iska noqdeen halku dhigyo labo erey ah sida "Feer iyo Laad" ðŸ˜‚. Amaba kuwo beel lagu beer laxawsanayo sida "Laascaanood baan xoraynayaa" iwm.
Waxaa hadaba xalku yahay in Puntland loo sameeyo aragti cusub oo mugweyn, taas oo ku dhisan horumar siyaasadeed, mid dhaqaale, mid maamul wanaag iyadoo la eegayo fursadaha jira, caqabadaha taagan, awoodaha ay Puntland leedahay iyo khataraha iman kara.
Puntland maantay taladeeda kuma filna murashax wata ul sixir ah oo wuxuu taabsiiyaba hagaagayaan, waxaan u baahannahay in la helo rag iyo dumar isu gaashaan-buursada jeexidda himilo fog, dejinta qorshihii lagu gaari lahaa, astaynta ciddii xaqiijin lahayd hanashada himiladaas iyo u howgeliddeeda.
4. Sidee lagu gaari karaa?
Su'aashani malahan hal jawaab oo ku jirta qof naga mid ah maskaxdiisa, balse waa fikir inoo wada yaal, nalagana rabo inaannu kawada shaqaynno dhammaanteen.
Gunaanad
Intaas oo arrimood marka ay maankaaga ku kulmaan, marna kuuma fududaanayso inaad si fudud murashax "Hebeloow" aad iska taageertid, balse waxaa ku fuulaya culays weyn oo masuuliyadeed, waxaadna is weydiinaysaa fuustada weyn 'Waa Puntland eh' sidee uga badbaadisaa hal qof ama koox kusii dilin-dillaysa godka ay maanta ku jirto?
Puntland hal qof uma baahna ee innagoo dhan bay noo baahantahay ee yeynaan ukala harin.
W/Q Cabdullaahi Bootaan
Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...