Skip to main content

Armay tahriibeyaashu talada heleen? (Faallo)

Related image

Saaxiibkay Abdi ayaa igasoo wacay messenger-ka Facebook, salaan iyo xog-waraysi kadib, waxaana uu ii sheegay in uu ereyada qaar ee Soomaaliga ah illaawayo, markii aan weydiiyey sababta ayuu ii sheegay in lagu sameeyey qalliin dhanka maskaxda ah oo lagasoo saaray buro ku taallay maskaxda. Xaaladda illowshaha ah ayaa caadi iska ah marka qofku maskaxda laga qalo, waxaana uu iigu bishaareeyey in uu maalmo kadib marka uu bogsado, caadigiisii ku noqon doono. Abdi ayaa kamid ah dhalinyarada ka tahriibtay Puntland sanadkii 2014, isagoo safar dheer oo silic iyo saxariir leh u maray in uu ku galo Yurub.

Saaxiibkay Cabdullaahi ayaa isna ii sheegay in uu walaalkiis oo dhaawac ah ku geeriyooday isagoo dhabtiisa ku haya, waxaa uu iisheegay xitaa inuu waayey kalkaalin sifiican u gacan qabata dhaawaca, iska daa in uu helo dhakhtar badbaadiya Cabdullaahi Walaalkiis.

Dhawaan ayey ahayd markii nin dhalinyaro ah Gaalkacayo ugu geeriyooday naqas (Oxgyen) la'aan, oo ah waxa ugu hooseeya ee la rabo goob kasta oo caafimaad in uu bukaanku u helo si deg-deg ah.


Saaxiibkay Saleebaan oo aan wada soconnay ayaa isaguna waxaa uu itusay gabar yar oo uu ii sheegay in habaryartii oo uu aad u jeclaa ay ku ummul raacday. Aniga qudhayda waxaa dhawaan geeriyootay ina adeertay oo u dunida uga tagtay todobo carruur ah oo ay ku jirto gabadhii ugu yarayd oo umusheedii xanuunkii ay kala kulantay dayac ugu geeriyootay dalka gudihiisa.

Waxaan isweydiiyey, idinna idin weydiiyey "Armay tahriibayaashu talada heleen?". Tolow! Haddii saaxiibkay Cabdi dalka sii joogi lahaa, buradaas madaxa uga jirtay, sow uma dhinteen?.


Waa ayaan darro, waa rejo beel, waa quus in maantay oo dunida ka gudubtay in gacan wax lagu daweeyo, lana adeegsanayo Artficial Intelligence(AI), qofkaba aanan gacan la saareyn, computers casri ah ay shaqadii qabanayaan, in dadkeennii u le'anayaan asaasiyaadka caafimaadka.

Isinka, nabadoonka, aqoonyahanka, wadaadka, ganacsadaha, dhalinyarada leh rag iyo dumar ee aad adiga iyo aniguba ka midka nahay, inta aynaan murashax hebel qiiro qabiil ku dhisan ama qoondo naloo qariyey ama qof aan jidbo ku raacnay lasoo gariirin, aannu saddex su'aalood bes ah isweydiinno:

1. Qofkan na leh waan idin hoggaaminayaa/idin meteleyaa, ma yahay qof tiisa ka adkaaday, noloshiisa horumar mugleh u gaarsiiyey, isku filan, aanan ahaynna nin boorso maran la wata?

2. Xaggee noo wadaa,qorse cad oo qoran dalka ma u hayaa?

3. Inta aysan cod iyo kalsooni uusan na weydiisan, qof wax ku ool ahaa oo kheyrkiisa la arki jiray ma ahaa?


Weydiimahaan fudud ee aasaasiga ah ayaa nooga filan inaan ku ogaanno qofka nala soo hor istaaga idoorta.

War iyo dhammaantii...

Puntland shanta sano ee soo socota marka la eego sida xaalkeedu yahay, marka la eego waxa hareereheeda ka socda, marka la eego Soomaaliya halka ay u jihaysatay ... ma geli karto Puntland shan sano oo tijaabo ah, uma baahna sidii Yuhuuddu ku tiri Nabi Muuse (CS) "Adiga iyo ALLAHAA dagaallama, annago bartaan baan fadhinaynaa" ~ Maa'idda, 24, ee waxaa ay u baahantahay inaannu saqiir illaa kabiir ka midaysnaanno inaannu Puntland uwada istaagno. Madaxweynihii Maraykanka John F. Kennedy markii dalkiisu dayax-gacmeedkii 1aad samada u dirayeen, ayuu soo booqday xaruntii NASA, waxaa uu la kulmay nin ka tirsan nadaafadda, wuxuu weydiiyey "Adigu maxay tahay shaqadaadu?", waxaa uu siiyey jawaab taariikhda gashay "Shaqadaydu waa inaan ka qeyb qaato in dayax-gacmeed dalkaygu samada u diro, aniga oo khuburada shaqada haysa u diyaarinaya meel nadiif ah oo shaqadooda si raaxo leh ugu gutaan".

Waxaa inoo ballan ah "Bar-barka ay ka baxdo waa bakeyle galeen".


W/Q Cabdullaahi Bootaan

Comments

Popular posts from this blog

Hardanka Puntland: Ballaarinta saamileyda siyaasadda iyo arki jire doon

  Inkastoo aanan ogeyn waxa u qarsoon saaxiibbadii shalay/cadowga maanta, misana waxa aan isku dayeynaa in aan akhrinno doodaha miiska saaran, si aan u fahanno waxa kicinka keenay. Tan iyo dhaqaajintii nidaamka axsaabta Puntland, waxaa soo noolaanayey himiladii Reer Puntland ay ka qabeen in dadku codkooda ku doortaan cidda ku meteleysa goleyaasha siyaasadda. Waxa aynnu wada xusuusannaa sida dadku usoo ajiibeen saddexdii degmo ee lagu billaabay nidaamka. Inkastoo haka uu galay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka degmooyinkii kale ee Puntland, misana dadku waxa ay muujiyeen rabitaan aanan la dhayalsan karin, taas oo aynu wada arkeynay sida dadku u codeyneyeen oo kormeerayaalkii Caalamiga ahaa ay qireen in dadkaanu yihiin kuwo aad mooddo in ay weligood wax dooran jireen. Casharraddii quruxda badnaa ee aynu ka barannay waxaa kamid ahaa murashixiinta ururrada oo wareegaya xaafadaha, qaarkoodna ayba wateen warbaahin soo tebinaysa codsiyada ay bulshada ku weydiisanayeen in ay codkooda si

Ka bad-badintii Puntland lagu aasaasay!

  Haddii aan soo koobo, Puntland laba lagu aasaasay. Dadkaa in ay salka dhigtaan iyo in dowladnimo Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Marka aad sii eegtid xaal sida uu ahaa, qodobka 2aad ka badbadin baa lagu tilmaami karaa. Dad iyaguba soo qaxay oo wax badanna ku dhex labanyihiin in ay sidaa u fekeraan, waa waalli cas. Yeelkeede, la gaar dowladnimadii, maantana dalku waa isku aaddanyahay, waxa khaldanna waa nin howshiisii dayacay. Aasaaseyaashii  Puntland waxaa qeyb ka ahaa dhaqankii oo badankood ah rag dhaxal ku yimid baa inoo jooga. Sideedana dhaqan waxaa kaalintiisu tahay arrin qabiil la xiriirta. Mana rumeysni qodobkaa ka badbadinta aan kusoo tilmaamay in ay iyaga ka timid. Haatan, Puntland mar walba oo wax dowladnimada la xiriira adkaato, ma saxbaa in dhaqanka lasoo geliyo? Haddiiba lasoo geliyeyse, dhaqanku awood ma u leeyihiin in ay arrin siyaasi ah furdaamiyaan?  Anigu waxa aan qabaa malaha dhaqankeennu awooddaas. Eeg, waxa aan ka hadlayo waa awood, kama hadlayo odeyeyn iyo xaal mastu

SIXIRKA LACAGTA

  (Maxay qofka ku kallifi kartaa in uu u sameeyo?) Thomas Dunning oo qoray Buuga la dhoho Trades' unions and strikes wuxuu yiri "Lacag doonistu meelna kuma dhammaato. Qofku haddii uu billionaire gaaro xitaa oo loo sheego qaab $1 lagu heli karo, waakii doona." Wuxuu yiri "Qofka lacag doonka ahi haddii 10% oo faa'iido ah meel lagu sheego, meeshaasi hadday tahay ka ganacsi daroogo, fattaalnimo (iibinta jirka dumarka), tahriibka iwm, waa kii maalgashta oo aanan ka xishoon. Haddii faa'idadu tahay 20% kaba sii daran oo waakii fursaddaa aanan cafin oo miyirkaa ka tagaya" Tanaa ka daran. Wuxuu yiri "Haddii faa'idadu tahay 100% waxa ay qofka lacagta ku waashay u sahashaa in uu ku dhiirrado jebinta shuruuc kasta oo la degsaday, jidwalbana diyaar buu u noqdaa in uu u maro." Kulli oo dhan tanaa isku fuuqsatay. Wuxuu yiri "Haddii faa'idadu gaarayso 300% waxa ay qofka u sahlaysaa in uu jariimo kasta iyo dambi kasta diyaar ugu noqdo in uu dalaq d