Skip to main content

Howsha ka adag doorashada Puntland 2019 ee hortaal Xildhibaannada cusub ... (Faallo)


Related image

Sanadkaan xildhibaannimadii Puntland waxay gaartay heerkii ugu adkaa ee ay abid gaarto, beelaha qaar meel xun bay ka maraysaa, qaar waa ku kala dhinteen oo waxaa ay samaysteen duubab cusub, kuwana hadda ayey u xusul duubanayaan in ay dhaqan cusub u cimaamadaan. Arrintaan waxaa ay khatar weyn ku tahay masiirka beelaha uu ka dhashay dhexdooda khilaafkaa xooggan, haddii aysan Puntland u guurin nidaamka axsaabtana waxaa ay u badantahay in la'isku laayo kuraasta golaha shacabka mustaqbalka dhow.


Xildhibaannada kasoo baxaya beelaha isku khilaafay cidda la siinayo xubinimada sanadkaan, waa in aysan illaawin beelaha ay kasoo bexeen xaalkooda hoose, inta aanan la gaarin doorashada, waxaa ku qurxoon in ay fidiyaan gogol ay ku heshiisiinayaan beelohooda, "Jinni ninkii keenaa saaree", waa in ay garawsadaan darajada ay heleen in ay beelohoodu ku kala dhinteen, waajibna ku tahay in wixii sababtooda ku yimid ay xalliyaan, arrintaa oo ay dhagaha ka furaystaan, waxaa ay ififaale u tahay in aysan wax badan ka bedeli-doonin siyaasadda iyo mustaqbalka Puntland ee ay go'aankeeda loo doortay.

Sida looga bartay labaatankii sano ee ay Puntland jirtay, golaha shacabku waxaa ay ahaayeen gole fadhiid ah, jeer ay noqotay xildhibaannimadu darajo "One time use" ah oo maalinka madaxweynaha iyo xigeenkiisa la dooranayo ay qiime ku fadhido, waxaana shacabka Puntland ay la qabsadeen waxqabad la'aanta golaha shacabka.


Xildhibaannada cusub ee lasoo xulay oo u badan dhallinyaro aqoonyahan ah, waxaa laga filayaa in ay ka duwanaadaan kuwii ka horreeyey, ayna jideeyaan dhaqan cusub oo ay uga daydaan goleyaasha ka dambeeya ee iiman doona - haddii loo guuri waayo nidaamka xisbiyada -, howsha ugu horreysa ee laga rabana ay tahay in ay sadaqada kasoo bilaabaan guryohooda oo ay beelihii ay ka dhasheen dhexdooda dhigaan islaaxin iyo dib u heshiisiin.

Gunaanad!

Sida aannu wada ogsoonnahay madnidaqadda geeska Afrika tobanka sano ee soo socota waxaa ay wajahaysaa isbedel waaweyn oo leh mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale, Puntland-na waa mandiqadda ugu istiraatijisan geeska Afrika, xildhibaannada Puntland waxaa laga filayaa in ay noqdaan kuwo aragti fog oo dhagax dhiga Puntland Hoggaamisa Soomaaliya siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo horumar ahaan.

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...