Skip to main content

Xujo fur (Kamaaludin Abshir)

Image result for fix puzzle


Boowe xujo waad isaga magacawdaye, waxay tahay dareenkaaga cabbir. Ninyahow dareenka ugu foosha xun ee qof aadane ah dareemo waa rejo-beel, qofku haddii uu

heerkaa gaaro, xitaa waxaa dhacda in uu nolosha aasaasiyaadkeeda dayaco, sida in uu cadayan waayo, qubaysan waayo, lebis iyo xarrago warkeedaba daa, waxaa

uu noqdaa sida qof toogasho ku xukuman, waxaa uu sugaa maalinka tiirka la geyn doono.

Boowe, Puntland tobankii sano ee u dambeeyey hoos u socod mooyee, horumar ma jirin, waxaana u aaneeyaa maqnaanshiyaha aragti la hiigsado, taas oo lagula

xisaabtamo madaxda, shacabkuna ay bidhaansadaan gaariddeeda. Waad aragtayoo ardaygu marka uu waxbarashada ku jiro, waa isaga maalin walba  kusoo xisaabtama

xiisadaha uu gelayo, isagoo soo eega jadwalka sanad-dugsiyeedka, markaa buugta iskuma soo raree, buugta maadooyinka maalintaas un buu soo qaataa. Shacabku

ma garan karaan shanta sano ee soo socota maadooyinka ay kula xisaabtami lahaayeen madaxda u timid, sidaa awgeed mid walbaa waxaa uu kusoo galaa ballan

qaadyo afka baalkiisa ah, markii uu kursiga salka la helana, waxaa uu lasoo baxaa manhajkii uu Puntland uga farabuuxsan lahaa.

Saaxiiboow dadkeennu waa dad ad-adag, yaanan lagaa garan, jiq iska dhig, xiniyahaaga fuul, isku tasho iyo nin walbow naftaa baa dhaqan u ah, taasu waxaa ay

keentay in iyagoo tii u dambeysay ku sugan ay inta shaati qurxoon soo gashtaan oo afka subag marsadaan, heestii "Ku dayoo Puntland ku dayoo...", ku

tuurtaan, bay ku leeyihiin "Ari boowe balo ma jidho, haday jidhana ma buurna".

Qoraallo hore baa jiray oo aan ka sameeyey Puntland, waxaana ka mid ah qoraalkan aan ugu magac daray Fadlan ha xanuunsan, dhaawacna yuusan ku gaarin!

(Sheekooyin naxdin leh oo run ah) http://abdallahbotan.blogspot.com/2018/11/fadlan-ha-xanuunsan-dhaawacna-yuusan-ku.html, Kaas oo aan uga hadlay heerka

liita ee caafimaadka Puntland uu marayo.

Puntland maantay waxkale oo aan ku masleeyo garan maayo, aan ka ahayn oraahyadii "Reer ba'ayoow, yaa ku leh, Cidna uma maqna, ceelna uma qodna", Bahalo

galeen, waxaadba isleedahay meesha hala bilililaqaystaa la yiri, qofku wax aanan tiisa ahaynba ma xeeriyo. Habeen hore baa waxaan sii raacay fatuurad yar,

meel dhexe markii ay ila maraysay baa ay is demisay, dareewalkii baa inta ka booday buu shidaal ku dhibciyey, isagoo xanaaqsan buu inta dib usoo fuulay ayuu

wuxuu ku gunuunucayey "Balaayo idinku dhacday - Waa ganacsatada shidaalka keenta -, waxaa ay naga iibinayaan shidaal ma aha e, waa xabag, taas oo matoorka

gaariga cillad uu isla demiyo gelinaysa. Raashin ha dhihin, daawo warkeeda daa, dharka haba sheegin, adigu waan ku xujeystay e, car soo hel hal shay oo tayo

leh oo Puntland la keeno, hadde waa car.

Taas waxaa ka daran, balaayo waa loo adkeysan karaa, haddii jidkii looga bixi lahaa la hayee, tanu waa ay ka sii daraysaa, waad ogtahay oo doorashadii toban

cishaa naga xigta, ma jiro hal xildhibaan oo illaa hadda na leh, "War niyadda kheyr haloo sheego, dalka waannu badbaadinaynaa eh".

Saaxiiboow balo sheeggu ma fiicna, balse waxaanan inkiri karin oo aan la dareen ahay, inanta yar ee aan abtiga u ahay ee hooyadeed dhawaan umul-raaca u

dhimatay iyo inta cunug ee hooyooyinkood dayaca ka jira Puntland u rajoobay, waxaan la dareen ahay wiilka iyo gabadha jaamiciga ah ee islahaa "Jaamacadda

dhammee, aad naftaada, dadkaaga iyo dalkaagaba anfacdid eh, balse markii uu soo qalin jebiyey, dharbaaxo kulul suuqu ku dhuftay, oo lagu yiri "Bachelor!

Adeer Master Degree kuwa wataa derbiyada taagan, cidna kuuma baahna, aqoontaada qiime kuma fadhido", waxaan la dareen ahay ardaygaa sidaa loo galay hooyadii

iyo aabbihii oo sida adag iyo tola'ayeeyda kusoo koriyey, maalinkii ay islahaayeen ugu yaraan bal isagu ha'is anfoco oo naftiisa ha meeleeyo, balse ka

naxsan jaamicigoodii oo wali canjeelada guriga usoo fadhiya, waxaan la dareen ahay inanta guur doonka ah ee islahayd alleylehe maantay guri yagleelo, balse

arki la' shakhsi ay isku aaminto oo nolosheeda ay u hurto, iyadoo niyad jab la tiicaysa, lebis iyo xarrago jiq inta iska siisa leh "Guumays iyo gablan meel

ha u fariisan, calaf waa laba-cagood... jagaf... jagaf... jagaf".

Boowe saas oo ay tahay EEBBEHEEN kama quusan, illaa Qof Muslin ah baan ahay, waxaan ku rejo weynahay baarlamaanka cusub ee la yiri badankii waa dhallinyaro

in ay mucjiso ka dhigaan doorashada - Anoo anan ku lahayn, hebel baa kheyrku ku jiraa oo ha noo dooreen -, balse filaya in ay bulshadii soo dooratay il

damqasho iyo diirnax ku eegaan, anaaba og inaan iyaga loo diir-nixin.

Waan sii wadi lahaa ee waxaan is iri warka badan ma fiicna ee halkaa ku kufi.

Guulayso

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Hardanka Puntland: Ballaarinta saamileyda siyaasadda iyo arki jire doon

  Inkastoo aanan ogeyn waxa u qarsoon saaxiibbadii shalay/cadowga maanta, misana waxa aan isku dayeynaa in aan akhrinno doodaha miiska saaran, si aan u fahanno waxa kicinka keenay. Tan iyo dhaqaajintii nidaamka axsaabta Puntland, waxaa soo noolaanayey himiladii Reer Puntland ay ka qabeen in dadku codkooda ku doortaan cidda ku meteleysa goleyaasha siyaasadda. Waxa aynnu wada xusuusannaa sida dadku usoo ajiibeen saddexdii degmo ee lagu billaabay nidaamka. Inkastoo haka uu galay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka degmooyinkii kale ee Puntland, misana dadku waxa ay muujiyeen rabitaan aanan la dhayalsan karin, taas oo aynu wada arkeynay sida dadku u codeyneyeen oo kormeerayaalkii Caalamiga ahaa ay qireen in dadkaanu yihiin kuwo aad mooddo in ay weligood wax dooran jireen. Casharraddii quruxda badnaa ee aynu ka barannay waxaa kamid ahaa murashixiinta ururrada oo wareegaya xaafadaha, qaarkoodna ayba wateen warbaahin soo tebinaysa codsiyada ay bulshada ku weydiisanayeen in ay codkooda si

Ka bad-badintii Puntland lagu aasaasay!

  Haddii aan soo koobo, Puntland laba lagu aasaasay. Dadkaa in ay salka dhigtaan iyo in dowladnimo Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Marka aad sii eegtid xaal sida uu ahaa, qodobka 2aad ka badbadin baa lagu tilmaami karaa. Dad iyaguba soo qaxay oo wax badanna ku dhex labanyihiin in ay sidaa u fekeraan, waa waalli cas. Yeelkeede, la gaar dowladnimadii, maantana dalku waa isku aaddanyahay, waxa khaldanna waa nin howshiisii dayacay. Aasaaseyaashii  Puntland waxaa qeyb ka ahaa dhaqankii oo badankood ah rag dhaxal ku yimid baa inoo jooga. Sideedana dhaqan waxaa kaalintiisu tahay arrin qabiil la xiriirta. Mana rumeysni qodobkaa ka badbadinta aan kusoo tilmaamay in ay iyaga ka timid. Haatan, Puntland mar walba oo wax dowladnimada la xiriira adkaato, ma saxbaa in dhaqanka lasoo geliyo? Haddiiba lasoo geliyeyse, dhaqanku awood ma u leeyihiin in ay arrin siyaasi ah furdaamiyaan?  Anigu waxa aan qabaa malaha dhaqankeennu awooddaas. Eeg, waxa aan ka hadlayo waa awood, kama hadlayo odeyeyn iyo xaal mastu

SIXIRKA LACAGTA

  (Maxay qofka ku kallifi kartaa in uu u sameeyo?) Thomas Dunning oo qoray Buuga la dhoho Trades' unions and strikes wuxuu yiri "Lacag doonistu meelna kuma dhammaato. Qofku haddii uu billionaire gaaro xitaa oo loo sheego qaab $1 lagu heli karo, waakii doona." Wuxuu yiri "Qofka lacag doonka ahi haddii 10% oo faa'iido ah meel lagu sheego, meeshaasi hadday tahay ka ganacsi daroogo, fattaalnimo (iibinta jirka dumarka), tahriibka iwm, waa kii maalgashta oo aanan ka xishoon. Haddii faa'idadu tahay 20% kaba sii daran oo waakii fursaddaa aanan cafin oo miyirkaa ka tagaya" Tanaa ka daran. Wuxuu yiri "Haddii faa'idadu tahay 100% waxa ay qofka lacagta ku waashay u sahashaa in uu ku dhiirrado jebinta shuruuc kasta oo la degsaday, jidwalbana diyaar buu u noqdaa in uu u maro." Kulli oo dhan tanaa isku fuuqsatay. Wuxuu yiri "Haddii faa'idadu gaarayso 300% waxa ay qofka u sahlaysaa in uu jariimo kasta iyo dambi kasta diyaar ugu noqdo in uu dalaq d