Saaxiibbadu waa dadka kuugu dhow ee noloshaada ku yeelan kara saameyn, dad badan oo nolosha heer ka gaaray, waxaa sabab u ahaa saaxiib wanaagsan oo horumarkooda sabab u noqday, halka kuwa badan oo nolosha ka dhacay ay sababtooda lahaayeen saaxiibbo xumaanta ku dhiirrigeliya, kula taliya, ama sida loo sameeyo ficil xun bara. Hadaba halkaan ayaan waxaan kuula wadaagayaa 4 qodob oo aasaasi u ah xulashada saaxiibbada wanaagsan, waana sidan:
1. Si aad u heshid saaxiibka wanaagsan, ku kalsoonoow dadka oo idil, dhibta aad kala kulantid dadka qaarkood, dulqaad u yeelo, sida guud aadanuhu waa wanaagsanyihiin, kuwa xunna waa ay yaryihiin, qofka aad xumaanta kala kulantid, haku dagmin markale, dadka ka baro, qofka wanaagsanna ka xulo bulshada.
2. Haku deg-degin samaysiga saaxiibtinimada khaaska ah ee aad waligaa rabtid inaad la jaal ahaatid, gaar ahaan qofka aad is guursanaysaan, iska hubi, si xeel dheer isaga eeg, waxkasta oo aad ka shakidid, soo xuuraami, illaa aad kasoo jaahil baxdidna, haku fududaan.
3. Ha'isku badin saaxiibbada khaaska ah "Cayshoow milix", ugu badnaan yeysan ka badan shan qof, saddex baa ugu fiican, sirtaada cidna ha siin, gaar ahaan gabdhuhu sirtooda ha ilaashadeen. Saaxiibbada dhabta ah, waa inaad is taqanaan waliba si xeel dheer, muddo toban sano ah.
4. La saaxiib oo kaliya qofka wanaagsan, qofka aad horumar adduun iyo mid aakhiro aad ka faa'ideysid, iska ilaali saaxiibbada xun-xun, dib udhaca yeysan kugu daaran. Waligaa asxaabtaada ka xulo dadka.
Xigasho Dr. Daariq Suweydaan
https://www.youtube.com/watch?v=xEJ-8ZNoq8M
W/Q Cabdullaahi Bootaan
Faafi
Comments
Post a Comment