Skip to main content

Baarlamaanka cusub, farriin noocee ah bay maantay direen? (Falaanqeyn)

Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor
Rashed oo soo koobay doorashadii maantay dhacday, waxaa uu yiri "Puntland CV ayaa shaqaynaya, Doorasho Xalaala". Hoggaanka cusub dhammaantii waxaa ay ahaayeen rag lagu xushay tayo, waayo-aragnimo, aqoon la xiriirta sharciga iyo sooyaal wanaagsan, marka loo eego raggii la tartamayey. Dhanka kale jawiga tartanku waxaa uu ahaa mid deggen, sharqan iyo sawaxan yar, waxaana uu ka tarjumayey dowladnimada Puntland ee 20 sano jirsatay.
Farriintii 1aad ee maantay baarlamaanku diray waxaa ay ahayd in doorashada madaxtinimadu ay noqon doonto mid isbedel ku dhisan, isbedelkaas oo u badan mid lagu dhisi doono tayo, aqoon iyo waayo aragnimo.
Farriinta 2aad uu goluhu diray waxaa ay ahayd in murashax kasta oo ku tiirsan awoodo kale oo saameyn leh uusan ka gadmi doonin golahan, ayna meesha ka bixi doonto murashax hebel oo qolo hebel ay riixayso cidna ma hor istaagi doonto.
Farriintii 3aad waxaa ay ahayd in waxwalba la filan karo, ayna jirto awood isku xiran, taas oo u eg in ay tahay awoodda qiimeynta dhabta ah u haysa golaha shacabka, gaashaan-buurtan ayaa u eg mid leh macaayiir qarsoon oo ay ku qiimeynayaan murashax kasta oo isasoo hortaaga.
Farriintii 4aad oo ay direen waxaa ay ahayd in goluhu meesha ka saaray awooddii dhaqaalaha, taas oo dhabar-jab ku ah murashax kasta oo talo-saarta farta iyo suulka ðŸ’°, Puntland ay maantay yeelatay gole aanan dhaqaalaha keliya wax ku qiimeyn.
Waxaan rajaynayaa in goluhu sii adkeeyo qiimeynta uu ku samaynayo cidda rabta hoggaaminta shacabka Puntland. Soomaaliya maantay waxaa ay cagta saartay jidkii horumarka, duniduna si ka duwan sidii hore ayey ula dhaqmaysaa dalka, waxaana isasoo jiiraya dowladaha danaynaya wax la qeybsiga Soomaaliya.
Puntland oo ku taal mandiqadda ugu istiraatijisan Soomaaliya, waxaa ay u baahantahay dowlad iyo baarlamaan xisaabtama, hoggaan aragti fog leh, howlkarnimo usaaxiib ah, leh soo yaal wanaagsan, hal'adayg uu ku taabba-geliyo dowlad hal'beeg u noqota horumarka, dowlad-wanaagga, furfurnaanta, isla xisaabtanka, dowlad u horseedda in ay Puntland noqoto albaabka lagasoo galo Afrika, waana ku kalsoonahay goleheenna shacabka oo ay ka buuxaan qaar kamid ah ragga ugu aragtida fog, ugu hanka sarreeya, ugu hal'abuurka badnaa Puntland.
Waxaan golaha kula dar-daarmayaa in aysan marna ka tanaassulin dadnimadooda, waa in ay xusuusnaadaan in dalku iyaga bes sugayo, mustaqbalkuna uu noqon doono hadba sida ay wax u meel mariyaan.
ALLAHA inawada guuleeyo.
Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...