
Maalmahaan waxaan joogay caasimadda Puntland Garoowe, waa magaalo shidan, waxaan qoraalkaan kasoo qorayaa meheradda Target, waa meel si wacan loo naqshadeeyey, wakhtiga iyo kharashkaba si fudud baad u huraysaa (Not sponsored post), meherado badan oo nooceeda ahna magaalada waan ku arkay, waxaan isweydiiyey Puntland maxaa Garoowe oo keliya ka dhigay magaalo shidan?
Jawaabtu waa ay fududahay, waa caasimaddii Puntland, waa halka ay madaxda, ha'yadaha, siyaasiyiinta, dalxiiseyaasha iyo inta saameynta leh ay kusoo degaan. Sidaa awgeed waxaa khasab ah in ganacsiyo hal'abuur leh laga hirgeliyo, hotello caalami ah, makhaayadu cunno macaan, goobo lagu nasto oo kala duwan iyo caways waaberiga lagu gaaro ay ka furmaan, waxaana keenaya in laga jawaabo dalabaadka bulshada kala duwan ee martida ku ah magaalada oo ay dareemaan soo dhaweyn iyo nafis.
Waxaan ka imid Boosaaso, caasimadda ganacsiga Puntland, waana magaalada ugu weyn Puntland oo ay ku noolyihiin dad kor udhaafaya hal milyan oo qof, sidaas oo ay tahay Boosaaso sida Garoowe ma ahan magaalo leh goobo caways ah, meelo lamid ah amaba kasii fiican kuwa ka furan Garoowe, saas oo ay tahay Boosaaso waa magaalo xeebeed, waa magaalo ganacsi, waa magaalo waxbarasho, waa magaalo la rabay in ay ugu shidnaato Puntland.
Ujeedkeygu ma ahan in aan Garoowe amaano ama Boosaaso maqaamkeeda hoos aan udhigo, ganacsatada Garoowe joogta inaan bogaadiyo ama kuwa Boosaaso inaan dhalliilo, balse xaqiiqdu waa in Puntland ay noqotay madax ka nool, magaalada uu maalinkaa joogo madaxweynuhu dakhligeedu aad buu u kordhaa, ganacsigeeduna waa uu fur-furmaa, waana arrin foolxumo ku ah dowlad jirtay 20 sano in ay wali dhaqan madax ka noolnimo ah uu ka jiro.
Puntland oo waxaan rabaa magaalo walba ay noqoto magaalo shidan, ardaydu ay helaan maktabado, ganacsatada iyo martida kale ay kusoo dagaan hotello casri ah oo ay ku nastaan, jidad qurxoon, xeebo lagu damaashaado, magaalooyinka kale ee Puntland oo dhan waxaan rabnaa in marka aan u safro aan ka heli karo hotel fiican oo aan dego, coffee net leh oo asxaabta aan kula qaxweeyo, jidad diyaarsan... warka oo kooban magaalooyinka Puntland oo wada shidan baan rabnaa. Waxaa asal u ah helidda dowladnimo dhammays ah, dowladnimo aanan madax ka nool ahayn,
Faafi
Comments
Post a Comment