Skip to main content

Saddex-xagalka guusha



Intii uusan noqon madaxweynihii 1aad ee madow ah ee hoggamiya quwadda dunida ugu weyn (Maraykanka) ayaa waxaa la sheegaa in Barack Obama maalin uu shiriyey qoyskiisa, waxaana uu ugu khudbadeeyey in uu noqon doono madaxweynaha Maraykanka. Sheeko lagu qoslo ayey ka dhigteen badanaa dadkii meesha joogay, inyar baa se ku raacday suuro galnimada himiladaa weyn.


Waynnu kawada dheregsannahay in Obama uu himiladiisii ka dhabeeyey uuna noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee madow ah oo jagadaas laba-xilli doorasho ku guulaystay.


Haddii aan u soo noqonno fahanka sirta guusha Obama iyo qof kasta oo himilo lahaa misana ku guulaystay, waxaa jirta saddex qodob oo u ah aasaas xaqiijinta yool walba, waxaana ay kala yihiin:

1. Doonis: waxaana aan ku micneyn karnaa rabitaanka dhabta ah ee qofka ku riixa in uu yool xaqiijiyo, rabtaankaas oo hurdada ka salaliya, cunnada ka soomiya, wax aanan yoolkaa ahaynna ka sahwisiiya.

2. Uhowlgal: doonistaa xooggani keligeed waxba ma hirgelin karto, waa in shaqo adag oo sugan ay timaaddaa, shaqadaas oo aad si dhab ah ugudatid adiga oo hubinaya in biyo kama dhibcaan aad kaga dhigtay, waxaa ay tahay tiirka 2aad ahna kan ugu muhiimsan marka laga hadlayo xaqiijinta yool kasta.

3. Rumaysi: dad badan baa labada qodob ee hore si dhab ah ugasoo baxa, balse waxaa jira quraafaad badan oo ay horay u aaminsanaayeen, taas oo keenta baaseysi iyo rejo-xumo fashilisa guusha, gaar ahaan marka ay soo dhawdahay. Rumaysnaantu waxaa ay ku siinaysaa awood ah in aadan niyad jabin, waxkasta oo kaa horyimaadana aad jiirto.


Markasta oo ay is waafaqaan sadexdan qodob guushu waa mid hubanti ah, wixii aanse calaf gelin xisaabta kuma jirto. ALLE sarreeyee waxaa uu quraankiisa ku yiri:
"ومن أراد الأخرة وسعي لها سعيها وهو مؤمن فأولئك كان سعيهم مشكورا".
"Qofkii doonistkiisu tahay maalinka dambe, una howlgala howlgalkeeda isaga oo rumaysan, kuwaas dedaalkoodu wuxuu ahaanayaa mid la mahdiyo".

Ku guuleysta idinkoo taabbagelinaya saddex-xagalkan adduun iyo aakhiraba.

W/Q Abdallah Botan

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...