Maalin dhawayd ayaa waxaa farriin codeed iisoo diray asxaabteyda Facebook mid kamid ah. Badanaa farriimo waxaa jira la'isla wadaago oo u badan wacdi iyo waanooyin, balse farriintaan waxaa ay ahayd mid uu saaxiibka iisoo diray isagu iska duubay, sida uu sheegay waxaa ay ahayd tix gabay ah oo ku faalleynayey qadiyad dhibaato weyn ku haysa Soomaaliya oo dhan. Farriintaas oo ilaa dhowr daqiiqo socotay waan wada dhagaystay.
Waxaan isu arkaa inaan ka mid ahay dadka suugaantu aad u saameyso oo wax haddii ay nuxur leeyihiin u joogsada, waxwalba oo kale oo aan gacanta ku hayo joojiya si aan u dhadhansado qaabka uu wax u cabbirayo abwaanka ama fannaanka jeedinaya suugaantaas ama heestaas. Aan ku noqdee tixdaas saaxiibkay ila wadaagay waxaan dhagaysanayey aniga oo howlahayga iska wata, wax dareen ah oo ay igu dhibcisayna ma uusan jirin, waxaana dhihi karaa in saaxiibkay wax isku dayey, balse aysan suugaantaasi ka iman dareen xooggan oo taabtay, taas oo kasoo burqisay tixda uu tiriyey. Badanaa waxyaabaha fanka ah ee saameynta badan yeesha, waxaa curiyeyaashoodu sheegaan in qiso dareen leh ay ku timid.
Markii aan usoo noqdo Puntland, fanka iyo suugaantu waa meel ay si weyn ugu bahdilantahay, waxaana tusaale kuugu filan magacyada aanan halkaan ka sheegayn ee loo bixiyo fannaaniinta, maamuus la'aanta dadka suugaanta xambaarsan haysata, waxaana ay keentay in ayba noqoto Puntland meel ka caaggan waxkasta oo fan la xiriira, abwaanka joogaana uu yahay mid maalmaha xafladaha qaar looga yeero isagoo un laga rabo halkaa in uu wax ka mid ah fanka kasoo jeediyo.
Ummadaha dunida ku nool qolo walbaa waxaa ay leedahay taariikh, taas oo lagu xafido buugta taariikhda, heesaha qaranka, gabayada iwm, halka innagu aanba khatar qarka ugu saarannahay in jiritaankeenna iyo asalkeenniiba la'isku qabsado, maadaama aysan jirin buug badan oo taariikhdeennii ku kaydsantahay, fankiina aan innagu gacameheenna iyo afkeenna kula dirirayno.
Dadka qaarkii ayaa waxaa ay dhahaan fanku waa shaydaan qalabkii, fusuq iyo fasahaad buuna aabbe iyo hooyo u yahay, haddii albaabkiisa la furo waxaa uu noo sababayaa in nala halaago. Dadkaas waxaan weydiinayaa, inta aad sheegaysaan oo hoog iyo halaag ah imika ayeyba na haystaane, ma dhib baa noo yar?
Waxaanba aamisanahay in ay dhibaatooyinka jira ay qayb ka tahay fankii oo lala diriray, oo haddii uu fanku shaqayn lahaa, uu gaashaanka u daruuri lahaa waxyaabo badan oo bulshadeenna ragaadiyey, naguna dhiirrigelin lahaa horumar iyo isku filnaansho inaan gaarno, sida heestii ay qaadday fannaanadeennii Khadiijo Daleys "Muruuqiinna maaloo, dhulka miro ku beeroo, macdanta, dahabka, muujiya wanaagaay... muujiya wanaagaay.." ama aan gunnimada iska saari lahayn sida heestii kale ee ay qaadday abwaannadeennii kale Maama Maryan Mursal "Soomaali u diida ceeb
naftiina u diida cay
dhulkeena dabeecadiisa
micnaha daadku dhex qaado
labada wabi ee dureera
dalaga ciida u wanaagsan
abuurka ku daadi weeyoo
kheyraadka ka doono weeyee
siduu geelu hawd u daaqoo
lo'duna u dinaahiyeyso
markad dan yarteena eegto
siday diiftu ugu taalo
labadu is dabooli waayo
dunidu way nagula yaabtey
dadyow ku dadaala nabad"
Waxaan kusoo gunaanadayaa, fanku waa aalad laba-afle ah sida waxwalba oo awood lehiba ay dhan wanaagsan iyo dhan xunba loogu adeegsan karo, dadka fanka doortay ee maantay dalka joogaa waxaa ay ku noolyihiin nolol adag, waxaana ay xambaarsanyihiin farriimo culus oo ka tarjumaya waaqica bulshadeenna, waa in aannu fursad u siinnaa in ay helaan goleyaal ay kusoo bandhigaan farriimohooda, waana in aynaan noqon dad aanan loo damqan, ee aan noqonnaa dad gob ah oo yaqaan cidda sida dhabta ah ugu damqanaysaa, lib iyo aabaalna uga haya damqashadooda.
Sawirka waxaa igula jira (Midig) Abwaan Jaamac Cige Jaamac, (Bidix) Abwaan Bashiir Faarax Gurey.
Comments
Post a Comment