Skip to main content

Xildhibaane, Bal layligan isku tijaabi! (Faallo & Farriin)

No photo description available.

Arar 
Wax cid gaar ah aan ku maqlay ma jirto, balse sooryada (Laaluushka) wax qarsoon maaha, saas oo ay tahay waxyaabo isbar-bar dhig u mudan aan iftiinsho.

Waxaa bishaaro ah in baarlamaankeennu cusubyahay oo illaa 49 xubnood ay yihiin xubno aanan soo noqon, waxaa kale oo bishaaro ah in dhalinyaro xul ah oo aqoonyahan miiran ahi meesha inoo fadhiyaan. Horta booyaaloow ALLE idinkuma ceebeeyo darajada... Aamiin. 

Xildhibaane, waad xusuusataa maalmihii waxbarashada, maalmaha imtixaanka iyo maaddooyinka adag ee u baahan diyaariska badan iyo soojeedka, la kaashigii saaxiibkaa, yarkii maaddadaas ku fiicnaa aad la u tagi jirtay, kula diyaarin jiray imtixaanka, waad garanaysaa xifdiga, layliga, iska dhagaysiga, waad garanaysaa subaxdii imtixaanka iyo waraaqihii aad kusoo koobtay nuxurkii maaddadii aad kusoo indha-madoobaatay, wadna kur-kur badanaa! Hayaay, waaba iyadii oo fasalka lagalay, waraaqihii imtixaankaas la qeybiyey.. Mise waaba fudayd, AlxamduliLAAH! Hal mar sida roob ma hiigaan ah aad warqaddii jawaabaha aad ku shubtay, adiga oo shafka taagaya, kalsooni, sharaf, dhadhansi macaanka miraha dadaalka adoo muudsanay aad soo baxday, saaxiibbadaa - Raggii aanan waxba soo diyaarsan - oo diiqad la tiicaya, meheraddii shaaha ay kulasoo fariisteen. "Saaxiiboow su'aal hebel kawarran maxaad ka dhigtay? Tii kale ee lambarkaas ahayd maxaad ku buuxisay? Tii xisaabta ahayd maxaa kuusoo baxay?", Adiga oo si weyn isugu kalsoon, wa adigii jawaabaha u tiriyey, halka iyagu ay shallayto, gunnimo iyo kalsooni darro ay kala huleeleen, maalinkii la'is abaal marinayey, adiguna aad abaal marinta qaadatay oo waalidkaa iyo ehelkaagaba ay kuu hambalyeeyeen.

Waa isla imtixaankii un, xildhibaane codkaagu waa sida jawaabihii, su'aaluhuna waa murashixiinta isasoo sharraxay, haddii aad si dedaal iyo xilkasnimo leh aad u bixisid, adigoo qiimeynaya qofka aad u dooraysid ummada reer Puntland, adigoo soo baaraya murashax kasta waxa uu yahay, kartidiisa, aqoontiisa, garashadiisa, waayo-aragnimadiisa, ammaanadiisa, aragtidiisa, adiga oo ka xor ah kooxaysi, gobolaysi, beeleysi, jeeb-gelis iyo waxkasta oo kaa indha-saabi kara in aad qiimeyn dhab ah ku samaysid cidda mudan codkaaga inay hesho, waxaa hubaal ah in aad heli doontid jawaabta saxda ah ee imtixaanka, codkaaguna uu noqon doono mid saameyntiisu maqaamkaaga sarreysiisa, kaana dhigta xildhibaan ku gor-gortama codkiisa, balse aanan noqon xildhibaan la gor-goriyo codkiisa.

Xildhibaane, Ka raalli ahow waan kugu badiyey hadalka, balse waxaa iga hadlinaya maantay Puntland oo dhan in ay adiga marti kuu tahay in aan ku dareensiiyo, xildhibaan ahow mid noo maqan, waligaa ha noqon mid nagusoo maqan, dadku waaku sugayaa, wax aanan la saluugin baa lagaa sugayaa ee sidaa ula soco.

Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...