Waa maalinkii xuska Afkeenna. Afku waa tiir 1aad ee ummadaha EEBBE ku kala soocay ummadaha, waa tiirka ugu adag ee ilaaliya in bulsho ay dhallan rogmato.
"وَمِنْ آيَاتِهِ خَلْقُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَانِكُمْ"
Ummada badan ayaa waxaa liqay qowmiyado qalaad u yimid kuwaas oo bedelay afkoodii, waxaana sii raacay sooyaalkoodii iyo hiddohoodii. Dr. Eenow oo ka hadlaayey xuskii Afka Soomaaliga sanadkii 2014 ayaa waxaa uu yiri "Afkeennu waxaa uu kamid yahay 3da Af ee dunida ugu hodansan, waxaa kale oo uu ka mid yahay 5ta Af ee dunida ugu cimri dheer, waxaa uu kamid yahay 3da Af ee suugaantoodu qofka yaqaan uu ugu dhadhansiga badanyahay oo kala ah Carabiga, Giriigga iyo Afkeenna".
Guji lingaxan si aad u dhagaysatid kelmaddaas qiimiga badan ee uu Doctorku jeediyey:
https://horseedmedia.net/2014/03/02/dr-eenow-af-soomaaligu-wuxuu-ku-jiraa-saddexda-af-ee-ugu-qanisan-wuuna-sii-dabar-goayaa-cod/
Waa maalin ay ahayd in laga dareemo dalka oo idil, la'is xusuusiyo awoodda Afkeenna, la dhiirrigeliyo suugaanta noocyadeeda kala duwan, la sameeyo bandhig-faneedyo waaweyn oo Af-maalladu ay bulshada ku tusaan jibbaaradda uu Afkeennu leeyahay. Shakhsi ahaan gabayada aadka iisoo jiitay waxaa kamid ah gabayga "Jiinley" ee uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan tiriyey, waxaadna mooddaa marka aad akhridid ama aad dhagaysanaysatid sidii film si caalami ah loo sameeyey adiga oo daawanaya, awoodda male-awaalka ku jirta gabaygaa waaba sida adigoo Sayidka la safray.
Ummadaha marka la duminaayo meelaha laga beegsado waxaa kamid ah Afkooda iyo suugaantooda oo marwalba ah ilaaliyaha shakhsiyadda ummadeed. Soomaalida maantay joogta cadowgeedu waxaa uu dalleel ka heley sooyaalkeedii oo dayacmay, waxa gunnimada ee aan qaayibayno waxaa kow ka ah in aynaanba aqoon waxa aannu ahaan jirnay, taas oo sahashay in wixii larabo la'inoo sheego, aanna sahal ku aqbalno canjarafo kasta oo nalaku dhifto.
Waxaan kusoo gunaanadayaa in aannu nahay ummad guun ah oo leh sooyaal aanan la inkiri karin, waa in aannu ku faannaa, waa in aannu xusuusnaannaa, waa in aannu ubadkeenna ku ababinnaa, waana in aannu dowladeheenna ku dirqinnaa in ay dhaqaale iyo wakhtiba geliyaan arrinkaas.
Ku raaxayso gabaygii Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yam-Yam "Mar haddii la'iiqoray anaa macallinkiisiiya".
https://www.youtube.com/watch?v=7z7KjByPDag
Comments
Post a Comment