Su'aal aan weydiiyey asxaabtayda Instagram oo ahayd "Buuggee ayaa ugu dambeeyey ee aad akhrido?", waxaa arkay (seen) illaa 230 oo qof, waxaa ka jawaabay 15 qof (10 rag, 5 dumar) oo keli ah, waxaana ay ila wadaageen buugta ay akhrinayeen.
Marka loo eego inta aragtay su'aasha iyo inta ka jawaabtay waxaa ay ka noqonayaan 6.5%. Waxaa jiri kara dad arkay, akhrisna sameeya balse aanan ka jawaabin.
Marka loo eego dadka baraha bulshada isticmaala oo u badan aqoonyahan, waa tiro aad u yar in dad intaa le'eg ay wax akhrido, dhanka kale marka la'eego wacyiga bulshada, iyo duruufaha nagu xeeran, waa bar billow wanaagsan oo muujinaysa in uu jiro baraarug akhris - haba yaraadee -.
Si aannu kor ugu qaadno wacyiga bulshadeenna iyo muhiimmada akhriska, waa in aannu ka billownaa guryahayaga in wax laga akhriyo, buug la'isu hadyeeyo, ganacsatadu samayso meherado jawi akhris leh, baraha bulshada aan ku wadaagno qormooyin dhiirrigelinaya akhriska, habluhi boorsada ku wataan buug, wiilashuna ku xarragoodaan buug, xitaa in haasaawaha lagusoo daro su'aasha ah "Buuggee akhrinaysaa maalmahaan xabiibi?" - Kollay is deyn maysaan eh... Haddii aydaan heli karin aad buugaag maqal ah(Audio) mobile-ka idiin ku jiraa, balse buug la'aantu noqotaa wax ceeb ah oo laga xishoodo.
Waxaan kusoo gunaanadi, aqoonta maantay dunida taal 12-kii saac oo walbaa waa ay laba jibbaarmaysaa, sida IBM ay saadaalisay marka uu hirgalo nidaamka (Internet Of Things IoT), sidaa awgeed qofkii aanan joogto waxba u akhrin maalinwalba, dunida waa uu ka dhacayaa, xogta uu xambaarsanyahayna waxaa ay noqonaysaa mid dhacday (Expire).
"Haddii aynaan waxba akhrin, qolo wax soo akhrisay baa inta na akhrida, kadibna waxa ay rabto nagu akhrin doonta".
Faafi
#CB_Statistics
Igala soco Instagram @Abdallahbotan
Igala soco Instagram @Abdallahbotan
Comments
Post a Comment