Skip to main content
Caa'isha Ilyaas vs Maxamed Buu Caziizi
(Faallo)

Maxamed Buu Caziizi waa ninkii lahaa sababta kacdoonkii 2011 ka dillaacay dowladaha Carabta. Qisadiisa oo kooban haddii aan soo koobo, Maxamed wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo gaari-gacan ku iibiya qudaar. Maalin ayaa waxaa dhacday in meel dad badani buuxaan ku dharbaaxdo Inan askariyad ahayd oo lagu magacaabo Fadi Xamadi, iyadoo ku tiri "Bax". Maxamed oo taa ka caraysan ayaa waxaa uu dacwad ka geeyey inantii xarunta degmada, nasiib darro cidna kama aysan hoos qaadin dacwaddiisii, caro uu taa ka qaaday ayuuna dab isku qabad siiyey bannaanka xarunta degmada. Arrinkaas oo noqday kacdoonkii weynaa ee ka billowday dalka Tunuusiya illaa maantayna uu saameyntiisii socdo. Halku dhigga "Bax" waxaa uu noqday ereyga kacdoonnadii Carabta hal-hayska u noqday.

Caa'isha Geella si foolxun ayaa loo dilay, waxaanna ognahay in ay dhici karto cadaalad-xumadii Maxamed isu gubay in ay iyada iyo qoyskeeda ku dhici karto, waxaa kale oo aan ognahay in gabdho badan ay xad-gudubyada noocaas ihi lasoo kulmeen, qaar kalena kusoo fool-leeyihiin, waxaanna ognahay in rag badan oo dulmigaas oo kale geystay maantay si xarrago leh ay bulshada ugu dhex jiraan iyaga oo aanan cadaaladda la marsiin. Sida ay wax u socdaan jiritaankeenna ayey khatar weyn ku tahay, awal ayeynu la yaabbanayn musuq-maasuqa, boobka lagu hayo ciddeenna, baddeenna iyo waxkasta oo aan lahayn, imikana waxaa ay maraysaa dullinimadii in aannu gabdhahayagii oo ah sharafta ninka ragga ah halka ugu muhiimsan in la bannaysanayo. Waxa isweydiinta mudan waxaa ay tahay, "Maxaannu ka dhiidhin doonna?".

Sida wax kusocdaan waa foolxumo weyn, heer waxa aannu maraynaa qofku in uusan waxba ka heybeysan oo waxa uu rabo samayn karo, isagoo helaya dad ku difaacaya gar iyo gardarro, waxaanse ka dhaxalnay colaado daba-dheeraaday, dhaqaale bur-bur, barakac, tahriib, akhlaaqdii bulshada oo sii dhumaysa, waxaa yaab leh kulli dhibaatooyinka na haystaa waa kuwo ilmaha yar ee waxkala garanaya haddii la weydiiyo xalkooda uu sheegi karo, balse waxaad mooddaa xumaanta iyo dib u dhaca in aannu gar iyo gar-darraba isku garabsiinayno, wanaag hala qabto marka la yiraah, qof walbaaba aad mooddid in uu curyaamay.

Hal dhib baa jirta, waxaan haysannaa intii la rabo dad isku darsaday aqoon, howlkarnimo, daacadnimo, dhibaatooyinka na haystana xal waara u samayn kara, balse waxaad mooddaa iyagana in la yiri far ha dhaqaajinina, samada ayaa la'idinkasoo amri doonaa, markaas un baad howl geli kartaan. Waxaa ay dhashay taas in qofkba kii uu ka liitay in uu cidla ka helo ka talinta masiirka ummada, si bareer ah oo aan gabbasho lahaynna uu sida maankiisa kusoo dhacdaa uu u maamulo waxkasta oo gacantiisa ku jira, isagoo aysan jirin cid uu ka haybaysanayo.

Waxaan kusoo gunaanadayaa baaq aan udirayo cidkasta oo isu aragta in waajib uu ka saaranyahay badbaadinta masiirka ummada in aannu isla qaadanno tillaabooyinkaan soo socda:
1. Waa in aannu yeelanno xiriir dhow, kaas oo aan marwalba ku qaadaa-dhigayno dhibaatooyinka jira iyo xalkooda.
2. Waa in aannu cadaadis saarno dhammaan dadka taladu ka go'do in ay qaataan aragtiyaha aan u aragno xalku in uu ku jiro
3. Waa in aannu tooshka ku ifinno khaladaadka waaweyn ee jira, si aysan cidda waddaa ugusii dhiirran sii wadidda khaladaadka
4. Waa in aynaan marnaba qeyb ka noqon, dhiirrigelin, ka aamusin cadaalad-darrada la huwinayo qabiilka, cidda waddaana aysan naga helin hiillo.

Qofka daalimka ah ma yeelan karo karti uu ku gabood falo, haddii uu ogyahay in bulshadu la dirirayso

Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...