Skip to main content

Ma fahansannahay da'yarteenna? (Falaanqeyn)



Axmed waa 15 jir, dhigta dugsiga sare, hooyadii iyo aabihii ayuu la noolyahay. Asxaabtiisu kala bar waa ciyaalka xaafadaha isu laaya, inta kalena waa kuwa habeenkii dadka baarta, macallinka wax bara maadadiisa wax dhaafsiisan ma baro, marka uu guriga ku laabtana, waalidkii noloshii bay la tiicayaan, bariiskaas un bay usoo buuxiyaan, wadaadka masaajidka joogaa isaguna badanaa arrimaha dhallinyarada kama hadlo, haddii uuba ka hadlana waxaa uu hiifaa surweelka canqowga dhaafsan iyo foodda dheer oo Axmed uu qurux u arko. Magaaladu malaha maktabado buug la akhristo taal, lagumana qabto kulammo lagu dhiso maanka dhallinyarada, dowladduna iska daa in ay wax u qabato eh, wiilka dhallinyarada ah waaba iska dambiile, raaf kasta dhallinyarada un baa la guraa.... Adigu xaalkooda waa sida "Hal laba midigle dheelmiyey, dhanna uma fiyooba".

Intaa markii aan isla fahannay, waxaa laga yaabaa in ay maankaaga kusoo dhacday "Wakhti adag oo xoolo dhaqato la ahaa baa jiray, dadkaan suuraha laga badiyey ee cuno, cab oo wax baro laga la'yahay, ha ii shuushaamin.. Wiil laba iyo toban jira haddii uu lali ahaan waayo, marti leyl-dhexaad timid haddii uu luunka ka rogi waayo, raganimo luddii kuma jirtee, liciye ogaada". Waxaani dad maahee waa khasaaro!. Waa run oo marka miisaanka baadiyaha aad ku cabbirtid qof magaalo ku dhashay, waad ku saxantahay. Balse sidaa maaha xaaji, magaalaa la joogaa, duniduna sidii hore ma aha, caqliyad la socota casriga oo fahan fog u leh qaab fikirka dhallinyarada iyo waxa saameynaya waa in aad la nimaadnaa.

Eeg, sidii hore dunidu uma weyna, waxwalba oo dhacay maantay waxaa kaa xiga un in aad mobile-kaaga khadka internet-ka aad u furtid. Waxaa la marayaa in qofku xitaa uu ganacsi weyn abuuro isaga oo qolkiisa jiifa, in uu caan noqdo isaga oo aanan meelna u dhaqaaqin, waxaaba dhacday in dowlado waaweyn ay af-gembiyaan wiilal de'yar oo khadkaa kujira. Waxa kula weyn ee ah cun, cab wax baro, maantay waxweyn ma ahan, casriga maantay waxaa hoggaamiya technology, celcelis dadka bilaaba hal'abuurka ganacsi ee technologyadda de'doodu waa 42 jir. Nasiib darro, dadka aayaha dalka wax laga weydiiyo, de'daas iyo wax badan ayey ka weynyihiin, waana tan keentay iyadoo +70% Soomaaliya dadkeedu ay dhallinyaro yihiin, misana aysan jirin cid wax iska weydiisa mustaqbalka dhallinyaradeenna. Waxaana ay baylah u noqdeen in laga dhigo awoodda loo adeegsado mashruuc kasta oo dalka ka socda - nooc kasta ha ahaadee -.

Sida xalku yahay maaha in aannu iskasii daawanno baaba'a nagusii socda oo haddii aynaan u dhaqaaqin, jiilkan dayaca ku garaadsaday ay iyaguna halkii kasii wadayaan, maadaama aysan jirin cid u jeexday jaantuus ay ku horumariyaan nafohooda iyo qarankooda. Aqoonyahanka dhallinyarada ah ee dhanna ka fahmaya jiilka soo kacaya, dhanna xambaarsan aqoonta, dhanna keeni kara aragti fog oo aannu ku samatabixinno ummadeenna iyo aayohooda, waxaa waajib ku ah in ay maantay u istaagaan yagleelka aayaha ummadda.

Waxaannu ubaahannahay helidda dowladnimo samaysa aragti weyn oo qaran taas oo hirgelisa nidaam waxbarasho oo leh barbaarin dhallinteenna ku ababisa akhlaaqda suubban, wadaniyadda, aqoon-jacaylka, waxsoosaarka, waxaanna ku gaari karnaa helidda dowladnimo bulshadu ay dooratay. Iyagoo ku dooranaya cidda hoggaaminaysa kartidooda, aqoontooda, sooyaalkooda iyo aragtida ay rabaan in ay ummadda ku hoggaamiyaan.

Waxaan kusoo gunaanadayaa, hab nololeedka aannu la qabsannay ee cidwalba ay rabto in ay hesho nolol qurxoon iyadoo aanan bixin dedaal u qalma, waxaa uu inoosii hoggaaminayaa dhalanteed, in ay wax sii xumaadaan un mooyee, waxba inoo hagaagi mayaan, waxaanna nahay sida qofka balwadda leh ee habeen walba go'aan sada in uu berri joojinayo, balse marka waagu beryo u jarmaadaya halkii uu maalinkaa caqaarta kasoo dhacsan lahaa.

FG. Axmed waa shakhsiyad male-awaal ah.

Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...