Saakay ayaa ciidan waxaa ay isku dayeen in ay xoog ku jiiraan laamiga Boosaaso meel dayac tir ka socday. Ciidanka oo adeegsanaya handadaad, rasaas iyo gaariga oo ay xoog ku marsiiyeen jid-gooyadii lagu xannibayey baabuurta, si aysan u dulmarin meesha qoyan ee daamurku yiil. Geeskii kale markii ay soo gaareen, ayaa gaarigii waxaa soo hor istaagay nin kamid ah raggii ka shaqaynayey laamiga, waxaana uu amar ku siiyey in ay dib u noqdaan, meeshaanna aysan marayn. Ciidankii ayaa gaarigii ka daatay, waxaana ay handadaad la aadeen ninkii, waxaa ay ka dul-rideen rasaas, balse ninkii waxba kama aysan bedelin hor istaaggiisii, waxa uuna ku adkeystay in ay dib u noqdaan. Dadkii goobta joogay ayaa iyaguna askartii u muujiyey in ay khaldanyihiin, ugu dambeynna iyadoo wax dhib ah aysan dhicin ayey ka laabteen meeshii.
Sheekadaan waxa aan kala dhexbaxay cashar mugweyn, kaas oo haddii aannu dhaqan gelinno, aysan cid dambe karti u yeelan doonin in ay ku xadgudub bulshada. Sida askartu ay usoo jiireen qeybtii hore ee jid-gooyada, haddii aad aragtid cid xadgudub kusoo jid martay, waa in aan adiga iyo aniguba u hor istaagnaa sida ninkii kamid ahaa shaqaalihii jidka dhisayey u hor istaagay ciidanka.
"Cidina dhabarkaaga ma fuuli karto, haddii aadan isu godin". ~ Xigmad
Sawirkan Google ayaan kasoo dejiyey.
Faafi
Comments
Post a Comment