Sawirka aad arkeysaan waa masaajid kamida kuwii ugu horreeyey ee laga dhisay #Boosaaso, waxaana la dhisay sannadkii 1924.
Marka aad u fiirsatid naqshadda qurxoon ee loo dhisay waxaa ay ku tusaysaa in dadkii xilligaa joogay ay xil weyn iska saareen bilicda, tayada iyo farshaxanka Masaajidda loo dhisi jiray. Gudihiisa markii aad gashid waxaa uu ku dareensiinayaa jawi qaraami ah, waxaadna ku indho daraandaraysaa awooweyaasheen sida ay u qiimeyn jireen masaajidda oo ahaa gole ummaddu kuwada cibaadaystaan, diinta ka bartaan, martidu ku nasato, masaakiinta looga kaalmeeyo, roob doonta lagu kulmo, janaasada lagu tukado, bulshadana laga jiheeyo.
Caaway oo aan booqday Masjid Nakhiil ayaan ka qaaday sawirkan si aan idiin tuso boqol sano kahor sida ay masaajiddu ahayd oo illaa iyo maantay sidiisii u taagan.
Haddii aad joogtid Boosaaso ama aad soo booqatid, mar kusoo tuko Masjidkan oo usoo dalxiis.
#Faafi
Comments
Post a Comment