Skip to main content

Filmka The Conductor (De Dirigent) Dumarka Soomaaliyeed maxay ka baran karaan? (Faallo)



Hordhac: Haweeneyda gacanta midig usha ku haysata ee sii jeedda shaqada ay hayso waxaa la yiraahdaa Conductor. Shaqadeedu waxa ay tahay in ay muusiga Orchestra ama Choire loo yaqaan hoggaamiso, iyada oo adeegsanaysa tilmaan gacmeed iyo usha yar ee ay hadba dhinac u dhufato.

Filmka The Conductor (De Dirigent) oo la sameeyey sanadkii tegey, ayaa waxaa laga metelay qiso dhab ah oo dhacday qarnigii 20aad, xilligaas oo ay inan lagu magacaabo Antonio Brico riyadeedu ahayd in ay noqoto Conductor. Balse xilligaa ayaa waxaa mamnuuc ka ahaa fanka in qof dumar ahi booskaas loo dhiibo. Brico, si ay riyadeeda uga dhabayso, waxaa ay ka shaqo billowday xarun lagu ciyaaro muusiga Orchestra-da, iyadoo shaqadeedu ahayd in dadka u yimaada dhagaysiga ay maamuuskooda, soo dhaweyntooda iyo kala nidaamintooda ka shaqayso. Shaqadii ayaa waxaa looga saaray kadib markii ay safka hore usoo fariisatay si ay uga ka faa'iideysato Maestro Mengelberg oo kamid ahaa raggii xilligaa dunida hoggaaminayey fanka gaar ahaan Conductor-nimada. Waxaa ay u tagtay tababare kale si uu wax u baro, waxaa uu ku imtixaamay in ay garaacdo Piano. Inkastoo ay si wacan u garaacday, waxaa uu aad liiday xirfaddeedii, kadibna wuxuu kula taliyey in ay waxaa faraha ka qaaddo, maadaama ay fashilantay, ayna xaas iska noqoto, carruurna iska dhasho.

Brico waxaa ay usoo dhooftay Europe, aqoon kororsi ayey ugu tagtay dalalka Holland iyo Germany. Waxaa ay fursad u heshay in ay noqoto haweeneydii u horreysay ee Conductor noqota xilligaa. Wargeysyada adduunka ayaana warkeedii lagu qoray, ugu dambeynna waxaa ay dib ugu soo laabatay dalka Maraykanka, oo ahayd halkii laga diiddanaa in haweeney ay noqoto Conductor. Xarunta ugu weyn ee lagu ciyaaro Orchestra-da magaalada New York ayey qorsheysay in bandhig ay ku qabato. Bandhiggaas waxaa uu ahaa mid Conductor-ka "iyada" iyo kooxda muusigga ciyaaraysaaba ay wada yihiin haween, taas oo ahayd arrin aanan marnaba laga aqbalayn magaalada, dadkuna ay ka dhigteen jees-jees iyo wax lagu qoslo. Brico ayaa billowday in ay diyaariso casumaadihii lagusoo geli lahaa bandhigga, waana ay qaybisay. Waxaa dedaalkeedii bogaadiyey marwadii 1aad ee Maraykanka xilligaa. Waraysi ay idaacadda siisayna waxaa ay ku sheegtay in bilaash lagusoo gelayo, maadama dalku ku jiro hoos-udhac dhaqaale oo weyn, waxaana ay u raacisay in bandhiggeeda ay taageertay marwada 1aad, ayna kasoo qeyb geli doonto.

Shacabkii magaalada ayaa waxaa ay iskusoo buurteen albaabkii tiyaatarka, si deg-deg ahna waa uu kusoo buuxsamay. Dadkii kuraastu ka buusantay waxaa kamid ahaa John waana ninkii shaqadii 1aad kasoo ceyriyey, waxaana uu kursi khaldan dhigtay isla halkii ay Brico kursiga dhigatay, maalinkii shaqada laga ceyriyey.

Antonio Brico, keliya ma aysan jebin quraafaadkii ahaa in haweeney aaney noqon Conductor, balse waxaa ay jebisay xeerarkii beenta ahaa ee dumarka u diidayey in ay fanka hoggaamiso. Bulshadeediina waxaa ay ku kalliftay iyagoo ogol ah in ay soo xaadiraan oo iskusoo jiiraan dhegeysiga Orchestra ay iyadu ka tahay Conductor.

Gunaanad

Iyadoo la joogo xuska maalinka haweenka adduunka, waxaan marka 1aad hambalyo u dirayaa dumarka adduunka ugu gobsan, ugu kartida badan, ugu deeqsisan, ugu dhowrsoon, ugu wanaagga iyo sharafta badan, waa dumarkeenna Soomaaliyeed eh. Waa dumarka iyagoo la dulminayo, la dulleynayo, la duudsinayo, la dayacayo, la dilayo, la dagayo, la dayrinayo, la darxumanayo misana dadnimada iyo darajada kasii qaadaya. Waxaa ay sanad guuradaan ku aadday iyada oo caalamka oo dhan uu hadal hayo gabar Soomaaliyeed oo u hadashay qadiyad ay dowlado waaweyn u bareeri waayeen. Ilhaan Cumar waxaa ay tusaale u tahay haweenka Soomaaliyeed dadnimadooda iyo geesinimadooda. Dalka haddii la joogo waxaad tihiin qudaarleey, hilibleey, caanooleey, suuqleey, waxaad tihiin matoorka dhabta ah ee dalku ku istaaranyahay. Halka aad qurbaha ku tihiin Single-mother uu dayacay loser fadhi-kudirirka qabyaaladda iyo colaadaha ka huriya, beelahana hubka ay isku laayaan u iibiya. Waxaas oo culeys ah oo dal iyo dibedba jira, ma arag cid u taagan in la'idin la qeybsado - saa cid sidiinna u dareensan masuuliyadda maba jirto e -. Sida Antonio Brico ay ujebisay xeerarkii khuraafaadka ahaa, idinna ujebiya xeerarka idinka hortaagan himilo kasta oo aad hiigsanaysaan, ha ahaato mid siyaasadeed, mid ganacsi iyo mid aqoonba, cidna haka ogolaanina in ay idiin sheegto keliya in aad iska noqotaan xaasas carruur un iska dhala.

Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...