Skip to main content

Mission Impossible vs Khudbadda jimcaha (Faallo)



Silsiladda Aflaamta Mission Impossible, gaar ahaan labada filin ee u dambeeyey (Rogue, 2015 iyo Fallout, 2018) waxaa uu jilaaga weyn Tom Cruise u bareerayaa samaynta laba muuqaal oo khatar dhab ah geliyey noloshiisa. Filmka Rogue, Tom waxaa uu 8 jeer jembiga qabsaday diyaarad si dhab ah u duulaysa, si loo helo muuqaal sax ah oo la rabay in uu filmka ku jiro (Eeg sawirka 1aad). Filmka Fallout, Tom waxaa si dhab ah uu uga jabay canqowga (odey ka boohista), kaddib markii uu duubayey muuqaal, kaas oo uu laba guri u kala boodayey (Eeg sawirka 2aad).


Tom, marka lagasoo noqdo in isagu uu doorto samaynta qar iska-tuurka aflaamtiisa qurxiya, waxaa ka dambeeya qiimeynta golaha Akademiyadda Hollywood-ka ee bixisa abaal marinta Oskarka. Golahaan oo ka kooban 6,000 oo xubnood ayaa u kala qeynsan 17 laamood, kuwaas oo qiimeynaya ilbiriqsi kasta oo ku saabsan filmkaas dhab u jilitaankiisa, codka tayadiisa, lebiska, goobta, hab duubidda, naqshadaynta, muusigga iyo soosaarista.


Qormadaan oo aan ku durayo dedaal yarida ka muuqata dadka bulshadeenna wax usheega, gaar ahaan wacyigelinta, anigoo tooshka ku ifinaya khudbadaha jimcaha. Shakhsi ahaan, waxyaabihii la yaabka lahaa ee aan usoo joogay waxaa kamid ahaa, maalin in khudbad ahaan naloogu akhriyey buug diini ah hordhiciis. Waxaa kale oo aan u soo joogay shiikh masaajid ka khudbayn jiray oo howli ku timid, kadibna khudbaddii isagoo wadaad kale kala hadlaya teleefoon ku leh "Khudbadihii hore ugusoo celi". Tiro maleh iyada oo dhacdooyin waaweyn ay deegaanka ka dheceen, khudbadaha jimcuhuna maalmahaas looga hadlayey arrimo guud.


Fashilka ka jira hab wacyigelinta bulshada ee ka maran xaqdhowrka garaadka dhegeysteyaasha, waxaa ay keentay in halkii dib la'isugu noqon lahaa, laba yiraahdo "Fasaad baa jira, diinta waalaga hijroonayaa, cilmaani, caqlaani iyo mulxid baa la mooday ilbaxnimo". Gaandi ayaa laga weriyaa in uu ahaa horraantiisii bare, marka arday kamida ardeydiisa uu wax fahami waayo ayuu oran jiray "Waan ku fashilmay in aan ardaygaan wax fahansiiyo".


Nin Maraykan ah oo arkay jimcada iyo sida Muslimiintu salaaddaa ay usoo ajiibayaan, khudbadana aamus iyo nidaam ugu dhageysanayaan, ayuu wuxuu ku yiri nin saaxiibkiis oo Muslim "Fursad dahabi ah baad haysataan, taas oo isbuuc walba aad bulshadiinna wax ugu kordhin kartaan".

Marka ixtiraam loo hayo garaadka dadka, waxaa imaanaysa in dedaalku gaaro naf khatar intaa le'eg la geliyo, waxaana ay muujinaysaa ka dhabaynta tixgelinta dadka ku bixinaya wakhtiga iyo lacagta si ay kuu dhegeystaan.

"Ula dhaqan dadka kugu xidhan in ay yihiin kuwo aad u garaad sarreeyaa, leh caadifad madax bannaan oo fursadna kuu siinaya in ay wax dareemaan". ~Han Zimmer


Suubaneheennu NNKH waxa uu ahaa marka uu dadka la hadlayo mid ay ka muuqato wajigiisii sharafta badnaa dareen, damqasho, dhiirrigelin, waxaana uu tusaale u ahaa waxwalba oo uu sheegayo. Aniga iyo adigaba waa in aan sunnadaas soo nooleyno.

"ILAAHAY waa ku jeclaadaa midkii marka uu howl qabanayo in uu sugo". ~Xadiis

Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...