Skip to main content

Saaxiibka kula talinaya (Sheeko ujeed fog)


Shalay galab, aniga oo maqaaxi ku sugaya saaxiibkay Cabdullaahi, baa agteyda waxaa isku waraystay laba nin oo iyana meesha fadhiyey. "War haye! Maxaa inoo kala dambeeyey? Reerkii see ahaa?". "War waa nabad. Gabadhiina waan furay, carruurtiina hooyaday baa haysa oo aan u geystay". "Oo maxaad u furtay gabadha?". "Ninyahow qaddar ALLE baa dhacday, masayr iyo wareer bay igala dhammaan weyday, anna waan u fududeeyey". "Haa, war sifiican baad yeeshay, la'iskuma baro naagaha jileecaas, bagah!".

Bal u fiirso! Ninkaasi waxaa la siiyey talo dhiirrigelinaysa in uu ku saxsanaa burburinta reerkiisii hore, reer dambe haddii uu yeeshana waxaa haystaa qodob dastuuri ah oo lagu qaado haweeney kasta oo masayrta.

La taliyaha noocaas ah waxaa uu noqon karaa aniga, adiga ama qof saaxiibkeen ah oo noo dhow, taladiisuna ay na saameyso, lagana yaabo in aannu go'aanno hore oo aan qaadannay uu nagula taliyey. Saaxiibkay Cabdiraxmaan oo xil culus loo magacaabay, ayaa waxaa uu ii sheegay in dadkii la taliyey nin kamid ah uu kula dardaarmay in guri uu ka dhisto meesha xilka inta uu hayo. Soo uma jeedid talada uu siiyey - Wax boob, wax dhac, wax ka qabso inta aad meesha joogtid - oo sarbeeb ah buu ku dhiirrigeliyey.

Lataliyeyaasha noocaas ah meel walba ayey joogaan, lagasoo billaabo madaxtooyada dalka laga hago, illaa xaafadeheenna. Waxa balaayo socota ee hantida ummadda ee la boobayo, reeraha guryohoodu dumayaan, labada isjecel ee kala dhimanaya, talada dadka noocaas ah ayaa u sabab ah. Si kale u ma garatide waa shaydaankii oo insi iskasoo dhigay, sida markii uu Nebi Aadam iyo Xaawo jannada kasoo saarayey uu lahaa:

فَوَسْوَسَ لَهُمَا الشَّيْطَانُ لِيُبْدِيَ لَهُمَا مَا وُورِيَ عَنْهُمَا مِن سَوْآتِهِمَا وَقَالَ مَا نَهَاكُمَا رَبُّكُمَا عَنْ هَٰذِهِ الشَّجَرَةِ إِلَّا أَن تَكُونَا مَلَكَيْنِ أَوْ تَكُونَا مِنَ الْخَالِدِينَ (20) وَقَاسَمَهُمَا إِنِّي لَكُمَا لَمِنَ النَّاصِحِينَ

Haddii aannu dhanka diinta eegno, aad ayey u tixgelisay la tashiga marka go'aan la qaadanayo. Go'aankaasi ha ahaado mid qaran, mid qoys iyo mid qofeedba. ALLE Sarreeyee waxaa uu quraankiisa ku yiri markii uu tilmaamayey duulka ALLE rumeeyey:

فَمَا أُوتِيتُم مِّن شَيْءٍ فَمَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَمَا عِندَ اللَّهِ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ لِلَّذِينَ آمَنُوا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ(36) وَالَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَائِرَ الْإِثْمِ وَالْفَوَاحِشَ وَإِذَا مَا غَضِبُوا هُمْ يَغْفِرُونَ (37) وَالَّذِينَ اسْتَجَابُوا لِرَبِّهِمْ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَمْرُهُمْ شُورَىٰ بَيْنَهُمْ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ

Waxa aan kusoo gunaanadi laba qodob oo aasaasi ah in aannu tixgelinno marka la joogo la tashiga, waxaana ay kala yihiin:

1. Haddii lagula tashto ogoow in aad ammaano culus dusha u ridatay. Sidaa awgeed, si xeel dheer uga fiirso waxa walaalkaa aad kula talinaysid, ogowna in aad kheyr badan talada aad bixisay sababi karto, sidoo kalena musiibo dal iyo dadba galaafata taladeeda in aad soo jeedin karto.

2. Haddii arrin ka go'aan gaarkeedu kula cuslaato, xulo cidda aad kala tashanaysid, hana ahaato ciddaasi dad ALLE kabaq u saaxiib ah, aqoon u leh waxa aad kala tashanaysid, aragti dheerna wax ku eegaya. Badi cidda aad kala tashanaysid, weydiina in uu kuu bayaamiyo dhibta iyo dheefta ka imaan karta haddii aad go'aan ku qaadatid taladiisa, maslaxadda ka dhalan kartaana ay tahay mid adduunkaaga iyo aakhiradaadaba anfac u leh.

Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...