"Waryaa... Waryaa... Kursiga ha iga jabin, wallaahi bakeeri baan madaxa kaaga jabinayaa". Waa Ayaan oo canaananaysa Saxardiid oo kursiga meheradooda dhacdiir isula liicinaya. Ayaan waxa ay toostaa arooryadii, meheradda iyadaa furta, shaaha saarta, weelka dhaqda, fagaagga xaaqda, kuraasta dhigta, kadejisa shaaha, taraamuusta ku miirta, caddayska qasta, macmiil kastaana dalabkiisa, si hal-haleel ah uga jawaabta. Subixii, galabkii iyo habaynkiiba iyadaa meheradda joogta, marka lakala hoydana, iyadaa wax ka rafacda. Halka Saxardiid hurdada ka tooso barqadii, meheradana usoo fariisto falaanqeynta Horyaalka Ingiriiska, casarkii marka uu hurdada ka tooso, garoonka kubbad kusoo dheela, hadhowna meheradda Ayaan ciyaartii galabtay wixii uu rag ku dhigay kaga faallooda.
Ayaan, haddii ay hal maalin sida Saxardiid damaashaad u baxdo, kadabkeedaa la jarayaa, halka Saxardiid uu wax allaale iyo waxa uu rabo inta sameeyo uu misana ku jid helayo. - Mobile furasho, kufsi, dhac, dil, jidgooyo -. Waa nin rag ah, ma ninkaasaa naga baxa, wiilkayagu waa awliyo, masaajidkuu tujiyaa. Waa qooqaa doobbinaya, waxwalbana waa u mubaax. Waa nin karmeed, si kale wax kuma garatide, hadde ninku waaba Saxardiid.
War ma garateen!
Saamalayl wanaagsan

Comments
Post a Comment