Munnaaradda, xayn-daabka sare iyo dhinacyada darbiga waxaa ka muuqata farshaxan dhisme oo loo hagar baxay. Masaajiddo badan oo ka dambeeyey, kharash badanna uu ku baxay, wax badan oo dedaal ahi kama muuqdo - Ujeedku ma aha in aan ka hadlayo lunsi hantidii lagu dhisay ku wa dambe iyo wax la hal maala -, balse waxaa gebi ahaanba maqan hab fikirka ilbaxnimada ee reeba dhismeyaalka taariikhiga ah.
Hal'abuurka magaalo ee la kala dhaxlo, ayaa jiilasha dambe waxaa horyaal u ah awooweyaashood habka ay u fekeri jireen, habka ay wax u qori jireen, habka ay wax u dhaqi jireen iyo habka ay wax u dhisi jireen. Innaga oo sida guud u badan bulsho reer Miyi ah, misana waxaa jiray dad reer magaal ah, kuwaas oo usha u hayn jiray nidaamka nolosha ee magaalada looga dhaqmo. Waxaa si weyn u muuqda in jiilkaasi uu sii dhammaanayo, inta joogtaana aysan saameyn weyn ku lahayn, hab nololeedka cusub ee magaalada soo galay. Waxaa jiray in berigii hore dadku ay isu raac-raaci jireen hadba inta isku fikirka ah, balse imika, arrinkan cusub waxaa uu khatar weyn ku yahay jawigii magaaladu lahayd, kala duwanaanshihii, hal'abuurkii, farsamooyinkii iyo caynba caynkii magaalo lagu yiqiin. Haddii taasu sii socotana, waxaa ka dhalan kara in magaalooyinku ayba noqdaan tuulooyin waaweyn, xaafado beeleysan, bulsho hayb isula socota iyo aragti kala badsi iyo isu faan ka duulaysa.
Waxa aan kusoo gunaanadayaa, Reer magaalkii asalka ahaa ee sida ugaarta qaar sii dabar go'aya, waa in ay ciyaaraan kaalin hoggaamin, si ay magaalada uga badbaadiyaan in ay miyi-magaalo noqoto, dadka soo galootiga ahna waa in ay ku edbiyaan maahmaadii oranaysay "Maryo kaa badan iyo Miyir kugu filan baa magaalo lagu joogaa... boowe caadi iska dhig".
Faafi
Comments
Post a Comment