Waa markii 2aad oo aan maqlo isaga oo heesaya, inkasta oo aan socod dheereeya ku dhaafo, misana ilbiriqsigaa uu codkiisu dhagtayda ku dhacayo waxa iqaadda mawjadda dareenka leh ee heestiisu leedahay. Waxa aan u malaynayaa in uu yahay qof waalan oo daaqadda qolka uu ka xiranyahay ay tahay masraxa uu ku heeso. Waallidiisaa loo qaataa, haddii uu miyir qabi lahaa, codkiisa cuddoon ee quluubta gilgilayana uu ku qaadi lahaa heesaha ilmada shuba, nolosha midabbeeya, dadka isjecelna ay isu qaadaan, faquuq uusan hadda qabin ayuu la waalan lahaa. "Faasiq, junuudd-ibliis, ehlu-naar, iyo wax ka daran" ayaa loogu yeeri lahaa. Balse hadda waallidaa uu qabo baa looga xishoodaa, waxkasta oo uu qaado, si kasta oo ay u dareen badanyihiin, waxaa la leeyahay "War naga daaya qofka waalan warkiisa". Halkaa waxaa ku dilan codka qofkasta oo ku hadla fikir dareen iyo damqasho leh, xirfadleyda hal'abuurka iyo fanka, abwaannada iyo cidkasta oo si qurxoon wax u hoga tusaaleysa. Markaa, bulshadu waxa ay weyday mid kamida 2da cunsur ee ugu waaweyn kuwaa oo ummadaha haga oo kala ah Hoggaamiyeyaalka iyo Hal'abuurayaasha. Eegooy, waxa ay dhahaan waallida iyo hal'abuurka waxa u dhexeeya wax yar oo xabbad tin ah le'eg. Tusaale, qofkii joogay 100 sano kahor haddii loo sheego in "Video Call" wax la dhoho laba qof oo daafaha dunida kala jooga baa is arkaya oo is maqlaya baa la gaari doonaa, wuxuu aaminayaa in wax waalli lagala hadlayo. Waaqica aannu imika joogno luqadda dadku fahmaan, tixgelintana u hayaan waa xoogga, boobka, cabsi gelinta, jajuubka iyo isla weynida. Si aad u ilaashatid naftaada, hantidaada iyo sharaftaada, waad ku khasbantahay in aad ugu yaraan gafuurka taagtid si aanan laguugu soo xadgudbin.
Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...
Comments
Post a Comment