Kusoo dhawaada Garoowe, waxaa jidka idiin dhooban hooyooyin, danyar, dad idin jecel bilaa shuruud, wax ballan qaad ahna aanan idinka haysan, magaalo kasta oo aad tagtaanna dad noocaa ah ayaa idiin heellan. Dadka noocaa ah, waxa ay ku suganyihiin xilli abaareed, duruufaha haysta, haddii ay dhulka is dhigaan, gar bay u leeyihiin, balse waa dad gob ah, waa dad qab leh, waa dad Soomaaliyeed, waana astaanta qofka Soomaaliga ah in waxkasta oo haystaa uusan jecleyn in ay ka muuqato, waxaana taa adkeynaya maahmaahdii ahayd "Haddaad dhimanaysid dhareerka waala iska duwaa". Mudaneyaal, Shalay markii aad shacabka ahaydeen, si xeel dheer baad u dareensanaydeen duruufahayaga, waxyaabaha aannu idinku jeclaannay oo aad ku guuleysateenna waxaa qeyb ka ah, in dadkii na meteleyey qaar kamid ah ay idinku codeeyeen, damqashadiinnii iyo dareensanaantiinnii aad na dareensanaydeen ama aan innagu culeys ku saarnay in ay idiin codeeyaan. Waxaannu illaa imika isweydiinaynaa, "War nimankii fiicnaa, maxaa dareenka ka qaaday? Maxaa damqashada u diiday? Maxaa ka qariyey dhibaatooyinka lixaadsaday ee maalinba maalinka ka dembeysa aannu la kowsananayno? Tolow! Ma cid aan innaga ahayn baad u adeegtaan? Ma dano kale ayaad u heellantihiin?". Ma naqaan waxa idin dabray. Mudaneyaal, dadkeennu ma aha dad liita, waa geesiyaal, waa deeqsiyaal, waa dad samir u saaxiib ah, waa dad taariikhdii hore iyo tan maantayba macno kuleh, waa dad dunida meelkasta oo ay tagaan, saameyn wanaagsan uga taga, waa dad dhaqankooda, diintooda, sharafkooda ilaashada oo ku adag, saas oo ay tahay, wanaaggaa dalkeennu waka arradanyahay, waxaana loo aaneeyaa hoggaanka oo aad idinku sarreysaan. Xigmad Carbeed baa waxay leedahay "الناس علي دين ملوكهم", "Dadku madaxdooday ku dhaqanyihiin", haddii aad nagu hoggaamisaan karti, geesnimo iyo ad-adayg, hubaal waxaa ah in aannu ummadaha hoggaamin doonno, haddiise aad sidaa isu haysataan, ninwalbana tiisa un ay diiriso, ogaada innaguna tabtiinnaas baan tafaraaruq lakala lumaynaa, halkaana waxaa lagu waayi doonaa dal iyo dad iska dhan jiritaankooda. Qofwalba oo Soomaali ah waxa uu u ciil qabaa cadowga dalkayaga kusoo duulay, kaas oo doonaya in uu annaga oo soo jeedna dhaxalkii awooweyaasheen qaato, taariikhdeennana tirtiro, dadnimadeennana uu dhaawoco, haddii aad midowdaan, shacabkoo dhami gadaashiinna ayuu istaagayaa, cidda idin hor istaagtana waa uu idinka leexinayaa, mana ogolaanayo in wax la'idiin yeeriyo. Ogaada in hoggaamiyaha shacabkiisu karti iyo dadnimo u aqoonsanyihiin weligii in uu madax u ahaanayo, xitaa haddii la afgambiyo, la dilo ama la casilo, balse hoggaanka aysan shacabkiisu waxba u aqoonsanayn, weligii xitaa haddii uu joogo aannu waxba ugu fadhin, bal suureysta idinka oo madax iska ah, misana shacabkiinnu aysan waxba idiin arag. Dhoodaanna waxa uu yiri "Naftu inay maqnaatiyo, inay mahad ku noolaato Maaweelis weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye". Dadkeennu 30 sano bay maaweelo ku jireen, go'aammadiinu ha noqdeen mid ay bogaadiyaan shacabkiinna, jiilasha iman doona, taariikhduna ha xusto go'aammada aad maantay qaadataan, kuwaas oo Soomaaliya ay Soomaali leedahay taladeeda iyo tusaaleheeda lagu dhagax-dhigo.
ALLAHA idin guuleeyo
Comments
Post a Comment