Skip to main content

Gabdhihii Reer Mudugga ahaa ee xabadka garaaci jiray ma arki waayeen?"





"Adeeroow, nimanka intaa laale'eg gabdhihii Reer Mudugga ahaa ee xabadka garaaci jiray ma arki waayeen?" (Oday SSDF kamid ahaa baa iweydiiyey)

Safarkii aan saakay kagasoo baxay Qardho baan meel dhexe oo aan ka quraacannay waxaan isku aragnay nin oday ah oo ka mid ahaa jabhaddii SSDF. Bariido, salaan iyo is haybsi kadib, waxaannu ka sheekeysannay arrimo ay kamid ahaayeen Jubbaland, Dowladda Federal-ka, odayaal qaraabadayda ah oo jabhadda ay ka wada tirsanaayeen. Sheekadii baa waxay nalasoo gashay Puntland, waxa uu iwaydiiyey kiiskii Caasho Ilyaas ALLAHA unaxariistee iyo halkii uu ku dambeeyey. Waxaa yaab leh, inta aannan odaygaa is arag baa mar waxaa maskaxdayda kusoo dhacay isla qadiyadda marxuumadda. Waxa aan uga xog warramay halka ay howshu marayso iyo in mujrimiintii la xukumay, balse aanan wali lagu fulin dilkii. Waxa uu i yiri "Adeeroow, nimanka intaa laale'eg gabdhihii Reer Mudugga ahaa ee xabadka garaaci jiray - Tilmaan qeexeysa qab, dadnimo iyo gobanimo, ma arki waayeen? Gabar yar oo abti loo yahay in sidaa loo galo waa nagu GUNNIMO, nimankaasuna haddii aanan lagu fulin xukunka, waa dullinimo iyo damiir xumo inteeda le'eg oo aanan na qaban".

Odaygu waxa uu ka haray rag dullimada nacayb ay u qabaan ula diriray dowlad dhan oo dalka oo dhan haysatay, damiirkiisa iyo dadnimadiisa ayaana qaadan weyday in wali nimankaasu nasii dhex joogaan. "Adeer, waxaa kasii liita niman dhaqan iyo odayaal sheeganaya oo leh nimankaas yaanan gabar loo toogan. Nolol jacaylka qaar waxa uu na baday in aan dullinimo kasta u hoganno" baan ku iri.

Qadiyadda marxuumad Caasho Ilyaas waa mid dareenkayaga ku weyn, mana aha mid aan illaawayno, ka harayno, kana aamusayno. Dowladda Puntland waxa aannu faraynaa in ay dareenkayaga iyo dadnimadayada ka tarjunto, dullinimada heeryadeedana ay naga rogto. Caasho Ilyaas in ay cadaalad hesho aayaha Puntland baa ku xiran, ama cadaalad bay heli ama innagaa gunnimo la hoyanayna.

#Justice4Aisha
#Puntland
#Somalia

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...