
Michael Collins, waxa uu ahaa hoggaamiye ka tirsan halgankii Irish-ku ay kula jireen boqortooyada Ingiriiska. Waxa uu ahaa askari, siyaasi, iyo kacaan kaas oo madax u ahaa dowladdii goonni isu taagga maamulkii loo Irish-ka 1922-kii.
Collins, waxa uu halganka gobanimo doonka galay isaga oo de'diisu tahay 18 jir. Waxa uu kamid noqday golihii Walaalaha Irish-ka, kadibna waxa uu kamid noqday golihii hiddaha iyo dhaqanka, kadibna wuxuu ka mid noqday jabhaddii gobanima-doonka, waxaa loo xiray dambiile dagaal sanadkii 1916, dhammaadkii isla sannadkaasna dhammaadkeediina waa lasoo daayey.
Collins waxa uu soo qabtay derejooyinka sar-sare ee jabhadda, xabbiskiisii kadibna waxa uu noqday xubin baarlamaan, waxaa uu noqday wasiirka maaliyadda. 21 Jannaayo, 1919 ku dhawaaqiddii xornimada Jamhuuriyadda Ireland dagaalkii xornimada, waxa uu ahaa madaxa sirdoonka Ireland. Waxa uu ku caanbaxay dagaalladii qorsheysnaa ee uu ku beegsanayey ciidamada Ingiriiska, sidoo kale dilal qorsheysan oo lagu khaarijiyey saraakiil sar-sare oo ka tirsanaa ciidanka Ingiriiska.
Xabbad-joojintii lagu dhawaaqay 21 Luulyo, 1921, Collins iyo saaxiibkii Arthur Griffith waxa hoggaamiyihii dalka xilligaa Éamon de Valera uu u diray London, si ay ugala soo xaajoodaan Boqortooyada Ingriiiska heshiis nabadgalyo. Taas oo soo hoyisay ismaamul Irish-ku yeesho, balse ay kasoo horjeesteen hoggaamiye Valera iyo qaar kamid ah siyaasiyiin jamhuuri ah. Halka Collins uu arrinkaa u arkayey fursad uu dalkiisu ku gaari karo gobanimo, waxana uu arrinkaa ku qanciyey baarlamaankii gobanima-doonka ahaa badankii. 1922 waxaa ladhisay ismaamulkii oo uu Mr. Collins hoggaamiye u ahaa. Waxaa billowday dagaal sokeeye, kaas oo markale uu Mr. Collins noqday abbaanduulihii ciidanka Qaranka Ireland. Waxaana lagu dilay weerar gaadmo ah 22 Ogoosto, 1922, isaga oo xilligaa de'diisu tahay 31 jir.
Gunaanad
Michael Collins heerarka kala duwan ee uu soo maray iyo derejooyinka uu soo qaatay tiradooda marka la eego, iyo de'da uu halganka ku galay, waxaa kuusoo baxay in wiil 18 illaa 31 jir ah uu intaas oo marxaladood soo maray. Waxaana uu kasoo dhul billaabay golihii walaalaha Ireland, golihii hiddaha iyo dhaqanka oo ahaa goleyaal qeyb ka ahaa samaysanka shakhsiyaddiisa.
Dalkayagu maantay waxa uu haystaa awood dhallinyaro oo ah aqlabiyadda bulshada (+70%), taas oo u badan jiil la fac ah Mr. Collins xilligii uu halganka galayey. Waxa aannu ubaahannahay maantay in dhallinyaradeennu u fekerto sida ay dalkooda ugu soo dabbaali lahaayeen qarannimo, gobanimo, horumar dhankasta ah, si ay taariikhda baal dahab ah uga galaan oo iyaguna markooda la xuso sida Mr. Collins.
Waxa aannu u baahannahay dhallinyaro ka xorowday qabyaalad, aaminsanna in dalku iyaga sugayo, ayna tahay in ay qaataan go'aan uu midwalba ku tiigsanayo sida uu qeyb uga noqon lahaa soo hoyinta guul qaran. Haddii aad tahay ardey Iskuul dhigta, ama jaamacad, waxa kugu waajib ah in aad qalinkaaga iyo aqoontaada ay ka weynaato wax bariis lagu raadsado, aadna u fekertid si qaran, adiga oo isweydiinaya "Aqoontayda maxaan dalkayga ugu tari karaa?" Dhallinyaro, ogaada in dal walba oo horumaray ay libinta usoo hoyiyeen jiilka u dhexeeya (20 illaa 40 sano jir). Diintayada Islaamka, waxaa kor uqaaday dhallinyaro, waana tii uu Nebigeenna "Nabadgeliyo iyo naxariis korkiisa ha ahatee" lahaa "Waxaa la'iigu gar gaaray dhallinyaro". Aannu isla qaadanno han qaran, inaga oo aanan cidna marti uga noqon dalkeenna hormarintiisa.
Guuleysta
Comments
Post a Comment