Skip to main content

Iscasil!

Kacdoonkii xilka looga tuuray keligii taliskii Masar Xusni Mubarak, waxaa dalka ka dhacday doorasho dadku ay codkooda ku doorteen hoggaamiyihii ay u arkayeen in uu dalka badbaadin karo, una horseedi karo dowladnimo xor ah, dalkuna uu ka bixi doono saboolnimadii iyo amar ku taaglayntii Meletariga.

Maxamed Mursi oo noqday madaxweynihii kusoo baxay doorashada ayaa waxa uu gacanta ku dhigay dal ay ka fara-buuxsadeen Militarigu, ilaha dhaqaalaha dalka oo dhamina ay ahaayeen wax ku jiray gacantooda. Mursi oo isu qaba in uu atooraha dhabta ah ee filinka Masar ka shidnaa ayaa xilka ka qaaday hoggaamiyhii millitariga xilligaa Dandaawi, kuna bedelay Al-Sisiga imika meesha boobka ku qabsaday.

Tan iyo billowgii sannadii uu xilka hayey Mursi, waxaa iyana jiray dhaq-dhaqaaqyo badan oo la dirirsanaa xukuumaddiisa, jeer ay gaartay si loo qanciyo in shirarka xukuumadda si toos ah talafishannada looga daawado, markii dambena ayba gaartay in xukuumadda awgood loo kala diro.

Dhaq-dhaqaaqyadii xilligaa waxaa ugu magac dheeraa "Tamarrud", kuwaas oo sameeyey olole ballaaran oo gaaraya 22 malyan oo saxiix, kaas oo ay ku dalbanayeen xil ka qaadista Madaxweyne Mursi, mana jirin cid xaqiijisay tirada intaa le'eg ee taageerada ah.

Ugu dambeyn, Tamarud waxa ay hoggaaminayeen mudaaharaadyadii gacan ku samayska ahaa ee ay ku dhicisowday himiladii Reer Masar isaga xoreeyeen military-gii Masar. Xukunka dalkaas illaa maantayna waxa uu gacanta ugu jiraa Al-Sisi oo afgambi foolxun oo dhiig badan ku daatay uu ku haysto, dunida galbeedkuna ku ceeboobeen qaylo dhaantii dimuquraadiyadda ay ugu ololeyn jireen.

Tamarrud waxa ay la taagnaayeen un "Rida Mursi, waa kaligii talis" iyo hadallo raqiis ah, kuwaas oo aanan hayn aragti ka bedelan wax rida un, ugu dambeynna waxaa soo shaac baxday in ay ahaayeen maangaab ay Militariga iyo shisheeyuhu u adeegsanayeen in dalkooda dib ugu gacan geliyaan gacanta birta ah ee Dowladda Aasan.

Sida oo kale ayey aragti kasta oo wax rida, dumiya, af-gambiya oo aanan waxba ka dambeyn ay u tahay mid ku dhisan maangaabnimo, ayna dhici kartaba in balaayo kale ku adeeganayso.

Faafi

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...