Waa erey adag in nin raga lagu yiraah. Soomaalida dhexdeedana, waa kala dhimasho, shakhsiga aad ula bareertidna waxaa macquul ah in uu kuu gacan qaado. Af-gobaadsiga, xigmadda, erey doorashada iyo hufnaanta oo dhan waxaa halbeeg inoo ah Suubbaneheennii (ﷺ). Ereygan isaga ah in uu ku dhoho saaxiibkiis Abi Darr ma ahayn liidid ee waxa ay ahayd naxariis, damqasho iyo in uu badbaado la jeclaa. Abi Darr markii uu weydiistay in uu xil u magacaabo Nabigu (ﷺ) runta ayuu u sheegay, intaana ugama harin eh, waxa uu u raaciyey sababta uu uga turay culayska xilku leeyahay. Waxa uu u sheegay in ay tahay qaan, in ay tahay shallayto iyo gunnimo ciddii ku ceebowda gudashadeeda.
"Faraska ku kufa Iiraan, waxaa la'iweydiin doonaa Cumaroow, maxaad jidka ugu hagaajin weyday?" Cumar Binu Khaddaab (RC) ayaa yiri sidaas. Waa raggii fahmay qaanta culayskeeda.
Imika waxayba iska noqotay Suud soo gado, xayeysiis samayso, odayaasha qado ugu yeer, igu sawirta ha illaawin, yaana lagaa been badnaanin (ballan-qaadyada), marka aad soo baxdidna, shayaadiin dad isusoo ekeysiiyey baa kuu imanaya "War meesha intaad joogtid wax ka qabso - Alyacnii wax boob والعياذ بالله". Ma jirto cid oranaysa xilka aad rabtid aqoon ma u leedahay? Karti ma u leedahay? Shaqooyinka la'iska rabo khibrad ma u leedahay? Qadadaas un baa kala ridaysa dadkii. Waaba ninka nagu jiray baa qaar leeyihiin.
Innagii baa ka darnay, waliba dadkeennii aqoonta lahaa, inkastoo aqoonta lagu fasiray in ay tahay mid wax xoraysa, oo qofka kala garan siisa in aanu u sacabbo-tumin cid aanan mudnayn, waana kuwada jirnaa eh. Qofkii wax dhacayey ee dal iyo duunyaba daliiqaayey baad arki qaarkeen oo qalin, qowl iyo qadaadiic ku difaacaya "Waa mahdigii, kheyr ka horreeyeyba lama arag. ... waxaasay dhah-dhahaan". Marka ay jidbadu ka jabto ayun buu ku oran "War ninyahow sidaani si ma aha.."
Aannu karti u yeelanno in aannu qofka aan ognahay in aanu gudan karin xilka culayskiisa ku niraah "Nin jilicsan baad tahay". Ceeb ma aha ee waa u turid iyo tolnimo tii ugu sarreysay. Ina adeerka dhabta ahna waa kan ay ku weyntahay adduunkaaga oo aan kugu hurin iyo aakhiradaada oo aadan ku gumoobin.
Jimcadii isku caddeynta
Comments
Post a Comment