Skip to main content

Nin la gorgoriyey (Filin & Farriin)

Image result for scent of a woman


Charlie waa ardey dhigta dugsiga Baird, waa goob gaar ah oo ku yaal New England. Sida jaalkii, Charlie ma aha nin kasoo jeeda qoysaska hodanka ee ubadkoodu halkaa lagu diyaariyo, waxa uu ku helay fursad deeq waxbarasho. Xilligii fasaxa ayuu isaga oo ka faa'iideysanaya ayuu shaqo uu tigidka reerkiisa kusoo booqan lahaa raadsaday, waxaana kusoo aadday shaqo ah in uu la joogo ruug caddaa General Frank Slade oo ah cabtoow indhool ah, muran iyo xiiqna isku darsaday. Charlie, George iyo ardey kale ayaa waxa ay goob joog u ahaayeen saddex ardey oo Baraanki (Prank) u dhigaaya madaxa dugsiga Mr. Trask, si ay uga maadeystaan, dadka hortoodana ugu gumeeyaan. Mr. Trask tii loo dhigay baa ku dhacday, waxaana uu ogaaday in Charlie uu ogyahay cidda ka dambeysay howshaas, waxaana uu ballanqaad uga dhigay warqad soo jeedin ah uu Jaamacadda Harvard siinayo haddii uu tooshka ku ifiyo saddexdii dambiile, balse Charlie arrintaas waa uu ka gaabsaday.
General Slade ayaa safar aanan la'isku ogeyn u kaxaystay Charlie, waxaana uu ahaa safar xiise badan oo labadoodu ay sidii rag jid wada mari jiray cayshow milix u noqdeen, isuna xog wareysteen, waxaana kamid ahayd in Charlie uu kiis adag ku jiro. Safarkaas oo dheeraa, waxaa uu kallifay in fasixiiba ka dhamaaday oo markii lasoo laabtay dib loo furay dugsigii.
Maalinkii 1aad waxaa meeshii ka jirtay maxkamad lagu saarayey Charlie oo laga rabo in uu ku caddeeyo ciddii dhacdadii foosha xumayd geysatay. Markii uu goobta soo galay, waxaa isna kasoo dabagalay General Slade oo ushiishiisii dhulka ku haahaabanaya, jeer uu Charlie kasoo ag fariisto. Waxaana halkii ka billaabatay maxkamaddii. Mr. Trask waxa uu Charlie tiro dhowr jeer ah weydiiyey in uu tilmaamo ciddii dambiga gashay, balse wax qumman ma sheegin, waana ka warwareegay. Halka George uu aabbihii oo nin magac iyo maamuus leh ahaa uu ku daba gabbanayey, ookiyaaluhuna in uu ka maqnaa uu ku marmarsiyooday.
Mr. Trask oo aad uga carooday arrintaa ayaa isku dayey in uu Charlie ciqaab culus u geysto, mustaqbalkiisa waxbarashadana uu halkaa ku baabi'iyo, balse waxaa meesha si lama filaan ah uga istaagay General Slade oo si caro leh uga falceliyey dulmigii la rabay in Charlie loo geysto. Hadalladiisiina waxaa kamid ahaa "Charlie ma aha nin liita oo la laaluushi karo, waa nin mabda' leh, waana sifo kamid ah sifooyinka uu ka samaysanyahay qofka hoggaamiyaha ah. Goobahan dadka wax lagu baro waa in ay si fog oo xeel dheer uga fiirsadaan nooca hoggaamiyeyaalka ah ay soo saarayaan. Waxa aan ahay ruug caddaa, waana aqaan waxa aan hadlayo, waan aqaan sharciga iyo kala dambeynta. Charlie waa hanti, ilaashada, tixgeliya, haka hor istaagina waxbarashadiisa. U ogolaada in uu sii wato dugsigiisa. Intaa markii ay afka General Slade kasoo baxday, waxaa hoolkii isqabsaday sacab iyo soo dhawayn.
Tashi kooban oo guddigii dhaqancelinta dugsiga ay yeesheen oo uu isaga oo caraysan uu kamid ahaa Mr. Trask, waxa ay go'aan deg-deg ah ku gaareen in Charlie aanan waxba loo haysan, waxbarashadiisana uu sii wadan karo.
Farriin
Xilligan aan joogno, waxaa aad usoo badanaya qoor iyo xero laawaynimada, mana ah wax laga qajilo in aad aragtid qof shalay wax uu la dirirayey, maantay u sacab tumaya. Waxaa kale oo iyana soo kordhaya dad aanan mawqif lahayn, mabaadi' ay ka duulaanna aysan jirin oo hadba dantooda gaarka ah cidda ay ka dhex arkaan u carrab laalaadinaya. Marka koowaad, waa in aynu ogaanno marna calafkeenna in aynaan ka badsanayn, keliya in aynu si liidata aan u calfanayno oo gunnimo jiilal iska dhaxlaan aan miisanno ay nagu noqonayso, balse haddii aynu noqonno dad gob ah oo sarriigta, oo aanan la gorgorin karin calafkeennii oo cis huwan oo Carshiga laga aqbalay oo ciyaalkeenna iyo kuwoodu iska dhaxlaan iyagoo karaamaysan aan cadkeenna goosanno.
(Qisada waxa aan kasoo xigtay Filinka Scent of woman oo IMDB ka haysta 8/10. Al Pacino oo matalaya General Slade uu ku muteystay abaalmarinta Oscar-ka).

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...