Filinka "The hummingbird Project" waxaa ku jira gorgortan adag oo dhexmaraya Vincent Zaleski iyo odey hoggaamiya bulsho beerlay ah. Zaleski oo ah nin dhallinyaro ah oo hoggaaminayey mashruuc weyn oo Fiber Cable ah, kaas oo uu rabay in uu ka dhex sameeyo New Jersey illaa Kansas. Gorgortankan ayaa yimid kadib markii uu dhulkii fiilada fiber-ka ahayd ay maraysay soo gaartay dhul ay daganyihiin dad beeraley ah oo sabool ah, kuwaas oo ka biyo diiday in dhulkooda la mariyo. Caqabada jirtay ayaa ahayd in qorshuhu ahaa fiiladaasi si toos ah dhulka loo mariyo, si aysan xawaaraha internet-ka maraya uusan u leex-leexan. Zaleski ayaa loogu yeeray in uu galo arrinta, kadib markii la marsiin waayey in ay ogolaadaan fiiladaas in la dhexmariyo, waxaana dooddu u dhacday sida tan.
Vincent Zaleski: Galab wanaagsan
Odayga beeralayda: War ninkaas ma adiguu kula shaqeeyaa? (Waxa uu u jeeday ninkii masuulka ka ahaa shaqada qodista dhulka oo odeyga iyo isagu horey isugu fahmi waayeen arrinta)
Vincent Zaleski: Haa, aniga ayuu ila shaqeeyaa. Magacaygu waa Vincent Zaleski, waxa aanan u shaqeynaa Kobalt Fiber tech, waxa aan ku weydiiyey in aad tahay adigu ninka dhulkaan iska leh?
Odeyga beeralayda: Haa, dhulkaan annaga (Beerlayda) leh. Eeg! Horey baan aniga iyo ninkaa kula shaqeeya u wada hadalnay.
Vincent Zaleski: Waxa aan marka 1aad kaa raalli gelinayaa wada hadalkii idin dhexmaray adiga iyo saaxiibkay, waxaana laga yaabaa in uu si un kuugu xadgudubay. Waxa aannu wadnay howlgal aan ku ballaarinayno shirkaddayada, deegaammadanna aan soo gaarsiinno fursado shaqo abuur ah, waxa aanna keeneynaa internet xawaarihiisu aad u sarreeyo. Sidaa awgeed, waxweyn idin kama dooneyn, keliya in aad dhul yar oo hal dhudhun le'eg oo hoos la marinayo xarigga internet-ka in aad naga ogolaataan, wakhti kooban baana kusoo afjaraynaa qorshahaas, meesha aan wax marsiinnayna lama arkayo, wax dhib ahna deegaanka u keeni mayso, inta howshu socoto wax kasta oo dhaca, magdhow baan ka bixinaynaa.
Odeyga beeralayda: May, annagu uma baahnin waxa aad waddaan. Deriskayaga bal soo eega, waan hubaa in ay fursaddaan ka faa'iideysanayaan.
Vincent Zaleski: Hagaag! Howlgalkaan waxa aan idinku siinaynaa lacag dhan $230,000.
Odeyga beeralayda: $230,000 waa lacag badan. Waan hubaa in deriskeennu aqbali doono. Ujeedka aad iigu timid ma intaa un bay ahayd?
Vincent Zaleski: Mudane, waxa aan rejeynayaa in aad si buuxda ii fahantay. Fiiladan dhulka hoostiisa ayey maraysaa, cidna arki meyso, laba todobaad baan ku dhamaynaynaa, waxa aanna ku siinaynaa jeeg $230,000 ah. Lacagtaas adiga iyo dadkiinnaba way idinka badantahay, waadna ku barwaaqoobi doontaan.
Odeyga beeralayda: Si wacan baan kuu fahmay, balse ma rabno. Annagu nolol sahlan baan doorbidaynaa, waxa aannu nahay dad ILAAHAY u shaqeeya, iscayrsiga noloshu mudnaan agtayada kama leh, lacagtuna ma aha waxa kalsoonidu ka dhalato.
Vincent Zaleski: Macquul ma tahay in go'aan ka qaadashada fursadda aan idiin soo bandhignay codeyn aad u samaysaan?
Odeyga beerlayda: Fadlan howshaan ha iskusii adkeyn.
Vincent Zaleski: Ujeedkaygu waxa weeye in aan bulshada deegaankaan u keeno barwaaqo iyo reyn-reyn.
Odeyga beeralayda: Annagu ma aaminsanin in nolosha la casriyeeyey ay keeneyso nolol wanaagsan. Waxa aan rumeysannahay in teknolojiyadu ay dadkayaga sii kala fogeynayso, oo aan kala lumeyno, taasaana keeneysa in aan diidno in internet-kiinna xawaaraha sare leh la keeno deegaankayaga.
Vincent Zaleski: Gagaag! Maxaynu yeelnaa hadda?
Odeyga beeralayda: Kuma fahmin!
Vincent Zaleski: Sidee baan u meel dhexe isugu imaan karnaa?
Odeyga beerlayda: Mudane Zaleski, marna heli mayno meel dhexe oo aan isugu imaanno.
Vincent Zaleski: Waxa aad geleysaa khalad weyn. Maalinku hakuu wacnaado.

Gorgortankan waxaa ku jira dhowr cashar oo muhiim ah, kuwaas oo ay tahay in aannu si xeel dheer u dhuuxno, go'aamadayadana aan ku dhisno, mustaqbalkayagana in aan ku eegno, ubadkayagana in aan dhaxal ahaan uga tagno.
1. Vincent Zaleski waxa uu watay qorshe weyn, kaas oo malaayiin doollar maalin walba uu ka faa'iidi lahaa, si uu taas u helo, waxa uu diyaar u ahaa in caqabad walba oo ka hor istaagaysa hirgalidda qorshahaas in uu iska leexiyo. Sidaa awgeed cidwalba oo noosoo wax bandhigta, waxaa jira wax kaweyn oo ay rabto in ay naga qaadato.
2. Odeyga beeralayda ahaa waxa uu aaminsanaa mabaadi' waaweyn, kuwaas oo waxkasta oo la sheego aanan dhinacna loo dhaafi karin, si uu mabda'a u adkeysto, waxa uu ka gows adkeystay lacag badan oo loosoo bandhigay. Waa in mabaadi'dayadu noqdaan kuwo aanan la iibsan karin, si kasta oo duruufahayagu u adagyihiin.
3. Vincent Zaleski markii uu arkay in odeyga beeralayda hoggaamiya uu adagyahay waxa uu isku dayey in uu bulshada kale waddo uu u maro raadsho, waana sababta keentay in uu damco in go'aan qaadashada codeyn la geliyo. Waa in aannu ogaanno in cadowgayagu isku dayayo in uu helo gol-daloollooyin uu nagasoo galo, sidaa awgeed waa in aan gaashaanka u daruurnaa, una diidnaa in uu fursad naga helo.
4. Odeyga beeralayda markii uu Vincent Zaleski weydiiyey in la heli karo meel dhexe oo la'isugu imaado, waxa uu siiyey jawaab quusisay, waxa uuna u cadeeyey in aysan jirin meel dhexe oo ay isugu imaan karaan. Qodobkaan waa kan ugu muhiimsan oo ah in aynaan ka tanaasulin haba yaraatee mabaadi'dayada.
La wadaag asxaabtaada
Comments
Post a Comment