Skip to main content

"Aabbow! kan yar iga celi, aan kan weyn iska celiyee"

African Parents Are Lazy Disciplinarians – Believe. Aspire ...

Oraahda aan ciwaanka uga dhigay qormadan ayaa ah mid carruurnimadii aad loo adeegsan jiray. Micneheeda ama ujeedkeedu waxa uu ahaa in ilmuhu uu turriin iyo isku hallaynta uu qofka weyn ka filayo awgeed uu isku taago, halka asaaggii uu ka baqo, maadaama uusan u turayn oo uu tuu ku dhufto mid le'eg ama ka badan kala kulmayo.

Habeen hore ayaa waxaa isoo gaaray war sheegaya in dhallinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho ay duleedka magaalada Qardho u aadeen caways, waxaana halkii ay tageen uga daba tagay ciidan. Muuqaal la sheegay in baraha bulshada uu si xooggan u qabsaday ayaa muujinaya in ciidanku ay dhallinyaradaa oo marka muuqaalka laga duubayo aanan wax anshax xumo ah ka muuqan ay cay, jir-dil iyo hanjabaad isugu dareen.

Waxa aan isweydiiyey, maxay dhallinyaradaasu ku mutaysatay ihaanada intaa le'eg? Maadaama dadka Reer Puntland ay yihiin bulsho muxaafid (Dhaqanka ku adag), saameyn intee le'eg ayey dhallinyaradaa sharafkooda iyo sumcaddooda u geysan kartaa? Waalidiinta Soomaalida oo qaarkood xag jir ah, dhibaato intee le'eg ayey u geysan karaan ubadkooda sida khaldan sawirka looga bixiyey? Dhallinyarada laftigooda oo aynu wada ognahay caqabadaha haysta ee isugu jira kuwo dhaqaale, dhiirrigelin la'aan, tixgelin yar iyo kuwo kale oo badan, maxay kaga ficil qaadan doonaan arrintaas?

Su'aalahaa iyaga ah iyo kuwo kale oo badan, waxa ay mudanyihiin in si dhab ah la'isu dul taago, bulshaduna in aysan fududaysan cawaaqibta ka dhalan karta. Haddii aanan tillaabadaas la qaadinna ay dhici karto in dhallinyaradaas in ay sii fogaadaan, khataro waaweynna u ban baxaan, kuwaas oo qaarkood aanan la mahdin doonin.

Haddii aynu usoo noqonno qaabka ciidanku arrintaa u waajeheen, waxaa muuqata in ay tahay mid ka arradan damqasho iyo naxariis, waxaana dhallinyaradaas ay ula dhaqmeen sida cadowgii oo kale. Puntland waxaa ka jira dhibaatooyin ka waaweyn oo ciidanku ay ahayd in ay wax ka qabtaan kuwaas oo aynu wada ognahay in aanan tillaabooyinkii ku habboonaa laga qaadin, lana dhihi karo ciidanku howlihii ka cuslaa ee ka mudnaa ma aysan u qumine, maxaa ka hor istaagay?

Waxa aan kusoo gunaanadayaa xadiiskii Nebigeenna NNKH ee micnihiisu ahaa "Dadkii idin ka horreeyey waxaa loo rogay marka kan xoogga leh uu wax xado way iska deyn jireen, kan tabarta yarn marka uu wax xado, way ciqaabi jireen".

La wadaag asxaabtaada.

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...