Skip to main content

Soomaaliya iyo Soomaalilaan: Go'id mise googooyn!

Somaliland is on a rocky political path | Africa | DW | 01.12.2019

Waxaa shalayto 16 Jun, 2020 ka furmay caasimadda Jabuuti shir la'isugu keenay madaxda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo iyo Soomaalilaan oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Muuse Biixi. Shirkan waxaa ku baaqay dowladda Maraykanka, waxaana gogosha dhigtay Jabuuti, waxaa kasoo qeyb galay beesha caalamka, IGAD iyo Itoobiya oo uu hoggaaminayey Raysalwasaare Abi Axmed.

Khudbaddii ugu kululayd ee halkaa laga jeediyo waxaa lahaa Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana uu si dareen leh uu uga hadlay taariikhdii ay Soomaalilaan ku aasaasantay, isagoo dhanka kale ku xeel dheeraaday xadgudubyadii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka geysatay dhulka Soomaalilaan. Waxaa hadalka Biixi aan ka dhadhansaday in uu jiro wax uu isku hallaynayo, kaas oo suuro gelin kara in Soomaalilaan ay hesho aqoonsi, maadaama uu soo qaatay dalal la kala gooyey sida Suudaan. 

Wada hadalladii ugu dambeeyey ee Soomaalilaan iyo Soomaaliya waxaa ay ku ekaayeen 2015, kuwaas oo ay dowladda Turkigu gogosha dhigtay, kuwaas oo aanan lagu gaarin wax go'aanno ah oo kama dambeys ah. Arrinta ah in Maraykanku ku baaqo in shirkaan la qabto ayaa waxa ay kusoo aadaysaa iyadoo Liibiya uu ka socdo dagaal dhex maray xukuumadda dunidu aqoonsatay iyo Jeneraal Khaliifa Xaftar, dagaalkaas oo xukuumadda Liibiya ay Jeneraalka uga adkaatay iyadoo taageero weyn ka heleysa dowladda Turkiga oo adeegasanaysa dayuuradaha drones-ka ee ay dhawaan dalka Turkigu samaysteen. Waxaa iyana xusid mudan Turkigu uu Soomaaliya ka furtay saldhiggiisa ugu weyn ee ku yaal dunida. Turkiga oo noqday quwad aanan la dhayalsan karin, ayaa Wadamada Galbeedka iyo qaar kamid ah dalalka Carabta sida Sucuudiga, Imaaraadka, iyo Masar waxa ay u arkaan khatar weyn oo kusoo fool leh, waxaana ay isku dayayaan in Turkiga awooddiisa wiiqaan iyagoo kasoo maraya dhanka is ballaarinta uu ka wado dunida, taas oo ay kamid tahay in laga xiro biyo mareennada uu Turkigu u arko in ay lagama maarmaan u yihiin hormarkiisa dhaqaale iyo saameyntiisa siyaasadeed.

Isku daygii Afgambigii fashilmay Turkey ee dhacay 2016, waxaa laga quustay in Turkiga gudaha laga dumiyo, taa bedelkeeda waxaa ay keentay in la'isku dayo in la hakiyo dhaq-dhaqaaqiisa dibedda. Dhanka kale, waxaa jiray qorshe Liibiya lala rabay oo ahaa in afgambi uu Jeneraal Khaliifa Xaftar ku qabsado dalka, balse markii uu u muuqday in aanu hirgalayn, waxaa socda qorshe kale oo ah in Liibiya loo kala qeybiyo illaa saddex dal, si gacan loogu dhigo dhaqaaleheeda, saameynteedana loo wiiqo. Waxaase arrintaa gaashaanka u daruuray madaxweynaha xukuumadda Liibiya oo sheegay in aanan dalka la qeybinayn, wax wada hadal ahna lala galayn Xaftar.

Haddii aan usoo laabanno tan Soomaaliya iyo Soomaalilaan, waxaa uu Maraykanku lahjad adag ku sheegay in shirkaan ay kasoo baxaan natiijooyin kama dambeys ah, sida aan horey usheegayna, khudbaddii adkeyd ee Madaxweyne Biixi ay muujinaysaa in markan ay Soomaalilaan u egtahay in ay heshey garbo culus oo goonni-goosadka kala xaajooda, waxaa iyana meesha ku jirta dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Raysal Wasaare Abiy Axmed, kaas oo damicii hore Itoobiya ay u dheertahay baahi deg-deg ah oo uu u qabo dalkiisu in uu helo marin badeed, waxaana imika mudnaata 1aad uu siinayaa dekedda Berbera.

Haddii Soomaaliya ay ku qancin weydo Soomaalilaan in ay la midowdo, waxaa suuro gal ah in ay Soomaalilaan hesho aqoonsi, kaas oo albaabka u furi doona jid foolxun oo dalka Soomaaliya u horseeda in uu kala googo'o. 


Waxa aan kusoo gunaanadayaa, Soomaaliya iyo Soomaalilaan waxa aynu ku kala tagi karno waxaa ka badan waxa aynu kuwada joogi karno. 30 sano kadib maantay bay guushu inoo dhowdahay, duniduna maantay ayey diyaar u tahay in ay wax nala qeybsato, balse waxaa naga xiga in aynu ku dhaqanno aragti ka madax bannaan caadifad oo aan mustaqbalka ku eegno il dheer. Soomaaliya iyo Soomaalilaan waa "Tun sagaaro, laba garab oo la kala qeybiyo ma leh". Waan ka heshiin karnaa wixii dhacay, si aanan tii hore oo kalena wax noqon wax waa la'isla meel dhigi karaa, balse yeenaan noqon sida sheekadii saddexda sac. Itoobiya gudeheeda waxaa ka socda burbur iyo kala daadasho, innagoo og in ay sidaa tahay, misana Abiy Axmed ma ogola in dalkiisa oo intaas oo qowmiyadood oo aanan midab, diin, isir, xidid iyo xigaalo midna wadaagin in ay kala googo'do, aynu miyir kabanno, ILAAHAY-na barinno, damiirkeenna iyo dadnimadeenna innagoo kaashanayna, yeynaan Soomaali kala kaxaynin.


Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Waligaa ma isla fariisatay?

  Imta meel gaar ah tagtay, shubatay shaah ama cabitaan aad jeceshahay, mala sheekeysatay naftaada? Waa caadada nafta marka ay cidlooto in ceebeheeda iyo gaabiskeeda ay kusoo deg-degaane, inta dhagaha ka laabatay maskaxda maku jiheysatay wixii laandheerenimo ahayd oo aad qeyb kasoo noqotay amaba aad hoggaaminaysay? Wax weynba adigoo aanan raadin ma isasoo xusuusisay iyadoo dadku ay geesaha ka marayaan qof caawimaad u baahan aad keligaa isu xilqaantay gobanimada kaa buuxda awgeed. Ama maalin aad u hiillisay mid walaalkaa ah ama saaxiibkaa ah oo la caddibayo, sida malag lasoo diray inta cirka kasoo degtay, u fidisay gurmad uusan fileyn. Dagaalka nafeed ee qof waajahayo waa kan ka socda labadiisa dhegood dhexdooda (maskaxda), taas oo uu ku rabbeeyo in ay taageeraha u weyn noqoto, ayaa u sahleysa dhammaan dagaallada nololeed ee uu geli doono ka jabo keenideeda. Dadka aadanaha ka xusan ee wax un loogu hirto, waxa ay leeyihiin barbar dhan oo noloshooda kamid ah oo mugdi ah amaba uu g...