Haddii aan ku weydiiyo "Maxaa kusoo maray oo aad illaawi karin?", waxaa jawaabtaadu u badan kartaa in aad sheegtid qof ama dhacdo aad la kulantay dareenka ay kugu reebtay. Dareenkaasu ha ahaado mid wanaagsan oo xusuus wacan kugu reeba ama mid xanuun badan oo murug iyo calool xumo kugu reeba.
Waxyaabaha aynu maalinlaha ula kulanno ee isbed-bedelka badan, waxaa nagu hara kuwa xambaarsan dareenka. Sidaa awgeed qoraalkan kooban waxa aan ku ifinayaa ahmiyadda ay leedahay arrintan aniga oo ka eegaya saddex gees.
Dhanka 1aad, waxaa muhiim ah in aynu si dhab ah uga fiirsanno hadalladeenna iyo falcelinteenna ku aaddan dad la dhaqanka, dadkaas oo isugu jira dad aannu jecelnahay iyo kuwa aanan jecleynba. Falcelinteennu waa in ay ahaataa mid ku gaashaaman anshax, naxariis, af-gobaadsi, dulqaad, waxaana dhici karta in haddii aannu sidaa yeelno dad badan oo dareenkoodu hooseeyey in aannu kor u qaadno macnawiyaadkooda, kuwaas oo sii sababi kara in ay horumar ku tillaabsadaan, ama ugu yaraan maalinkoodu aanu noqon mid cakiran, qallafsanaantayaduna aanay ku kallifin in ay sii muraara dillaacaan.
Dhanka 2aad, waa in aannu ogaanna dantayaduba in qeyb weyn oo kamid ahi ay ku xirantahay dadka kale, sidaa awgeed in aan ogaanna in dad la dhaqanka wanaagsan uu fure u noqon karo in albaabo aanan filanayn ay noo furmaan. Arrintan oo ah mid adag marka la eego in aan naftayada innaga oo u diideyna in aan dacsad lagu tunto iska yeelno, misana haddii aan xakabad lagu kufo, dadkuna necebyihiin noqonno ay keeni karto in la'ikanaba dido, kheyr badan oo aynu calfan lahaynna seegno.
Dhanka 3aad, waa in aynu ogaanna wanaaggu marna in aanu qiima beelin, sidaa awgeedna cidda aynu xarashka u hayno in aan iska cafinno, naftayadana culayska cuqdadda ka xoreyno, innagoo iska khafiifinayna xummadda uu nagu hayo qof aananba naga war hayn oo noloshiisa ku fooggan, taas bedelkeedana aan xiriir wanaagsan in aan la samayno isku dayeyna. Waana sida Axaadiista iyo Qur'aanku ina fareene, ballan qaadka ILAAHAY sheegay ay tahay in kii aannu necaybka u haynnay haddii aannu wanaajinno uu isuba rogi doono sokeeye dhiigga inoo shuba.
Comments
Post a Comment