Skip to main content

Hoo, waad keeniye!

                                  
Sawirkan Google ayaan kasoo xigtay





Cilmi baaris la sameeyey ayaa waxa ay ku dhisnayd weydiin oranaysa "Dadku yey wax siiyaan?". Ma qofka baahan bay wax siiyaan? Ma kan tabarta yar bay wax siiyaan? Ma kay danta ka leeyihiin bay wax siiyaan? Ma kan xiga ee sokeeyaha ah bay wax siiyaan? .... 

Baaritaan dheer kadib waxaa soo baxday in dadku ay wax siiyaan cidda iyaga wax siisa. Sidaa awgeed ayaa imika ganacsiyada horumaray ay u fahmeen falsafaddaas, waxaana ay kamid tahay qaababka ay macaamiisha ku kasbadaan. Shirkadaha qaar ayaa kusiinaya hadiyado yar-yar oo aanan qiime badan ku fadhin, si berri ka maalin marka aad suuqa timaaddo aad u xusuusnaatid hadyadoodii yarayd, ayna kugu dhaliso in aadan lacagta la dhaafin oo xaalkaagu noqdo "Af wax cunay xishoo". Adiga oo gobanimadaada ilaashanayana waxa aad kaga falcelinaysaa hadyaddii lagu siiyey in aad wax ka iibsatid shirkaddaa. Markaa waxa meesha ka dhacaysa"Gacma is dhaafay baa galladi ka dhalataa".

Aadanuhu waa baahane aanan dhergin, balse dad yar oo fahmay falsafadda aan u bixiyey "Hoo, Waad keeniye", waxa ay si xarfad leh ugu guuleysteen in ay shabaqa ku ritaan fursad walba oo ay ku helaan cidda markaa ay dan ka gasho.

Haddaba sidee baannu "Hoo, Waad keeniye" ugu bedelnaa tab aan noloshayada ku horumarin karno. Tusaale, haddii aad dooneysid in qolo aad dan kaa gashay ka dhamaysatid, waxaa lagaaga baahanyahay in aad baaritaan ku samaysid halka ay qoladaasi ka jilicsantahay oo noqon karta wax ay jecelyihiin sida shakhsi, shay, amaan, iwm oo haddiiba halkaa lagasoo galo ay khasnadaha furayaan. Waxaa xiga in aad marka 1aad cidda isku deydid in aad lasoo jaanqaaddid si aysan kaaga didin oo isbarasho iyo is fahan macquul ah uu idin dhexmaro. Ugu dambeynna waxa aad si lama filaan ah uga abbaareysaa halkii ay ka debecsanaayeen. Markaa qofkaasu waxa uu kuu noqonayaa mid kaynaanka aad u heysid, fursadda in aad ka heshid wixii aad ka rabtayna aad bay u sarreynaysaa. Intaa kadib marka aad usoo bandhigaysid dantaada, waxa aad si weyn isaga ilaalisaa in aad wax u tustid in aad adigu baahantahay, waxa aadna ku dadaalaysaa in aad ka dhextustid fursad dahabi ah oo uu ka dheefayo.


Dhanka kale, waxaa jira in dad badan oo adiga dan kaasoo geleyso, ayna tahay in aad u fududeysid danahooda, markaa waxa aad u baahantahay in maskaxdaadu aanay u shaqayn sida marka aad taada u howlgalayso, balse aad is xusuusidid in dadku aanay sidaada oo kale ku hubaysnayn xirfaddan dahabiga ah. Waxa aadna naftaada ku qancinaysaa in aad iskasoo qaaddid qofka adiga kuu dan sheeganaya, sida aad jeclaanlahaydna in aad ugu hagar baxdid, is maqashii oraahda Qur'aanka ah ee micneheedu ahaa "U samafal, sida ILAAHAY adiga kuugu samafalay" — maba keeni karno in aannu sida ILAAHAY inoogu samafalo aan u samafalno eh, ~ Qasas, 77. 

Ogowna "Bartii yaqaan, bari uma kororto".

War ma gartay?

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...