
Askarigan ma aha kan qisada ku jira
Waa markale iyo sheekooyinkii gaadiidka dadweynaha dushiisa
eh, waxaa duhurradii maantay gaari wada raacnay muwaadin Yemeni ah oo ka
ganacsada Boosaaso, kaas oo wareejiya cadarrada. Saakay sheeko saas ah nama
dhex marin, balse galabtay ayuu markale Yemenigii gaariga nala soo fuulay. Markii
uu soo fariistay baan iri “صدفة” lama filaan ayeynu galabtayna ku kulannay. “Haa waa innagii
saakay isku gaariga saarnayn” ayuu Af-Carabi igu yiri. Rakaabka galabtay waxaa kamid
ahaa askari qori AK47 ah wata, ammaankuna u furanyahay. Yemenigu markaa
galabtii shaqo umasoo bixin ee inta labiskii ay dhaqanka u lahaayeen – macawistii
go’a ahayd iyo shaar buu iskusoo taagay. Askarigii baa hadalkii nala qeybsaday,
Yemenigii ayuu ku yiri isaga oo Af-Soomaali ku hadlaya “Macawistayada oo kale
ma gashataan miyaa? Waxaan maxay ahayd?” Markaa askarigu waxa uu ku
lebbisanyahay macawis. Maadaama uusan Yemenigu Af-Soomaaliga fahmayn ayaan u
tarjumay. Yemenigii ayaa yiri innagu dhaqan ayey noo tahay macawistaan, dalab
ayeyna Yemen nooga timaadda, marka isku nooc ma xiranno. Askarigii ayaa
garowsaday in ay dhici karto in ninkaan Yemeniga ahi uu u fasirto hadalkiisa in uu handadaad iyo hanjabaad u arko, waxa uuna ii sheegay in uusan
waxba baqin ee uu ujeedku ahaa in uu wax ka ogaado lebiskiisa, sidoo kale
qoriga aan wato yuunan ka baqin ayuu yiri. Sidii ayaana mar kale ugu tarjumay. Yemenigii
ayaa dhoolla cadeeyey, waxa uuna yiri waxa aad u sheegtaa innagu hubka waan
naqaan.
Waxaa laga yaabaa in askarigaa haddii uu wadada kaaga soo
horboxo uuna waxba qiime badan kula yeelan, balse waxa uu ahaa halyeey ku
hubaysan gobanimo xeeldheer, taas oo dhadhansan karta qofka kale dareenkiisa
iyo shucuurtiisa. Walaaleheen Yementu waxa aynu burburkii qarankayaga ku dhacay
dalkooda nooga dhigeen meel aan ubaxsanno, markii ay iyaguna cadowgu helooday
oo ay noosoo qexeen waxaa jiray gurmad iyo gobanimo mug leh oo aan kala
hortagnay, dhanka kale waxaa jiray qaarkeen u hunguriyooday inamohooda baahidu
bakhtiga u xalaaleysay oo u hawooday in ay dumarkaa cidlo ka helaan. Qofkasta oo
damaciisu ka xoog bato dadnimadiisa waxa uu noqda bahal leh muuqaal dad. Sida askarigii
galabtay waa in aynu ku hubaysnaannaa gobanimo gowsaha joogta.
Galab wanaagsan
Comments
Post a Comment