Skip to main content

Ma is taqaan!

Know thyself' is not just silly advice: it's actively dangerous
Halku dhigga falsafiga ah ee Giriiggu ku caan bexeen ee ku xardhan Macbadka Apollo, Delphi



Inkastoo qormadani aysan ka jawaabi karin mugga naftayadu ay leedahay, misana qofku in uu naftiisa bartaa ma aha wax aynu Soomaali ahaan aqoon u leennahay. Waxaa laga yaabaa haddii midkeen la weydiiyo "Yaad tahay?", in uu isku sifeeyo muuqaalkiisa, qabiilkiisa, diintiisa, aqoontiisa, midabkiisa, jinsiyaddiisa, hantidiisa, de'diisa iwm.

Waxyaabaha aan soo sheegnay ee aannu isu qabno in ay na qeexi karaan, mawada aha waxa aannu ka koobannahay. Si aan usii fahanno waxa aannu nahay in aysan ahayn waxyaabaha aynu kasbannay marxaladihii kala duwanaa ee aannu soo marnay, haddii nala weydiin lahaa 10 sano ka hor "Yaad tahay?", waxyaabo aan imika sheeganayno, mug uma aanan lahaanneen in aan qaarkeed iska daa in aannu sheeganno eh, aan fahamno waxa ay tahay.

Sidaa awgeed, innagu markasta oo aan joogno, waxa aan kororsanaynaa mug hor leh oo ku xiran hadba inta waayo aragnimo ee aan kororsanno.

Dhanka kale, waxaa laga yaabaa in aynaanba aqoonin awoodahayaga, shakhsiyadeenna, meelaha aannu ku xooggannahay iyo meelaha kale ee aan ka tabar darannahay, waxaana ku ogaan karnaa in aan u fiirsanno falcelinteenna ku aaddan duruufaha kala duwan ee nasoo wajaha, sidoo kale in aan dhuuxno waxyaabaha ka guuxaya maskaxdayada oo ah gundhigga hab nololeedkeenna.

Waxa aan rumaysanahay in aanu qofna ka salgaari karin xaqiiqada uu isagu yahay, misana hadba inta aannu waayo aragnimo kala duwan ee aan helno, ayaa furaya mug hor leh oo aanan horey u fileyn in aan gaari karnay. 


Si aannu u gaarno heerarkaa dahsoon, waa in aannu naftayada ku tuurnaa waayo aragnimooyin kala duwan, sida in aannu safarro kala duwan galno, bulshooyin hor leh baranno, buugaag kala duwan akhrinno, waa in aanu la sheekeysanno dadyow kala geddisan, kuwaas oo noloshu kala heerka gelisay, kadibna qofwalbana waayo aragnimadiisa aan ka dab qaadanno, intaa kadibna aan khibradahaa kala duwan sida muraayaddii aan naftayada ku eegno, kadibna is weydiinno sidee bay naftayadu ahaan lahayd haddii aannu duruufaha dadyowgaa kale ku suganyihiin aan ku sugnaan lahayn, sidee baannu uga falcelin lahayn haddii xilliyada aannu taariikhdooda akhrinayno noolaan lahayn, heerkee bay garashadaydu gaarsiisnaan lahayd haddii aan umadaha kala duwan mid un ka dhalan lahayn...

Ugu dambeyn, markasta oo aan wax un ka fahanno inta aannu naftayada ka naqaan - iyada oo aanan ka badbadinayn, ama hoos isu dhigeyn, waxa aan awood u yeelanaynaa in aan nolosha ku jibaaxno awoodahayaga garasho ee aannu kasbannay, si ay noogu hagaan in aan kaga falcelinno arrimaha nasoo waajahaya innaga oo ku hubeysan xigmad.


Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...