
Sawirkan waxa aan kasoo xigtay Google.
Dhammaantayo waan wada xusuusannaa qofkii yaraantayada na dhiirrigelin jiray, kii na dhalliili jiray, kii na dhibi jiray iyo kii na dharbaaxi jirayba. Waxa aannu ahayn warqad cad oo waxwalba ay ku qormayaan, mana aynaan lahayn waayo aragnimadan maantay aannu ku hubaysannahay. Waxa aannu imika yeelannay shaandho adag oo waxyaabo badan naga difaacda, balse waxaa iyana jira cuqdado xanuun badan oo nagu reebay uurku taallooyin aanan illaawi karin, kuwaas oo si un saameyn ugu reebay noloshayada maantay. Waxa ugu muhiimsan ay tahay qofwalba oo nool in uu ogaado in uu unoolaado si sharaf leh oo xorriyadda ILAAHAY uu siiyey uu ku raaxayso, isaga oo aanan cidna ka amar qaadanayn, balse khuraafaadka bulshooyinka ku dhexfaafa, waxa ay keenaan in himilooyin badan oo dhaxal gal ahaa ay ku dhex bakhtiyaan uurka hal'abuurradii ifka usoo bandhigi lahaa.
Buugga uu qoray Todd Henry - Die Empty, waxa uu ku furfuranayaa su'aal uu weydiinayo akhristaha, isaga oo leh "Xaggee baad u malaynaysaa in ay afkaaraha dunida ugu qiimaha badan yaallaan?". Isaga oo ka jawaabayana waxa uu yiri "Afkaaraha dunida kugu qiimaha badan waxa ay yaallaan qubuuraha, waayo dadkii xambaarsanaa ayaa la dhintay ayaga oo aanan hirgelin". Sababta ay dadka afkaarahaa la dhintay ay ifka ugu soo bixin waayeen, waxaa iyana ka jawaabay buugga kale ee ay qortay Bronnie Ware - 5 Regrets of Dying. Buuggaa oo ka kooban 5ta sababood ee ugu badan, kuwaas oo dadka sii dhimanaya ay ka shallaayayeen, ayaa waxa ay kusoo ururaysaa in ay jirtay baqdin u diidaysa in noloshooda iyo afkaartooda si xornimo leh u soo bandhigaan.
Ugu dambeyn, faquuqa oo lagu qarinayo diin, dhaqan, xishood, baqdin gelin ayaa faquuquhu ku aamusiyaa cidda rabta in ay aragtidooda soo bandhigaan, waxaana xal u ah in qofku aanan u joojin baqdintaa ee uu u bareero waxa uu doonayo, isaga oo isku hubaynaya aqoon ama xirfad, taas oo ka saacideysa in uu ka badbaado fashil, si aanan faquuquhu ugu wiirsan, sidoo kale waa in aan naftayada iyo shakhsiyaddayada si xeel dheer u barannaa, si meelaha aannu dabaca ka dareemeyno u dhisno, waana in ay jirtaa sawir aan naftayada ka haysanno, kaas oo aan ku summadayno hal'adayg, geesinimo iyo dulqaad. Dr. Michael Gervais qormo uu ku qoray HBR, waxa uu ku qeexayaa erey bixin uu kusoo koobay FOPO (Fear of People's Opinion), waxa ay iftiimineysaa macnaha gunaanadka qormadan.
Waxa aan kuu rejeynayaa in aad ka xorowdid faquuqa.
Comments
Post a Comment