
Waa muuqaal argagax leh oo kamid ah goobihii uu qaraxii Beyruud ka dhacay saameeyey
Saaxiib Maxamed Yaasiin oo ka falcelinaya status-keyga Whatsapp-ka oo aan soo dhigay Beyruud iyo emoji ah qalbi kala go'ay ayaa yiri "Waan is qalqalanay boowe". Waxa aan ugu jawaabay "Asbaabtu waa kala duwantahay, dadka dhimanaya se waa hal.", waxa uu igu yiri "Aad iyo aad ustaad, ilaah hana badbaadiyo nafaha aan waxba galabsan sababta ay aduunka u dhaafeena aan cidna caddayn karin baa wax walba ka xanuun badan", waxa aan ugu jawaabay "ILAAHAY waxa uu nasiiyey awood aan isku badbaadin karno, balse awooddaas kama aannan faa'iideysan ee waxa aannu noqonnay magan dhulka korkiisa lagu dulleysto."

Waa muuqaal kamid ah qaraxii Zoobbe ee ka dhacay Mogadishu 14 Oct, 2017
Labada qarax waxa ay ka dheceen laba dal oo awood buuran aanan lahayn, maamullada kajirana ay yihiin kuwo faragelin ba'an ay ku hayaan dalal shisheeye, dagaallo kale oo ka dhexeeya quwado bannaanka ka ahna ay ka socdaan. Labadan dal awoodaha ku loollamaya ujeedkoodu waxa uu yahay in maamullada xukuma saaxiibbadood si ba'an loo xanuujiyo.
Soomaaliya waxaa ay saaxiib la tahay Qadar iyo Turkey, waxaana ay taas ka xanaajisay Dowladdaha Reer Galbeedka iyo kuwa saaxiibka la ah sida Imaaraadka. Halka Lubnaan ay saaxiib la tahay Iiraan, taas oo iyana ka careysiisay Yuhuudda iyo dalalka Khaliijka sida Sucuudiga iyo Imaaraad.
Qaraxa Beyruud ka dhacay ayaa kusoo beegmaya iyada oo la sugayey go'aan kasoo baxa shirqoolkii lagu dilay 2005 Raysalwasaarihii Lubnaan Rafiiq Al-Xariiri.
Dalalka tabarta daran, waxa ay tahay in ay la yimaadaan aragti siyaasadeed oo ay ku dhistaan awood ilaalisa ciiddooda iyo dadkooda, waana in aysan madaxdoodu noqon "fadlan lacag ku shubo", taas oo ciddii u bilqisa ay isu dhiibaan, waana in ay isku dayaan in ay awoodaha jira si dheelli tiran oo xeeledaysi ku dhisan ula saayiraan.
Comments
Post a Comment