Skip to main content

Xirfadle


How To Become An Electronics Technician - Enrich Jobs

Sawirkan waxa aan kasoo xigtay Google.


"Bulsho raasumaalkeedu waa inteeda shaqada jecel, ee suga waxqabadkooda, hal'abuurna ku dara" ~ Ibnu Khalduun.


Magaalada Boosaaaso waxa aan imid 2004. Xilligaa waxa aan ka degey xaafadda Ridwaan oo ku taal dhanka Bari ee magaalada, xeebtana saaran. Dhallinyaradii xaafadda waxa ay sheegi jireen timajare xirfaddiisu sarreyso oo ay in badan oo kamid ah timaha ka jartaan. Inta aan hubo, Maxamed (Ilig), waxa aan magaciisa maqlayey illaa 14 sano. Haddana waxa aan kamid noqday macaamiisha ku xiran ee sida joogtada ah uga jarata meheraddiisa. Saaxiibkay Cumar oo aan kula taliyey in uu Ilig timaha ka jarto, markii 1aad soo dhaweyntii uu filayey kalama uusan kulmin, balse markii 2aad ee uu u tagay, waxaa dhexmaray xiriir saaxiibtinimo oo adag. Marka aad la joogtid Ilig, haddii aad sheeko wadaag noqotaan, wakhtiga adiga oo aanan dareemin ayuu ku dhaafayaa, adiga oo si sharaf leh laguugu adeegay, timahana sidii aad jecleyd laguugu jaray. Inkastoo aanan halkaan kusoo koobi karin saaxiibtinimada aniga iyo walaalkay Ilig naga dhaxaysa, misana waxa ujeedkeygu yahay in uu tusaale u yahay qof xirfad leh oo misana xirfaddiisu sugantahay. 

Mar aan yara eegayey buug uu qoray Maxamed Al-Ghazali (Noloshaada cusbooneysii) aan sii eegay Cutub uu ugu magac daray (Aafooyinka baaga-muudada), waxaa kamid ahaa 
Bulsho waxa ay ka samaysantaa dad isu tagay, kuwaas oo ay ka dhaxayso deegaan iyo dano ka dhigay in aanay kala maarmin. Bulshadaa iyada ahi waxa ay hadba noloshoodu ku hagaagta tirada xirfad leyaasha ah ee kamidka ah. Dhakhtarka, macallinka, farsamo yaqaanka, farshaxamiistaha, abwaanka, muusikiistaha, iyo xirfadleyaalka kale. 

Soomaali ahaan, waxa aynu ahayn bulsho asalkeedu Reer Miyi yahay, dadka xirfadleyda ahina aanay ku badnayn, lagana yaabo in xirfadaha qaar ay ahaayeen ku qofka lihi uusan mudnaan bulshada ku dhex lahayn, balse ayba dhici jirtay in la quursan jiray. Maantay noloshii miyiga waynu kasoo guurnay, waxa aannu joognaa, magaalo, waxa ayna tahay in aannu helno xirfadleyaal noloshayada hagaajiya, baahiya aynu qabnana xalliya, intaa waxaa dheer casrigan waxa dunidu waxa ay ku tartamaysaa xirfadleyaal xirfaddoodu sarreyso, waxaana lagama maarmaan ah in aannu helno xirfadleyaal tayo sarreeya si aynu ugaarno isku filnaansho.

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...